Saraakiisha sare ee Ciidanka Booliska oo loo furay Siminaar ku saabsan Ilaalinta Xaquuqda Aadanaha

Date:

Muqdisho (SNTV)– Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa maanta Saraakiisha sare ee Ciidanka Booliska u furay Siminaar lagu baranayo dhowrista Xaquuqda Aadanaha Xilliyada ay ku jiraan Waajibaadka Shaqo ee loo xilsaaray.

Siminaarkaan oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa waxaa  Casharo ka bixinaya Xubin sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Dawladda Ingiriiska oo aqoon gaar ah u leh arrimaha Xaquuqda Aadanaha.

Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sharaxaad ka Warbixiyey ujeedka Siminaarkaan, isaggoo tilmaamay in Ciidanka Booliska ay yihiin xubno ka yimid Bulshadda, islamarkaana ay waajib ku tahay inay ilaaliyaan Xaquuqda Aadanaha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...