Home Blog Page 1094

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirka geeddi socodka dayn cafinta Soomaaliya

0

Muqdisho november 13 (SNTV);-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay Shirka toddobaadlaha ah geeddi socodka cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo natiijada kulanka ka warbixiyay ayaa sheegay intii kulanku uu socday in kulankii maanta looga hadlay meesha uu marayo qorshaha dayn cafinta.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in ay ra’iisul wasaare Khayre ay uga warbixiyeen guulaha laga gaaray shuruudaha dayn cafinta ee dawladda lagu xiray iyo shaqooyinka qabyada ah ee dhammaytirka u baahan ah kahor shir dawladda Soomaaliya iyo IMF ay uga wada hadlayaan dar-dar gelinta cafinta daymaha Soomaaliya, kaas oo Nairobi ka dhacaya bisha December ee sannadkaan.

Shirka Toddobaadlaha ah ee geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya oo ay kasoo qayb galaan dhammaan dhinacyada qaybta ka ah geeddi socodka ayaa looga hadlaa qodobada ka fulay heshiiskii Hay’adda lacagta adduunka (IMF) iyo Dawladda Soomaaliya iyo dar-dar gelinta qorshayaasha fududaynaya in Soomaaliya daynta laga cafiyo.

R/wasaare kuxigeenka Dalka oo Daah furay Madasha Siyaasada Dhaqaalaha Qaranka

0

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah furay Madasha Siyaasada Dhaqaalaha Qaranka oo ay ka qeyb galayaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Ganacsato, Xubno ka socda Jaamacadaha Dalka iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa soo bandhigay Daraasado ku aadan halka uu marayo dhaqaalaha dalka xiligan iyo sidii loo jiheyn lahaa, iyadoo Wadajir la iskaaga kaashanayo sidii loo hormarin lahaa ilaha Dhaqaalaha loogana gudbo Waxyaabaha caqabadaha ee hortaagan hormarka Dhaqaalaha Dalka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka ayaa furiaanka shirkan ka sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay xoogga saartay sidii dhaqaalaha dalka loo kobcin lahaa, iyadoo Xukuumadda Soomaaliya ay sameysay isku tashi.

Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka ayaa si gaara diiradda u saareysa Qodobo ay ka mid yihiin Kobaca Dhaqaalaha, Hanaanka loo hirgalin karo, Maalgahshiga dalka, La dagaalanka Musuq maasuqa iyo Sidii looga qeyb qaadan lahaa hindisahaasi.

Horjoogaha Alshabaab ee Degmada Jilib iyo Maleeshiyaad Xabsiga loo taxaabay ka dib dagaal ku dhaxmaray Jilib

0

Dagaalkan ayaa  u dhaxeeya Maleeshiyo ka wada tirsan Al shabaab waxaana u ka dhacay duleedka degmadda Jilib gaar ahaan wadada isku xirta Bu’aalle iyo Jilib.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii Garab ka tirsan Argagaxisada Al shabaab ay Jilib ku dileen Abuu Yoonis Al Misri oo u dhashay Dalka Masar iyagoo ku tuhmay inuu xiriir la leeyahay Argagaxisada Daacish, waxaana koox  Ajaaniibta katirsan ay ka xumadeen dilka loogeystay horjoogohada  waxaana ka careysiisay  kooxda dagaal la galeen Maleeshiyadii weerarka geysatay.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa si hoose Warbaahinta Qaranka u  sheegay in Xaalada hada ay kacsan tahay, iyadoo Garabka Weerar ku qaaday Jilib ay xabsiga u taxaabeen 20-ka mid ah Dhagar qabayaasha Al shabaab oo ay ku jiraan Horjoogaha Degmada Jilib ee Argagaxisada iyo kuwa u qaabilsan Borobogandada iyo marin habaabinta Bulshada waxaana dhamaantood looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Argagaxisada Daacish.

Sanadkii 2013 Bishii June 30-keedii sidan oo kale waxaa bartamaha Degmadda Baraawe kooxda Al-Shabaab waaxda Amniyaadka oo ka amar qaadanayay markaa hogaamiyihii la dilay ee Axmed Godane ay dileen Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad (Macallin Cali) iyo Cabdixamiid Xaashi Colhaye oo loo yaqaan (Macallin Burhaan) ragaan oo dilkooda bastolado loo adeegsaday xiliga salaadda cishe ayaa waxay isku dhaceen hogaamihii Al-Shabaab ee Godane.

Maleeshiyada Al shabaab ayaa caan ku ah khaarijinta Horjoogayaasheeda isugu jira Soomaalida iyo Ajaaniibta, iyagoo isku khilaafa dhaca iyo dilka Shacabka Soomaaliyeed, waxayna taasi keentay in Shacabka ay fahmaan ujeedka dhagar qabayaasha oo ah inay gumaadaam dad aan waxba galabsan.

Shirka Maayaradda Casimadaha dalalka Islaamka oo lasoo gaba gabeeyay

0
Muqdisho (SNTV) Magaalada JabuUti ayaa lagu soo gaba gabeeyey shirka 32-aad ee Maayaradda Casimadaha dalalka Islaamka, kaas oo looga hadlayey iskaashiga magaalooyinka iyo mashaariicda horumarineed ee bilicda caasimadaha sare loogu qaadayo.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo shirkaas ka qaybgalay ayaa xusay in ay ka dhaxleen wax badan oo khibrad wadaag ah iyo in sare loo qaado iskaashiga caasimadaha dalalka Islaamka.

Wasiirka Difaaca Mudane Cali Xasan Bahdon iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Djibouti Sakariye Sheikh Ibrahim ayaan maanta xafiisyadooda ku booqday iyadoo ay ila socotay Maayeerada Djibouti Marwo Fatouma Awaleh Osman

Golaha Iskaashiga caasimadaha dalalka Islaamka ayaa xoghayaha guud ee ururka u doortay Faadumo  Cawaale Cismaan Maayarka caasimadda Jabuti oo shirkan martigalisay, taas oo ururka hogaamin doonta 2-da sano ee soo socota.

SHARE

Facebook
Twitter

Al-shabaab oo Jilib ku dilay xubno ka tirsan Ajnabita Argagaxisada ah

0

Muqdisho (SNTV) Koox Maleeshiyo ah oo ka tirsan Argagaxisada Al shabaab ayaa degmada Jilib ee Gobalka Jubada dhexe ku dilay rag ka tirsanaa Kooxda oo isugu jiray Ajnabi iyo Soomaali.

Dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Argagaxisada Khilaaf iyo kala shaki dhexdooda uu sababay in la dilo ragan, waxayna tani cadeyn u tahay sida Argagaxisada qofkii gala uusan kaga badbaadeyn inay dilaan.

Abuu Anas Al Misri oo Masar u dhashay ayaa ku jira raga la dilay, waxaana wararku ay sheegayaan in Maleeshiyada ay kaga shakisay inuu xiriir la leeyahay Argagaxisada Daacish oo Al shabaab xagjirnimada ay wadaagaan hadana ay kala mabda’  duwan yihiin.

Waxa ay isku xireen Ragga la dilay Masjid ku yaal Jilib, waxaana ay diideen inay isdhiibaan markii la soo weeraray, halkaas ayaana lagu dilay sida ay noo sheegeen Goobjoogayaal ku sugan degmada Jilib.

Maleeshiyada Al shabaab ayaa caan ku ah khaarijinta Horjoogayaasheeda isugu jira Soomaalida iyo Ajaaniibta, iyagoo isku khilaafa dhaca iyo dilka Shacabka Soomaaliyeed, waxayna taasi keentay in Shacabka ay fahmaan ujeedka dhagar qabayaasha oo ah inay gumaadaam dad aan waxba galabsan.

Dhinaca kale Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howgallo ka wada deegaanada ku harsan Gacanta Kooxdan arxanka daran ee Alshabaab, iyadoo dhawaan Abaandullaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya sareeye guuto Odowaa Yuusuf Raage uu sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay lagu dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Argagaxisada, islamrkaana howgaladan ay sii socon doonaan inta laga xoreynayo deegaanada wali ku harsan gacanta Dhagar qabayaasha.

Duqeeynta Diyaaradaha Dagaalka Israa’iil oo ay ku Geeriyoodeen Saddex Qof Falastiinyiin ah

0

Dayuuradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeeymo xooggan ka geeystay dhulka Falastiinyiinta, iyagoo bartilmaameedsaday xarunta Tvga e Ururka Xamaas oo ku yaal Marinka gaza, waxaa kale oo ku geeriyooday hal ruux oo Israa’iil  ah gantaalladii  ay ka soo tureen dagaalyahanada  Xamaas  dhanka Israa’iil.

Kooxda maamusha marinka Gaza ee Xamaas ayaa sheegtay  in mid ka mid ah Gantaalada ay ku ridayeen Israa’iil dhinacooda uu waxyeelo weeyn gaarsiiyay xarunta dhismaha Tvga Xamaas

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda Artileeriga ee Israa’iil  ay ka geeysteen  duqeeymo meelaha ugu saxmadda badan ee dhulka Falastiinyiinta  ee marinka gaza.

Duqeeymaha Israail ayaa daba socota 300 boqol  oo gantaallo ah oo Xamaas ku tureen dhulka ay Israa’iilyiinta xoogga ku haaysat Falastiinyiinta, mid ka mid ah gantaalada Xamaas ay ku tureen dhinaca Israa’iilyiinta ayaa waxaa uu ku dhacay Bas  dhanka kalana gantaal ayaa ku dhacay dhismo weeyn oo Israa’iil ay leedahay.

Ciidanka Israil ayaa sheegay in Hal ruux oo askari israaiili ah uu si xun ugu dhaawacmay bur bur dhisme  oo ku dhacay mid ka mid ah gantaalada ay xamaas ku soo tuuuren dhanka Israil

Xoghayaha Guud ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeeysa Mr Antonio Getares ayaa ku guubaabiyay labada dhinac ee dagaalamaya  ayaa sii dagdag ah  ay xal uga  garan dagaalka Masuulka  u hadlay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeeysa Farxaan Xaq, xaq waxaa kale uu intaa ku daray in uu ugu baaqay in ay soo celiyaan xasiloonida is naa xakameeyan.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay ka dib markii falastiiiniyiin ku sugan deegaanka Khaan Yoonis ay ku dhaqaaqeen in ay ka dabad baxaan dilka loogu geeystay todobadii Qof ee falastiinyiinta ahaa oo maallinmadii Isniinta la shegay in ay geeriyoodeen oo Israaiiliyita ay toogasho ku dileen ka dib martkii ciidamada Israil oo wata gaadiidka dagaalka ay ka soo gudbeen xadka u dhaxeeya labada dhinac ee Israa’iil iyo falastiin, Nour Baraka oo ahaa Hoggaamiye sare ee Ururka Xamaas

Dhinaca kale ee Israa’iil war ka soo baxay ayaa sheegay in Korneel Israa’iil ah uu ku geeriyooday askari kalena  uu ku dhaawacmay weerarkaasi dhexmaray labada dhinac ee Israa’iil iyo falastiin.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka dooday ku noqoshada Miisaaniyadda Dowladda 2018

Muqdisho (SNTV) Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ka dooday ku noqoshada miisaaniyadda dowladda 2018 oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa soo xaadiray 148 xildhibaan.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa dood dheer ka yeeshay ku noqoshada miisaaniyadda, xildhibaanada ayaa soo bandhigay talooyin ku saabsan noqoshada miisaaniyadda iyo meelaha u baahan sixitaanka.

Sidoo kale xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyay in si deg deg ah lagu ansixiyo ku noqoshada miisaaniyadda 2018 oo ay ku jiraan xuquuqda iyo mushaarka ciidamada dowladda.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa xildhibaanada ka codsaday in la ansixiyo.

Dood dheer iyo dhageysi talooyinka xildhibaanada ka dib waxaa guddiga maaliyadda la faray in ay ka soo shaqeeyaan arrintaan, kana soo dhigaan qaraar, golaha shacabkana usoo gudbiyaan maalinta Arbacada.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in golaha shacabka uu arrintaan ku wareejiyay guddiga maaliyadda si loogu soo dhigo qaraar.

“Wasiir anagu waxan ansixinaa qaraar uu guddi soo diyaariyay, hadaba deg degta jirta awgeed guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda inoogu xil saran waxan ka rabnaa iney arrinkaan ka soo shaqeeyaan oo ay noo keen Arbacada si golaha uu u ansixiyo qaraar cad oo dhan walbo laga soo diyaariyay”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Dhanka kale wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Salaad “ Oomaar” ayaa xildhibaanada golaha shacabka ka hor aqriyay xeerka hay’adda duulista rayidka iyo saadaasha hawada.

Wasiirka ayaa sheegay in xeerkan uu muhiim u yahay dalka wax badan oo hormar ahna laga gaari doono hadii golaha shacabka ay ansixiyaan.

“Hindise sharciyeedkan waxa uu aas aas u yahay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed waa muhiim in si wadajir ah loogu shaqeeyo si caalamka aan ula tartan”. Ayuu yiri wasiir Oomaar.

Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saaray colaada Gobolka Galgaduud

Muqdisho (SNTV);- Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta baaq nabadeed ka soo saaray colaada ka taagan gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanbale.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ku hadlaayay magaca Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin colaada ka soo cusboonaatay gobolka Galgaduud.

“ Waxaan magaca golaha shacabka baaq ugu soo jeedinayaa shacabka ku dhaqanka gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanbale oo ay colaad ka soo cusboonaatay oo dhex martay beelo walaalo ah, waxaan beelahaas usoo jeedineynaa in si deg deg ah nabadda ku qaataan oo ay heshiiyaan”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Guddoomiye Mahad ayaa xukuumadda Soomaaliya ka codsaday iney xoogga saarto joojinta colaadaas iyo in beelaha walaalaha la heshiisiiyo.

“ Waxaan usoo jeedineynaa xukuumadda iyo maamulada kale ee degaankaas ka jira in beelaha dirirtu ka dhaxeyso gurmad deg deg ah loo diro, colaadana la joojiyo”. ayuu mar kale yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Daminta dab qabsaday qeyb Ka mid ah Keydka Hadalka Radio Muqdisho oo Lagu guuleystay

0

Muqdisho (SNTV);- Waxaa lagu guuleystay in la demiyo dab qabsaday qeyb ka mid keydka hadalka Radio Muqdisho (Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya) oo ku yaala xarunta Wasaaradda Warfaafinta, ayadoo dabkaasina uu ka dhashay koronto saacadu marka ay aheyd 10-kii barqanimo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qeyb weyn ka qaatay daminta dabka oo in ka yara 15-daqiiqo soo diray Gaadiidka iyo Kooxda dab damiska,kuwaasi oo suurtagal ka dhigay in si deg deg ah dabka loo damiyo.

Qasaaraha ka dashay dabka ma badna, waxaana Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ay ku howlan yihiin tirakoobka cajaladaha gubtay.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa u mahad celiyay shaqaallaha dab damiska gobolka Benaadir iyo shaqaallaha Wasaaradda Warfaafinta oo iyagu aan ukala harin daminta dabka iyo daad gureynta cajaladaha ku keydsan keydka hadalka Radio Muqdisho.

Saraakiil reer Gaza ah oo sheegay in Israeli ay dileen 7-ruux

0
Ciidamada Israeli ayaa Marinka Gaza ku dilay 7-Falastiiniyiin ah ka dib kolkii howlgal qarsoodi ah iyo duqeyn xagga cirka ah ay la beegsadeen saraakiil ka mid ah ururka Xamaas.

Sarkaal ka tirsan Xamaas Ghazi Hamad ayaa sheegay in Unug ka socda ciidamo Israeli oo  wata Gaari kuwa shicibka ah ,isla markaana ay dusha kala socdaan diyaaradaha wax duqeeya ay gudaha u soo galeen koonfurta magaalada Khan Younis,halkaana ay ku dileen Nour Baraka,kaas  oo ah taliyihii Guutada al-Qassam  garabka hubeysan ee Ururka Xamaas iyo sarkaal kale.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in rasaas dhexmartay labada dhinac kadib diyaaradaha dagaalka Israeli ay 40-gantaal ku dhufteen halkaasi,ayna ku dileen 4-shacab ah

Askari Yuhuud ah ayaa sidoo kale lagu dilay rasaastii ay isweydaarsadeen ciidamada Israeli iyo kuwa Xamaas.

Afhayeenka ururka Xamaas oo lagu magacaabo Fawzi Barhoum,ayaa cambaareeeyay weeraradaasi wuxuuna ku tilmaamay kuwo fulaynimo ah.