Home Blog Page 1095

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Magacaabay Xubnihii ka dhinnaa Golaha Wasiirada ee maamulkaasi.

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Dawlad goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta Gareen)  ayaa ku dhawaaqay xubnihii ka dhinnaa Golaha Wasiirada maamulkaasi oo ka kooban 15 Wasiir, halka wasiir ku-xiggeenada la magacaabay ay gaarayaan 25 Wasiir ku-xiggeeno.

Halkaan hoose ka Akhri Liiska Magacyada Wasiirada iyo Wasiir ku xiggeenada uu magacaabay Madaxweynaha Dawlad goboleedka Koofur Galbeed:-

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo Guddoomiyay Shirka Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo ay kasoo qayb galeen wasiirro, mas’uuliyiin ka socday maamul gobaleedyada, qaramada midoobay, Midawga Yurub, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Bangiga adduunka, iyo Bangiga horumarinta Afrika.

Kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga shirka bah-wadaagta Soomaaliyeed, arrimaha dayn cafinta iyo qorsha dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya oo kamid ahaa wasiirrada kulanka ka qayb galay ayaa ka war bixiyay meesha ay marayaan qorsha ay hay’adda lacagta aduunka ay kula soconayso hanaanka iyo siyaasadaha maaliyadeed ee dalka (SMP).

Tubta horumarinta dhaqaalaha oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ayaa halbeegyada ugu waawayn waxaa kamid ah ka guul gaaridda cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya arrintaas oo horseedaysa in uu si caadi kusoo laabto xariirka ka dhexeeya hay’adaha lacagta ee heer  caalami.

R/wasaare Khayre oo Tababar U Xiray Ciidamo Loo Diyaariyay Qorsha Sugidda Amniga Caasimadda

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Xasan Cali Khayre, ayaa munaasabad maanta lagu qabtay xarunta tababarka ciidanka booliiska ee General Kaahiye waxa uu tababar ugu soo xiray 1,400 ciidamo booliis ah oo kamid ah 3,000 oo askari oo loogu tala galay fulinta qorshaha sugidda amniga caasimadda dalka.

Ciidamada tababarka loo soo xiray oo laga soo xulay degmooyinka gobalka mudda afar bilood ahna la barayay sharciyada booliiska iyo la dhaqanka bulshada ayaa la geynayaa degmooyinka uu ka koobanyahay gobalka Banaadir si loo dardar geliyo qorshaha sugidda amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada booliiska ah ee tababarka loo soo xiray waxa uu kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga, isla markaana ay xoojiyaan kalsoonida ay shacabku ku qabaan booliiska oo ah wehelka bulshada.

Halbeegyada Tubta Amniga iyo Cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah tayanta iyo tabarka ciidanka booliiska Soomaaliyeed si ay ugu guulaystaan sugidda amniga dalka si bulshada Soomaaliyeed u hesho nabadgelya buuxda.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Maanta daahfuray shirka Wadatashiga Qorshaha Howl-fulineed ee Istiraayiijiyadfa Wacyi gelinta Qaranka

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle  ayaa maanta daahfuray shirka Wadatashiga Qorshaha Howl-fulineed ee Istiraayiijiyadfa Wacyi gelinta Qaranka oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dowlad goboleedyada dalka.

Shirkan ayaa socon doono muddo Sedex cisho ah iyadoo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS uu sharxaad guud ka bixiyay Istiraayiijiyadfa Wacyi gelinta Qaranka waxuuna sheegay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed laga wacyi galiyo fikirka xagjirka ah.

Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa ka hadlay ilaalinta Dowladnimada iyo xirririka wanaagsan ee Bulshada iyo Dowladda u dhaxeeya isagoo dhanka kale ka hadlay Isqaadashada umadda in ay muhiim tahay.

Waxaana ka qeyb-galay Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Gobeelyada, Culimaa’udiinka, Saxaafadda Badaxa Banaan iyo Ururada Bulshada Rayidka iyadoo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Waana markii labaad oo la qabto shirka Istiraayiijiyadfa Wacyi gelinta Qaranka.

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aano Ka soo baxay Shirka Midowga Afrika

0

MUQDISHO (SNTV)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanno ka soo baxay Shirka Midowga Afrika kuwaasi oo lagu taageeray shacabka iyo dowladda Soomaaliya iyo dadaalada loogu jiro cafinta deymaha ee dalka arrintaasi oo muhiimad gaar ah u leh nabadda iyo horumarka dalkeena Soomaaliya, Maadaama ay tahay mid ku horgudban taageeradii hay’adaha Caalamiga ee Dhaqaalaha Adduunka.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ay ku howlan tahay oo ay ka shaqeynaysaa dadaalada horumarinta iyo dib u habeynta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka, si loogu guuleysto qorshaha deyn cafista ee Soomaaliya, si loo helo horumar waara, go’aanka Midowga Afrika waxaa uu iftiiminayaa xiriirka iskaashi iyo taageerada ka dhexeysa Afrika”,.

Qoraalkan oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xushmaynayso in Midowga Afrika uu muhiimad gaar ah siinayo dowrka Soomaaliya ee Midowga iyo Wax-wada-qabsiga, iyo taageerada ay Soomaaliya u muujiyeen, ka xubin ahaan waxaana Soomaaliya dhiirogelin u ah taageeradaasi waana sii wadaynaa iskaashiga ka dhexeeya guud ahaan Xubnaha Midowga.

“Intaasi waxaa sii dheer dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay taageersantahay qaraarka ka soo baxay shirka Midowga Afrika ee sanadka, kaasi oo muhiimad gaar ah ugu fadhiya guud ahaan Ururka iyo gaar ahaan Soomaaliya, kuwaasi oo kamid ahaa xaaladaha kala duwan sida Nabadda Amniga, iyo Arrimaha Beni’aadanimo, iyo Dhamaan dadaalada ku aadan aragtida ku dhisan dhaqan-gelinta Qorshayaasha Horumarnineed ee Qaaradda”. Ayaa lagu yiri qoraalka.

 

 

Maamulka Gobolka Banaadir oo billaabay in dib u furo Wado Degmada Kaaraan Ku xirta Isbitaalka Keysanay oo ay Xireen Dhismayaal Sharci darro ah.

0

MUQDISHO (SNTV)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka iyo hay’adaha dib u soo celinta dhulalka Danta Guud.

C/raxmaan Yarisow oo dul istaagay waddada hal-bowlaha u ah ee ku xirta Isbitaalka Keysanay degmada Kaaraan ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay furista waddadan iyo dhismayaasha Sharcidarrada ah ee la qaaday wadada.

Howlgalka lagu burburiyay dhismayaasha Sharcidarada ah ayaa waxaa fullisay Waaxda Howlaha Guud iyo Maamulka ee Degmada Kaaraan oo raacayay amarkii Duqa Muqdisho ee kusaabsanaa furista wadadaasi oo ay xireen guryaha sida sharcidarrada ah looga dhexsay halkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in talaabadani la fulliyay iyadoo la hirgelinayo cabasho ay soo gudbiyeen waxgaradka deegaanka iyo Maamulka Isbitaalka Keysanay, kuwaasi oo ka cabanayay in gaadiidka bukaanada u qaada isbitaalka ee Gurmadka deg degga ah ay ku adag tahay inuu isticmaalo wadada halbowlaha u ah isbitaalka maadaama ay xireen guryo si sharcidarro ah looga dhisay wadada awgeed.

C/raxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa bulshada Magaalada Muqdisho ku dhiirri geliyey in ay u midoobaan ilaallinta iyo daryeelka goobaha Danta Guud, maadaama ay muhiimad gaar ah u leeyihiin nolasha bulshada iyo bilicda Caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale digniin culus u jeediyey dadka dokumentiyada u sameystay iyo kuwa ka dalaala guryaha lagu deggan yahay sida aan waafaqsanayn sharciga.

 

Jilaa Caan ah oo Sheegay inuu ku Riyoonayo Fursad 2-aad xilli ay Soomaaliya Is-Xilqaam ku dhisanayso Golaha Murtida ee National-Theatre-ka.

0

MUQDISHO (SNTV)-Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, oo la furay 8-sano kadib markii Soomaaliya madaxbanaanida ay ka qaadatay Ingiriiska, ayaa ku burburay dagaaladii sokeeye ee in ka badan 20-sano ka taagnaa dalka.
Shaqaalaha dhsimaha ayaa ka qayb qaadanaya mashruuca dib loogu soo nooleeynayo Golaha Murtida iyo Madadaalada oo kuyaala magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, Sida ka muuqata sawirkan oo la qaaday 3, Bishan Febraayo ee sanadkan 2019-ka.
Cabdulle Cabdi Maxamuud oo taagan dibadda Tiyaatarka ayaa sheegay inuu ku riyoonayo inuu markale kusoo laabto masraxa halkaasi oo uu doonayo inuu ka dhigo wacdarahiisa jiliinka oo soo jiidata Soomaali badan oo aan qiyaas lahayn.
Waxaa dhinaciisa ka muuqda agabka iyo qalabka dhismaha oo ay kamid yihiin Shamiito iyo dhegoxaan kamid ah burburka ay shaqalaha dhismaha dibadda uga soo saareen kuwaasi oo yaala gudaha Tiyaatarka si loogu diyaariyo dhismo wanaagsan oo qurux badan oo tiyaatarka uu heli doono waqti dhow.
Dadka soo abaabulay ayaa sheegaya in lagu dhisayo tiyaatarka barnaamij loogu magacdaray Wax loogu yeeray “Iskaa wax u qabso”
Laakiin Cabdulle Cabdi oo caan ku ah “Oday Cabdulla” ayaa filaya inuu qayb fiican ka qaato doorkiisa ku aadan shactirada taasi oo ay dad badan qosol la fuuri doonaan.
wuxuu yiri ” Inkastoon da’ ahay hadda, weli xoog ayaan leeyahay, … waxaan u jili karaa si ka wanaagsan sidii hore,” sidaasi waxaa sheegay Oday Abdulle oo 59-sano jir ah, Jilaaga ayaa wacdaro kala duwan kasoo dhigay tiyaatarka kahor inta uusan xirmin dagaalada kahor.
” Waqtigii hore waxaan kujirnay kala carar iyo inaan ka fekerno sida lagu samata bixi karo, laakiin hadda dadku waxa yrabaan madadaalo iyo cayaar…Waana rajay heeynaa hadda.”
Jilaa Cabdulle Cabdi Maxamauud ayaa wareysigan siiyay wakaaladda Wararka ee Reuters isagoo taagan afaafka hore ee Tiyaatarka.
Dhismaha Tiyaatarka ayaa la furay sanadkii 1968-dii, 8-sano kadib markii uu dalku ka xoroobay mustacmarka gaar ahaan Britain, islamarkaana waxaana lagu dhigay Ruwaayaddii ugu horreeysay isla waqtigii la furay taasi oo ay usoo daawasho tageen dadweyne aad utiro badan.
Waxsoosaarka Tiyaatarka ayaasiu bedelay halmar isagoo lasoo baxay cod wadani ah xilligii dagaalada dalka deriska ee Ethiopia sanadkii 1970-tameeyadii. waxaana suugaanta Wadaniga kamid ahaa sidan ” Haddii aanan Dhulkeygoow, Dhiig kuugu Fool dhiqin, Soomaali kama dhalan,” Sidaasi waxaa sheegay Osman Abdullahi Guure.
“Xikmadda iyo Madadaalada Tiyaatarka”
Kadib markii xilka laga tuuray Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991, qab-qableyaasha qabaa’ilka ayaa ku dagaalamay dalka iyagoo isu adeegsaday madaafiicda lidka dayaaradaha kuwaasoo burbur lixaad leh uu kasoo gaaray Tiyaatarka, iyadoo sidoo kale Tiyaatarka laga dhigtay saldhig ciidan. Dhismaha waxaa sidoo kale kusoo dhacay madaafiicda dagaalka kuwaasi oo burburiyay saqafka kore ee Tiyaatarka.
Mintidiinta oo la wareegay sanadkii 2006-dii ayaa qabsaday Dhismaha Tiyaatarka.waxaana ay mamnuuceen dhammaan waxyaabaha madadaalada oo ay kamid yihiin ruwaayadaha illaa ciyaaraha kubadda cagta oo ay u aqoonsan yihiin in ay yihiin wax dembi ah.
Dowladda iyo ganacsato Soomaaliyeed ayaa usacabo tumay in si wadajir ah loogu aruuriyo lacag dhan $3 milyan oo doolar oo lagu soo nooleeynayo dhismaha Tiyaatarka. shaqaalaha dowladda ayaa bixiyay lacago iyadoo qaarkood ay ku deeqeen xoogooda si ay uga qayb qaataan howsha Ix-xilqaam ee Tiyaatarka.
“Waxaan filaynaa in Tiyaatarku uu noqon doono meel lagu soo bandhigo murtida, madadaalada iyo xikmadaha ayna mar soo ceshan doonto sumcaddii ay ku dhex lahayd bulshada Soomaaliyeed,” sidaasi waxaa sheegay maareeyaha Tiyaatarka Qaranka, Guure.

Shirka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada Oo Looga Hadlay Dib-u-habaynta Aqoonta Shaqaalaha Iyo Sharciga Daawada

0

Talaado, Feberaayo 12, 2019 –Shirka tubta horumarinta arrimaha bulshada oo maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), ayaa lagu soo bandhigay barnaamijka dib-u-habaynta aqoonta shaqaalaha oo ay wado wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo Sharciga dawooyinka oo ay diyaarisay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo guddoomiyay kulanka maanta ayaa sheegay in dawladda ay ka go’antahy in mawaadiniinta Soomaaliyeed ay siiso adeegyo caafimaad iyo waxbarasho oo tayo leh si loo horumariyo nolosha iyo wax soo saarka bulshada.

Sharciga Dawooyinka ee maanta lagu soo bandhigay tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshadu waxa ay u gudbinaysaa golaha wasiirrada si ay u ansixiyaan loona hor-geeyo golaha sharci dejinta.

Halbeegyada sannadkaan laga doonayo in ay ku guulaysato wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa qayb ka ah dib-u-eegista sharciga shaqaalaha rayidka ah iyo horumarinta siyaasadda iyo barnaamijka ammaanka bulshada, halka wasaaradda caafimaadka laga doonayo in dhaqan geliso xeerka qaran ee xirfadda caafimaadka, aasaasidda iyo ka shaqaysiinta guddiga qaran ee la socodka dawada, dhismaha kaydka qaran ee dawada iyo aasaasimdda machadlka qaran ee caafimaadka.

Tababar ku saabsan Dambiyada abaabulan ee xiriirka la leh Safarada iyo dalxiiska oo Muqdisho ka furmay

0

Muqdisho (SNTV)- Tababar ku saabsan Dambiyada abaabulan ee xiriirka la leh Safarada iyo dalxiiska oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa uga furmay Hey’adaha ka howlgala Irdaha laga soo galo dalka.

Madaxa Maamulka socdaalka iyo Xuduudaha Hey’adda IOM iyo Xafiiska Sharciyada HSJ aya furay tababarkaan.

Tababarkaan ayaa waxaa waxaa kasoo qeyb galay Saraakiil ka socotay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya,Booliiska garoonka Aden Cadde, NISA, Qeybta Dambi baarista (CID), Boliiska Aduunka (Interpol), Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska (SATTA) iyo Gudigga Maamulka Diyaaradaha.

Tababarkaan oo socon doono muddo Seddex maalin ah ayaa waxaa lagu baran doonaa sida looga hortago dambiyada abaabulan iyo sida ay wada shaqeyn buuxda u dhexmari laheyd Hey’adaha ka howlgala Irdaha dalka laga soo galo una wadaagi lahaayeen Xogaha la xiriira Dambiyada abaabulan.

Wasiir Beyle oo la kulmay Madaxa Bangiga Aduunka ee qaar ka mid ah Wadamada Bariga Afrika

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Bella Bird oo ah Madaxa Bangiga Aduunka ee qaar ka mid ah Wadamada Bariga Afrika sida, Soomaaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Bella Bird ay ka wada hadleen horumarka iyo isbadalka Maaliyadeed ee dalka iyo sidii aan u xoojin laheyn wada shaqeynta aan la leenahay World Bank.

“Waxaa sharaf ii aheyd inaan maanta xafiiskeyga ku qaabilo Bella Bird oo ah Madaxa Bangiga Aduunka ee Wadamada bariga Afrika qaar sida, Somaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi, Waxaan ka wada hadalnay horumarka iyo isbadalka Maaliyadeed ee dalka iyo sidii aan u xoojin laheyn wada shaqeynta aan la leenahay World Bank.”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Bangiga Aduunku uu yahay Hay’ad muhiim u ah horumarka Soomaaliya.