Home Blog Page 1095

Xoghayaha dowladda Britain oo ka dalbaday Sucuudiga in warcad ay ka soo sarto dadkii gaystay dilkii wariye Jamaal Qushuuji

0

Boqortooyada Sacuudiga ayaa qirtay in wariye Jamaal Khashuuji in lagu dilay gudaha Qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istambuul, kadib markii in muddo ah ay ka war wareegaysanaysay in ay runta ka sheegto xaaladda lagu waayay Jamaal, iyadoo la wada ogsoon yahay in Jamaal uu u tagay qunsuliyadda Sucuudiga Oct 2deeda oo markaasi wixii ka dambeeyay aan il la saarin wariye Jamaal, ujeedada uu u tagay  Qunsuliyadda ayaa ahaa in uu ka soo dhameeysto waraaqado caddeeynaya in aanu xaas lahayn Jamaal Khashuuji oo tii hore oo uu qabay ay kala tageen.

Todobaadyo xiriir ah oo ay boqortooyada Sucuudiga ka war wareegato in ay sheegto ayay markii dambe waxaa ay shaaca ka qaday xaqiiqda in wariye Jamaal lagu qaariyay gudaha Qunsuliyadda Sucuudiga oo dilkaasina uu ahaa mid isaga loo qasday oo ku tala gal ahaa.

Xoghayaha dowladda Britain u qaabilsan arrimaha debadda Jeremy Hunt ayaa booqasho ku tagay boqortooyada Sucuudiga, si uu ugu cadaadiyo in Sucuudiga uu ka run sheego dilka ka dhacay Safaaradda,dowladda Britaina ay  gacan  ka siiso baaritaanno lagu sameeyo xallaadda uu u geerityooday Jamaal Qashuuqi.

Booqashadan uu ku tagay Xogayahaa arrimaha dibada waddanka Britain dalka Sucuudiga ayaa ku began xili uu Sucuudiga ceeb iyo fadeexo  addunka uu kala kulmay kadib markii mar  qur ah lawayay wariye Jamaal.

Waxaana laga dalbaday  in uu dibada soo dhigo ama cadeeyo  dadkii ka dambeeyay dilka Jamaal lanaa  hor keeno sharciga danbiilayaasha gaystay dilka,waxayna taasi sababtay in beesha caalamka ay cambaaren dusha ugaa turtay  tallaabooyinka Sucuudiga uu qaaday markii ay soo ifbaxaday maqaalka   dilka  wariye Jamaal  Qashuuqi.

Runt ayaa  ah in aan la qabali Karin in xaaladda dilka wariye Jamaal ay noqoto mid aan lahayn meel loo raaco waxaa sidaasi yirii xogayahaa arrimaha dibada ee dalka Britain.

Baaraayaasha dowladda Turkiga ee fal dembiyeedkaasi ku jiray ayaa sheegay in ay heleen cajalad ku duuban codka Jamaal kaas oo ku qaylinayay in uu caburmay oo neefta ay ku xirantay ka dib markii gacmaha laga xiray madaxana lo geliyay bac si neefta ay ugu xirtant.

Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar oo dayactir iyo qalabeyn u baahan

0

Muqdisho (SNTV);- Maareeyaha Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle Mudane Ibraahim Maxamed Cali oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inuu dayactir iyo agab u baahan yahay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar oo ah Garoon ay hoos yimaadaan dhammaan garoomada diyaaradaha ee ku yaalo Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay Mudane Ibraahim Maxamed Cali in Garoonka diyaaradaha Jowhar uusan lahayn xeyndaab iyo dhismihii Garoon diyaaradeed loogu talagalay,isagoona Maamulka Heer Federaal iyo Dowlad Goboleed ka dalbaday in laga caawiyo dhismaha Garoonka si ula mid noqdo Garoomada kale ee ku yaalo dalka.

“ Garoonka baahidiisa intaa laguma soo koobi karo,waxa ugu horeeyo hadda Airport-ka malahan xeyndaab,labo, Airport-ka malahan dhismihii loogu talagalay,annigu markaan imaaday Garoonka waxaa ku yaalay labo qol laakiin rajadu waxay tahay inaan dadka tusno iney Airport-ka ayaga iska leeyihiin oo u baahan yahay ayaga caawinaadooda,” ayuu yiri Maareeye Ibraahim Maxamed Cali.

Sidoo kale,Mudane Ibraahim Maxamed Cali ayaa carabka ku dhuftay inuu bur bur xooggan ka muuqdo wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar dhismaheedana wax badan oo dhanka horumarka garoonka ah uu ka caawinayo,wuxuuna sheegay Maareeyaha markii uu yimid xafiiska durba shaqadii ugu horeysay uu qabtay kuna guuleystay ay tahay in kuraasman loo helo Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Maareeyaha Garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in hadda garoonka ay yimaadaan diyaarado rakaab sida usbuucii labo ilaa iyo saddex jeer,sidoo kalena ay ka shaqeeyaan diyaarado si gaar ah loo soo kireysto (Jets) iyo diyaarado ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo fariisin ku leh gudaha garoonka.

Ugu danbeyntii,Ibraahim Maxamed Cali ayaa ugu baaqay Maamulka Hirshabeelle,Dowladda Federaalka iyo cid kasta oo ay howshan quseyso in dayactir iyo qalabeyn lagu sameeyo garoonka si dhaqaalo badan looga sameeyo.

Golaha dhaqaalaha oo Xukuumadda u bandhigay cilmi baaris ay ka sameeyeen hannaanka horumarinta dhaqaalaha dalka

0

Muqdisho (SNTV):-Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ku saabsan xoojinta dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda dalka iyo horumarrada laga gaaray ka dhagaystay Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddominayay Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre ayey Golaha Dhaqaalahu ku soo bandhigeen cilmi baaris ay ka sameeyeen istaraatiijiyadda maalgashiga dalka, kobcinta dhaqaalaha, kordhinta dakhliga dawladda, iskaashi dhaqaale oo Soomaaliya ay la yeelato wadamada Bariga Afrika  iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Golaha dhaqaalaha qaranaka oo adeegsanaya cilmi baaris dheer iyo cadaymo ayaa dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka, iyaga oo sidoo kale dawladda talo ka siiya diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh taas oo ka caawinaysa isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Dekareeto ku magacaabay golaha dhaqaalaha qaranka July 12, 2018, waxaana si rasmi ah loo daah-furay August 11, 2018.

Faahfaahin Saxaaafadeed

Guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wasiirada, madaxda dawlad goboleedyada, guddoomiyaha bangiga dhexe iyo shan xubnood oo madax bannaan ayaa xubno ka ah golaha dhaqaaaha qaranka, waxaana sidoo kale la shaqeynaya afar dhaqaale-yahan oo aan Soomaali aheyn.

Shanta Xubnood ee Soomaalida ah

Dr. Ali Issa Abdi Waxa uu PhD ka diyaariyay dhaqaalaha, master-kana waxa uu ku diyaariyay maaliyadda caalamiga ah. Waxa muda dhan 20 sano uu hey’adda lacagta aduunka kula shaqeeyay dhaqaala yahan sare

Dr Aues Scek waxa uu in ka badan 25 sano oo khibrad u leeyahay dib u habaynta maamulka dawliga ah, horumarinta istaraatiijiyadda siyaasadda iyo siyaasadda maaliyadda, waxa uu PhD ku diyaariyay horumarinta dhaqaalaha, Waxa uuna la taliye dhaqaale kasoo noqday Barnaamijka GIZ ee wadamada Swaziland, Kenya, Malawi iyo Germany. UNDP ayuu kala shaqeeyay barnaamijka PFM, dib u qaabaynta siyaasadda dhaqaalaha iyo barnaamijka Kormeerka Iyo Qiimaynta.

Dr. Hussein Warsame waxa uu Associate Professor ka yahay Iskuulka ganacsiga ee Haskayne, waxa agaasime ka yahay qaybta Master-ka ee siyaasadda Dawliga ah ee jaamacadda Calgary. Waxa uu PhD ku diyaariyay maamulka MBA ayuu ku diyaariyay Xisaabaadka. Waxa uu Bagiga aduunka talooyin ka siiyay canshuurta, daah-furnaanta dakhliga kasoo xarooda saliidda iyo shidaalka.

Hussein M Siad waxa uu xirfad wanaagsn u leeyahay horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu master ku diyaariyay dhaqaalaha iyo maamulka. Waxa uu in ka badan 30 sano oo khibrad ah u leeyahay nakhshadeynta iyo wada xaajoodka barnaamijyada gargaarka iyo dib u habaynta siyaasadda dhaqaalaha. Waxa uu kasoo shaqeeyay wadamada Kenya, Lebanon, Somalia, Zimbabwe iyo Mauritius. Waxa uu soo noqday wasiir ku-xigeenka maaliyadda ee dawladda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu la shaqeeyay Bangiga aduunka, Bangiga horumarinta Islaamka, Hay’adda Lacagta Aduunka, hay’adda gargaarka ee Mareykanka, Bankiga horumarinta Afrika, Midawga Yurub iyo UNDP.

Sakhawadin Mustafa Mohamed waxa uu PhD iyo master ku diyaariyay dhaqaalaha, waxa uu khibrad u leeyahay falanqaynta maamulka iyo siyaasada dhaqaaalaha dawladda. Waxa uu dhinacya badan kala soo shaqeeyay Minnesota State isaga oo noqday agaaasimaha cutubka dhaqaalaha, waxa uuna hogaan usoo noqday cutubka cilmi baaaritsa shaqaalaha iyo falanqaynta dhaqaalaha ee Waaxda shaqaalaha iyo warshadaha.

Xubnaha aan Soomaalida ahayn ee la shaqeeya Golaha dhaqaalaha Qaranka

Dr. Abdalla A. HAMDOK waa ku-xigeenka xoghayaha iyo madaxa dhaqaala yahannada guddiga dhaqaalaha qaramada midoobay u qaabishan Afrika, waxa uu Ph.D. ku heestaa dhaqaalaha. Waxa uu khibrad ka badan 30 sano u leeyahay dib u habaynta ha’aydaha dawliga ah, dawlad wanaagga iyo maamulka Khayraadka. Waxa uu hoggaan u noqday qayba xoog leh oo daraaseeya caqabadaha soo wajaha horumarada kala duwan ee siyaasadda Afrika. Waxaa uu hoggaan u noqday qorshayaal kala duwan oo ay fuliyeen guddiga dhaqaalaha Afrika (ECA) oo khuseeya horumarinta siyaasadda maamulka, dawlad wanaagga iyo maamulka dawliga ah.

Dr. Peter J. Middlebrook waa dhaqaale-yahan lasoo shaqeeyay Bangiga aduunka, Midawga Yurub iyo dawladda Ingiriiska, waxa uu kasoo shaqeeyay in la badan 40 dal oo dunida daafaheeda ah. Waxa uu hormuud u noqday Hindisayaal muhiim ah oo ay kamid ahayd nakhshadaynta qorshaha xasilinta carabta ee ay ku bexeysay 100 bilyan oo doollar.

Dr. Edward Sambili waxa uu PhD ku sameeyay dhaqaalaha; waxa uu master ku diyaariyay horumarinta iyo ganacsiga caalamiga ah. Dr. Edward Sambili waxa uu in ka badan 33 sano oo khibrada ah u leeyahay horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu xubin ka yahay golaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee qaramada midoobay, waa la taliyaha dhaqaalaha ee UNDP Kenya. Dr Sambili waxa uu gudoomiye kasoo noqday guddiga sare ee dakhliga Kenya intii u dhexeysay 2016 iyo 2018.

Dr Nehemiah Kipkoech Ngeno waxa uu Ph.D. ku diyaariyay dhaqaalaha gaar ahaan dhaqaalaha caalamiga ah. Waxa uu si gaar ah khibrad ugu leeyahay siyaasadda ganacsiga, dhaqaalaha, dib u habaynta maamulka dawliga ah. Dr Nehemiah Kipkoech Ngeno waxa uu ka tirsanaa jaamacadda Nairobi laga soo billaabo 1983 isaga oo ka dhigayay dhaqaalaha caalamiga ah.

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay Shirka Maayarada Dalalka Islaamka oo Jabuuti ka furmay

0

Jabuuti (SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb-galay Shirka Maayarada Magaalooyinka dalalka Islaamka oo sanadkan lagu qabtay Jamhuuriyadda Jabuuti ayna marti-gelisay Duqa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Maayaro ka kala socday magaalooyinka dalalka Islaamka, iyadoo furitaankiisa uu khubad ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Duqa Muqdisho ayaa xusay ahmiyadda uu shirkani u leeyahay Caasimadda dalka ee Muqdisho, isagoo uga mahadceliyey dhiggiisa Jabuuti martiqaadka iyo soo dhaweynta walaaltinimo.

“Shirkani waa mid ahmiyad weyn ugu fadhiya dalalka ku mideysan oo dhaafsanaya khibradaha dhanka Maamulka, tababarrada iyo xoojinta wada shaqeyn lagu horumarinayo maamullada Dawladaha Hoose ee dalalka xubnaha ka ah .”

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa casuumaad rasmi ah ugu fidiyey magaalada Muqdisho dhiggiisa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay weheliyaan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuti Maxamed Cali Nuur iyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxda caasimadaha ee ka soo qeyb galay shirkan, isagoona kala hadlay sidii la isku dhaafsan lahaa khibradaha, loona yeelan lahaa wadashaqeyn joogtaa.

Madaxweyne Farmaajo oo faray Taliyeyaasha Ciidamada iney la yimaadaan Warbixin Dhameystiran oo ku aadan Amniga iyo Qaraxyadii Jimcihii+Sawirro

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliyeyaasha ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Dalka ayaa faray Taliyeyaasha Ciidamada in ay si dhakhso ah ula yimaadaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan amniga iyo qaraxyadii dhacay maalintii Jimcaha ee aynu soo dhaafnay.

Taliyeyaasha uu isugu yeeray madaxweynaha dalka ayaa kala ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi, Kan Booliska Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Asluubta Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Dr Cabdinaasir oo u adeegayey Bulshada waxa uu ku baxay Gacanta Al-shabaab

0

Muqdisho (SNTV) Dr. Cabdinaasir Xasan Faarax wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo xilliyo adag dalkaan wax ku soo bartay, wuxuu bartay cilmiga caafimaadka si uu ugu adeego shacabkiisa.

Wuxuu ka baxay mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho dhowaan, wuxuuna billaabay shaqadiisii ugu horaysay oo uu doonayay inuu ugu adeego dadkiisa iyo dalkiisa.

Dr. Cabdinaasir wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku kalsoon Aqoontiisa, sidoo kalana doonayay inuu u adeego shacabkiisa

Dr. Cabdinaasir Xasan wuxuu ka shaqaynayay Isbitalka Martiini ee magaalada Muqdisho si ay dadkiisa caafimaad wanaagsan u helaan, oo ay ugu nacfiyaan cilmiga uu soo bartay, laakiin taasi waxaa soo gaba gabeeyay Argagixisada Al-Shabaab oo dad badan oo uu ka mid ahaa Dr. Cabdinaasir ku holciyay wadada Number Afar ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu ahaa bildhalatay oo qoyska reer Xasan Faarax u soo baxday, wuxuu si gaar ah gacanta ugu haayay Hooyadiis oo mudo dheer xanuunsan, taasoo haatan xaaladeeda caafimaad ay ka sii dartay markii ay maqashay geerida wiilkeeda Dr. Cabdinaasir.

Marka laga soo tago Dr. Cabdinaasir waxaa kale oo jira dad badan oo isugu jira dhlinyaro iyo aqoonyahano oo Argagixisada Al-Shabaab ay ku laayeen qaraxyadii ay ka gaysteen wadada horumarta hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Argagixisada Waa dilaa aan cidna dhaafayn

0

MUQDISHO( SNTV)- Al-shabaab waa Koox Argagixiso ah barnaamijkooduna yahay inay tarjumaad qaldan ka bixiyaan ama inxiraafiyaan Diinta Islmaamka ,waxayna xaabo ka dhigtaan qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed oo aan helin fursadda waxbarashada, dad waawayn oo marin habaawsan iyo qaar kale oo nolosha ka dhacay.

Naxariis darada kooxdaan waxaa daliil u ah beegsiga dadka Bir-magaydada ah sida Caruurta, Hooyooyinka iyo dadka wax tarka u ah Bulshada Soomaaliyeed, taasoo ku tusayso dhagarta kooxda la maagantahay Umadda Soomaaliyeed.

Culimada Soomaaliyeed ayaa marar badan ka hadlay dhaqamada xun xun ee Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ay ku dhibaateeyaan dadka Muslimiinta ah.Shareecada Islaamku way xarrintay in la daadiyo dhiigga qof ama dad aan waxba galabsan, waxaana Ilaahay ugu gooddiyay qofkii si xaqdarro ah ku daadiya dhiigga muslinka in uu gelinayo Naartiisa uuna ku waarayo,Caro Ilaahay,,Lacnad iyo Cadaab wayn.

Nabigeenna NNKH waxa uu yiri” Dunida oo suusha ama baaba’da ayaa ilaahay uga fudud in qof muslim ah dhiiggiis xaq darro loo daadiyo.

Waxaa Nasiib darro ah maleeshiyaadka Shabaab fahamkooda,Fikirkooda iyo Ficilkooda qalloocan dartii waxay bannaysteen dhiigga dadka  aan waxba galabsan oo ay si joogto ah u daadinayaan, iyagoo hadana ku faanaya  gumaadka dadka shacbiga sida dhacdadii shalay ka dhacday Muqdisho oo Alshabaab ay ku laayeen dadka rayidka oo ku gada jiray baadigoobka iyo xasilinta nolol maalmeedkooda.

Diinteena suuban ee islmaamka ayaa meel sare gaarsiisay ilaalinta nafta, maalka iyo sharafta Qofka Muslimka, waxaana taasi badalkeeda Al-Shabaab ay caadaysteen inay si toos ah ugu xadgudaan waxkasta oo diinta islmaanka ay ilaalisay.

Alle wuxuu Quraankiisa noogu sheegay qofkii si bareer u dila qof Muslim ah, in abaal marintiisu tahay Naarta Jahanamo, isagoo ku waaraya, taas oo ay u dheer tahay carada Alle iyo inay ku dhacdo Nacladda Alle.

Dowladda Soomaaliya waxay dadaal badan galisay ka hortagga Falalka Argagixiso ee Kooxdaan, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in loo midoobo la dagaalanka Argagixisada.

Shaki kuma jiro in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin la dagaalanka Alshabaab balse waxaa lagama maarmaan ah hirgalinta istiraatiijiyad lagu hagayo dagaalka ka dhanka ah Kooxdan hororka ah taasoo aan is leeyahay waxay sahleysaa isku xirnaanta Dowladda iyo Shacabka taasi oo horseedi doonta in kooxdaan arxanlaawayaasha ah dalka laga sifeeyo.

Alshabaab ayaa Ganacsatada meelaha ay ka taliyaan iyo meelaha kale ka qaado lacago baad ah, iyagoo ku sheegaya inay bad-baadinyaan Naftooda iyo Maalkooda balse taas ayaa  waxba kama jiraan ah sababta oo ah Kooxdani waxay ka been sheegatay Alle Diintiisa, waxay banaysatay dhiigii Alle xarimay ee muslimka hadaba su’aasha iswaydiinta mudan ayaa waxay tahay Al shabaab badbaadinta dadka ma waxay u yaqaanaan xasuuqa  shacabka aan waxba galabsan oo ay sida joogtada ah u gumaadayaan.

Hadafka kooxdan argagisxisada ah waa xasuuqa shacbga soomaaliyeed, waxaana bartilmaameed u ah qof walba oo aan iyaga ka tirsanayn , islamarkaana aan aaminsanayan afkaartooda gurracan, sidaa darted Al- Shabaab waa dilaa aan cidna dhaafayn.

SONNA

Beesha Caalamka oo cambaareeyey Weerarkii Argagixiso ee shalay ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV) War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa Antonio Gutters ayaa lagu cambaareeyey weerarkii bahalnimada lahaa oo shalay ay Muqdisho ka geysteen maleeshiyada Alshabaab.

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda uga tacsiyadeeyey dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii shalay, wuxuuna xusay in aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin falalkaasi wuxuushnimada leh howlaha ay ku taageerayaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalkaasi lagu sheegay in QM ay sii wadi doonto joogteynta taageerada ay la garab istaagan yihiin dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Dhanka kale dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkaasi bahalnimada lahaa, iyagoo muujiyay sida ay u garab taagan yihiin Soomaaliya.

Waxaa kamid ah Isbahaysiga Islaamka, Dowladda Turkiga iyo wadamo badan oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya.

Wasiirada Maaliyadda iyo Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka wada hadlay qorshayaal muhiim u ah horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka.

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xassan Cali Maxamed.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay dhameystirka qorshaha Diiwaan galinta (paymetric) Ciidamada Xoogga Dalka oo hada meel wanaagsan maraya.

“Saaka waxa aan xafiiskayga kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed oo aan ka wada hadalnay horumarka maamulka maaliyadda iyo amaanka Dalkeena iyo dhameystirka qorshaha paymetric, Dhamaan waa in aan ka wada tashanaa sidii aan u wada dhisan lahayn Dalkeena” ayuu yiri Dr Bayle.

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gaashaandhigga ayaa mudooyinkii la soo dhaafay waday qorshe ay ciidamada Xoogga Mushaarkooda ku qaadanayaan Account xisaabeedkooda gaarka ah.

Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow oo dhagax dhigey Iskuul iyo Hospitaal laga hirgalinayo Deegaanka Ceelhuur ee Duuleedka Muqdisho+Sawirro

0

Muqdisho (SNTV) Deegaanka Ceelhuur ee duuleedka Magaalada Muqdisho oo ay ku nool yahiin in ka badan 3-kun oo qoys ayaan lahayn xarumo caafimaad iyo kuwa waxbarasho.

Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow Ibraahim oo todobaadkii hore booqasho ku tagay deegaanka Ceelhuur ayaa shacabkii uu halkaasi kula kulmay ay usoo bandhigeen baahiyaha Waxbarasho iyo caafimaad ee ka jira halkaasi, waxaana uu intaasi ka dib dhagax dhigay Iskuul iyo Xarun caafimaad oo dadku ay ka helaan adeegyada ay u baahan yihiin

Qaar kamid ah Odayaasha iyo dadka deegaanka ayaa uga mahad celiyey Xildhibaan Carabow sida uu uga jawaabay baahidooda muddo isbuuc gudihiis ah, iyagoo balan qaaday in dhankooda ay ka qeyb qaadan doonaan dhismaha xarumahaan.

Guddoomiyaha Dagmada Wadajir ee Maamuulka Gobalka Banaadir Cumar Cabdulaahi Xasan ayaa shegaay in dhagax dhiga xarunta caafimadka iyo iskuulka ay tahay mid ay baahi weyn ugu qabeen dadka deegaanka, isagoona shegaay in loo baahanyahay in la caawiyo dadka ku nool deegaanka.

Xildhibaan C/qaadir Carabow Ibraahim ayaa shegaay iney aad u xanuujisay dhibaatooyinka heysta dadka deegaanka Ceelhuur, waxaana uu shegaay iney Dowladda Soomaaliya ay wax ka qaban doonto baahiyaha Deegaanka kajira.