Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska RW oo ka hadlay Tubta horumarinta dhaqaalaha Dalka

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr; Axmed-Nuur Maxamed Cabdi, ayaa ka hadlay barnaamijka deyn cafiska iyo waxyaabaha fududeyn kara.

Dr; Axmed-nuur, oo ka hadlayay dood ku saabsanayd Tubta horumarinta dhaqaalaha oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya tahay Waddan dumay oo dib usoo kabanaya , loona baahan yahay in uu la jaan-qaado hay’adaha caalamka, si taa loo gaarana loo baahan yahay in si hufan loo qaado canshuuraha, in lala dagaallamo musuqa iyo in la adkeeyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay Xog-hayuhu, in ay Dowladdu waddo soo nooleynta himmilooyinka Ummadda Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay in dib loo daabaco Lacagtii Soomaaliyeed iyo in laysu furo Bankiyadeenna, si uu dhaqligu taabba gal u noqdo Dowlad nimadeennuna u hagaagto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...