Home Blog Page 1093

Tartan Orod ah oo lagu xusayo Maalinta Macaanka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho (SNTV) Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta ku qabatay Magaalada Muqdisho Tartan Orod ah oo lagu xusayo Maalinta Cudurka Macaanka Adduunka, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Max’ed Cabdullahi Max’ed “Tuulax” iyo Masuuliyiin kale.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar Dr. Max’ed Cadaw ayaa sheegay in Xanuunka Macaanka uu yahay mid saaxiib laga dhigan karo Balse loo baahan yahay in Jimicsi joogta la sameeyo.

Sidoo kale Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa bogaadisay waxqabadka Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose Ee Xamar, iyadoo sheegtay inay muhiim tahay in Bulshada qeybaheeda kala duwan loo qabto tartamo sidan oo kale ah.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Max’ed Cabdullahi Max’ed “Tuulax” ayaa sheegay in Tartankan uu dhiira galin u yahay dadka qaba Cudurka Macaanka.

“Waxaan saaka aroortii muqdisho ku qabanay tartan orad ah oo lagu xusayay maalinta Sonkorta ama Macaanka aduunka si aan u dhiirigelino dadka cudurkaas qaba una tusno in Isportisku uu caafimaad yahay magaalada muqdishana tahay magaalo lagu qaban karo tartamo kala duwan oo caalami ah”.ayuu yiri Mohamed Abdullaahi Tuulah.

Ciidamadda Amniga oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Argagaxisada Daacish

0

Muqdisho (SNTV)- Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada Daacish, sida uu sheegay Taliska NISA.

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in qabashada Dhagar qabahan ka tirsan Daacish ay dhantaaleyso marinada dhaqaale ee ISIS maadaama uu u qaabilsanaa kala gudbinta Dhaqaalaha.

“Ciidamada Amniga ayaa fiidnimadii xalay oo ku beegan 13-ka Nofembar 2018, Magaalada Muqdisho kasoo qabtay shakhsi Ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha, Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS”.ayaa lagu yiri war kooban oo lasoo dhigay Twitterka NISA.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howgalo ay wadaan Ciidamadda Hay’adda nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyagoona gacanta kusoo dhigay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad qorsheynayay inay waxyeelo u geystaan Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashada iyo madaxa hay’adda DFID oo kala saxiixday heshiis muhiim ah “SAWIRRO”

0

Wasiirka Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre iyo madaxa hay’adda DFID ee Soomaaliya Phil Evans ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday shan milyan oo dollar oo lagu tageerayo sidii loo horumarin lahaa waxbarashada, gabdhaha.

 

Shantan milyan ee dollar ayaa waxaa bixineysa  hay’adda USAID ee laga lee yahay dalka Mareykanka, waxaana heshiiska goob joog ka ahaa agaasimaha hay’adda USAID ee Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in shanta milyan  loogu talo galay in lagu horumariyo Waxbarashada Gabdhaha Soomaaliyeed.

“Waa guul weyn waxaan kala saxiixnay hay’adda DFID heshiis lagu horumarinayo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed, shantan milyan waxaa si hordhac ah u bixin doonta dowladda Mareykanka gaar ahaan hay’adda USAID, maanta waxaa halkan joogay wakiil ka socda dowladda Mareykanka muddo 30 sano kadib”ayuu yiri wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa ku daray “Xukuumadda Federaalka iyo Wasaaradda Waxbarashada way ka go’antahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya dowladaha caalamka”.

Wasiirka Waxbarashada ayaa ku guuleystay muddooyinkii dambe in heshiisyo lagu horumarinayo Waxbarashada dalka uu la saxiixdo hay’ado caalami ah si loo horumariyo Waxbarashada Dalka.

 

 

Ra’iisulwasaare Kheyre oo guul u rajeeyay Xulka Qaranka

0

Ra’iisulwasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guul u rajeeyay xulka kubadda cagta dalkeenna ee Xiddigaha Badweynta oo la cayaari doona xiggooda Ethiopia.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter,ayuu ra’iisulwasaare Kheyre ku yiri ‘Waxaan guul u rajeynayaaxulkeenna kubbadda cagta kulanka ay la yeelanayaan dhiggooda Ethiopia”

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa intaas ku daray in mas’uuliyiinta,shacabka iyo qarankuba ay taageero la garab taagan yihiin Xulka Qaranka.

Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa galabta yeelan doona kulan ciyaareed ka dhici doona magaalada Adis ababa kaas oo qeyb ka ah is-reeb reebka ciyaaraha Olypicada adduunka oo ka dhici doona Tokyo, japan sanadka 2020

Laamaha ammaanka oo qabtay xubin sare oo ka tirsan Daacish

0

Ciidammada ammaanka Qaranka ayaa Muqdisho xiray xubin ka tirsan ururka argagixisada ah ee Daacish.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ayaa shaacisay in la soo qabtay xubin sare oo ka tirsan Daacish,kaas Daacishta Soomaaliya iyo xag-jirka caalamka u qaabilsanaa  kala gudbinta dhaqaalaha.

Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ayaa sheegtay in qabashada xubintan ka tirsan Daacish, ay dhabar jab ku tahay ururkan argagixiso, ayna kaladhantaaleyso taagtiisa.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirka geeddi socodka dayn cafinta Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) –Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay Shirka toddobaadlaha ah geeddi socodka cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo natiijada kulanka ka warbixiyay ayaa sheegay intii kulanku uu socday in kulankii maanta looga hadlay meesha uu marayo qorshaha dayn cafinta.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in ay ra’iisul wasaare Khayre ay uga warbixiyeen guulaha laga gaaray shuruudaha dayn cafinta ee dawladda lagu xiray iyo shaqooyinka qabyada ah ee dhammaytirka u baahan ah kahor shir dawladda Soomaaliya iyo IMF ay uga wada hadlayaan dar-dar gelinta cafinta daymaha Soomaaliya, kaas oo Nairobi ka dhacaya bisha December ee sannadkaan.

Shirka Toddobaadlaha ah ee geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya oo ay kasoo qayb galaan dhammaan dhinacyada qaybta ka ah geeddi socodka ayaa looga hadlaa qodobada ka fulay heshiiskii Hay’adda lacagta adduunka (IMF) iyo Dawladda Soomaaliya iyo dar-dar gelinta qorshayaasha fududaynaya in Soomaaliya daynta laga cafiyo.

Wasiirka Waxbarashada XFS iyo Shaqaallaha Wasaaradda oo ka qeyb galay Barnaamijka Is-xilqaan

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre oo ay weheliyaan wasiir ku-xiggeenka, wasiiru dowlaha, agaasimaha guud iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada ayaa maanta ka qeyb galay barnaamijka Is-xilqaan oo ka socda Tiyaatarka Qaranka iyo Maktabada Qaranka.

Ololahaan maanta  ay ka qeyb galeen madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada ayaa lagu dhisaya xarumaha danta guud ee dalka.

Wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada XFS, Mudane Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle jaabir  ayaa  u mahad celiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo iska lahaa hal abuurka barnaamijkan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda XFS, Mudane Cabdulaahi Goodax Barre oo ka qeyb galay  barnaamijka Is-xilqaan ee lagu dhisayo Golaha Murtida iyo Wacyi gelinta iyo Maktabadda Qaranka ayaa sheegay in ay muuqato ahmiyadda uu leeyahay barnaamijka Is-Xilqaan oo ay ku baaqeen Madaxweynaha JFS  iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS.

“Maanta waxaan ka qeyb galay barnaamijka is xilqaan oo ka socda tiyaatarka qaranka iyo Maktabadda qaranka ee magaalada Muqdisho, ololahan waxaa igu wehelinayay  wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, wasiirul dowlaha, agaasimaha guud iyo shaqaalaha wasaaradda, barnaamijkan is xilqaan waa mid ahmiyad weyn u leh dalka, isxil qaan meelaha maanta  shaqada laga qabanaayo waa meelo sigaar ah qiimo ugu fadhiya bahda waxbarashada waxana  muhiim  ah in bartimaameedka laga dhigto meelaha bulshadu ay ka toosto,”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in kan wasaarad ahaan ay ka  go’an tahay inay door muuqda ay ka qaatan horumarinta dalka.

 

Ciidanka Xoogga dalka oo kala dhex-galay Maleeshiyaad ku dagaalamay qeybo kamid ah Galmudug

0

Muqdisho (SNTV)- Taliska  Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Howlgala Deegaanada Dawlad goboleedka Galmudug ayaa Maanta ku baxay Deegaanka Hardis oo qiyaastii 25 KM Dhanka Galbeed kaga beegan Degmada Balambal, kaasi oo dhowaan Dagaal uu ku dhexmaray Laba Maleeshiyo.

Gaashaanle Dhexe C/qaadir Maxamed Cartan Taliyaha Howlgalada Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u Xaqiijiyey in Ciidamadu Halkaasi ay ku bexeen, si ay u kala dhexgalaan Dadkii Deegaankaasi ku dagaalamay, ayna u xaliyaan dagaalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray Gaashaanle Dhexe C/qaadir in Taliska Ciidanka Xoogga Dalku uu amray in Dadkaasi la kala dhexgalo, si Dagaal dambe uusan halkaasi uga dhicin.

Deegaanada Ciidamada Xoogga loo diray ayaa waxaa ku sugan Dad Reer Guuraa ah, kuwaasi oo Halkaasi ku dagaalamay, waxaana Dagaalka uu salka ku hayaa Aanooyin hore iyo Dhul daaqsimeed lagu murmay.

 

Duqa Muqdisho oo la kulmay Masuuliyiin ka tirsan Jamhuuriyadda Jabuuti

0

Jabuuti, Nofeembar 13, 2018; Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahaan booqasho shaqo ku joogay Jabuuti ayaa maanta kulamo muhiim ah la qaatay dhiggiisa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cusmaan, isagoona kormeeray qaar kamid ah Xarumaha Dawladda.

Duqa Muqdisho ayaa ugu horreyn booqday xarunta Dawladda Hoose ee Jabuuti, halkaas oo kulan muhiim ah uu kula yeeshay Duqa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cusmaan, iyadoo warbixin ka siisay shaqooyinka ay bulshada u hayaan iyo mashaariica qorsheysan ee sanadaha dhow laga fulin doono Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey Marwo Faadumo soo dhaweynta hagar-la’aaneed ee ay kala kulmeen Jabuuti, isagoo adkeeyey xiriirka ku qotoma walaaltinimada ee labada dhinac ka dhaxeeya, isla markaana warbixin guud ka siiyey xaaladda Caasimadda dalka ee Muqdisho, gaar ahaan horumarrada isdaba-joogga ah ee la gaaray muddooyinkii la soo dhaafay.

Dhinaca Kale Duqa Muqdisho Mudane Eng. Yarisow ayaa booqday xarunta tababarka ee ciidanka Booliska Jabuuti ee Idiris Faarax Habane, halkaas oo uu kusoo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col Cabdullaahi Cabdi Faarax.

Guddoomiyaha ayaa kormeeray qeybaha degaanka ee ciidanka oo hadda tababar uga socday Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo loo tababarayo ka hortagga rabshaddaha iyo isku dhacyada dadweynaha.

Dhinaca kale, Duqa Muqdisho ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti Cali Xasan Bahdoon iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Jabuuti, Jen. Zakariye Sheekh Ibraahim, isagoo uga mahadceliyey taageerada dhinaca amniga ee ay la garab taagan yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa waxaa kulamada ku weheliyey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti Maxamed Cali Nuur, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed iyo masuuliyiin kale.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS iyo Hay’adda IOM oo Mashaariic ka Fulinaya Balcad

0

Muqdisho (SNTV) Mashaariicdan Hormarineed oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya iyo Hay’adda IOM ay ka fulinayaan degmada Balcad waxaa kamid ah dhismaha Ispitaalka Guud Degmada Balcad, Hool Lagu qabto shirarka, Garoon lagu ciyaaro kubadda cagta iyo Mashaariic kale oo hormarineed.

Gudoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur iyo qaar kamid ah Xildhibaano katirsan Hirshabeelle ayaa si wadjir ah udhagax-dhigay Garoon kubadda cagta, iyadoo Guddoomiyaha uu kaga Mahadceliyay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Hay,ada IOM sida ay u Garabtaagan yihiin shacabka Degmada Balcad.

“Anigoo ku hadlaya magaca shacabka kan Maamulka Degmada Balcad waxaan uga mahadcelinaya Wasaarada Arimaha Gudaha Federaalka iyo Hay,ada IOM sida ay u garab taagan yihiin Bulshada Soomaaliyeed ee kunool Balcad Mashaariic muhiim ah ayee Balcad ka fulinayaan waa kuwa dhammaantod muhiim inoo ah”ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Balcad.

Madaxa Mashaariicda Hay,ada IOM Maxamed Cumar ayaa faah-Faahin kabixiyay mashaariicda ay ka fulinayaan Degmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha dhexe.

“Mashaariicda Balcad ay ka fulinayaan Wasaarada Arimaha Gudaha Federaalka iyo Hay,ada IOM  anigoo ku hadlaya Magaca hay,ada waxaa Balcad ay tahay degmo muhiim ah waxaana kamid ah Mashaariicda Garonka aan dhagax-dhigay maanta Ispitaalka iyo Mashaariic kale oo muhiim ah Wasaarada Arimaha Gudaha Federaalka ayaa howlaha wado iyada ayaa looga mahadcelinayaa”ayuu yiri Madaxa Mashaariicda Hay,ada IOM Maxamed Cumar.