Madaxweynaha Soomaaliya oo raja wanaagsan ka muujiyay natiijada shirkii lagu soo gaba-gabeeyay Kampala

Date:

Kampala -(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa raja wanaagsan ka muujiyay miro dhalka natiijo kasoo baxda shirka “Africa Now” ee lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Kampala.

Mudane; Madaxweyne Farmaajo, oo qudbad ka jeediyay shalay Shirkaas ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda kulanka, wuxuuna ku tilmaamay mid daaha ka rogaya Taariikhda iyo barwaaqada Afrika.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Wuxuu sheegay in hadda loo baahan yahay, hoggaan dar-dargeliya isbeddelka Bulsho iyo dhaqaale ee Afrika, sidoo kalen loo baahan yahay in la yeesho mustaqbal waxtar u leh Dhallinyarada iyo Haweenka Afrika, in la fahanno isla markaana laga hortago saamaynta is-beddelka cimilladu ku yeelanayo koboca dhaqaalaha iyo in xal heer degmo, heer Qaran iyo heer Caalami ah loo helo caqabadaha la wadaago , sida kuwa ganacsiga iyo amniga.

Madaxweynaha ayaa yiri,“Hadda ayaynu u baahannahay inaynu isku xirno dhaqaaleheenna innaga oo adeegsanayna kaabayaal dhaqaale oo muuqda iyo kuwa casriga ah, si aan u helno Afrika is-dhexgalkeedu sarreeyo, nabdoon isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo.

Madaxweynaha JFS ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in ka qaarad ahaan la gaari karo himmilooyinka qaaradda haddii la xoojiyo iskaashigeenna, wuxuuna caddeeyay in aysan jirin caqabad aan laga gudbi karin, buur aan la fanan karin iyo meel aan la gaari karin, haddii la helo ujeeddo guud iyo dedaal dhankeenna ka yimaadda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la huro Khibraddeenna si loogu faa’iideysto khayraadka dabiiciga , wuxuuna intaa raaciyay inaan arrinta saboolnimada aan mar danbe loo adkaysan Karin maadaama uu caalamku isu soo dhawaanayo, Qaarad kastana ay innaga horumarayso.

Wuxuu sheegay in ay cid kasta mas’uuliyad ka saaran tahay dib u habaynta, horumarinta, is-dhex galka iyo kobaca dhaqaalaha Afrika,wuxuuna tilmaamay in lasoo dhaafay xilligii Dowladda wax walba laga sugi lahaa, loona baahan yahay in hoggaamiyeyaasha Ganacsiga iyo muwaaddiniintu ay si dhow u wada shaqeeyaan.

“Fursadaha horyaalla Afrika waa tiro badan yihiin. Waxaan leennahay dhalliyaro da’ ahaan aad u yar, dhul qiimo badan, khayraad badeed iyo dhaqan soo jireen ah oo iskaashi iyo is-taageerid ku dhisan. Sidoo kale, teknaloojiyadda iyo isbeddelka ku yimi adeegyada dowladda ee asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka awgeed, ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in Afrika ay fursad u haysato inay hormuud ka noqoto dhinacyo badan oo fure u ah horumarkeenna , sida warshadaha, isu socodka alaabada iyo  dhaqaalaha casriga ah, iyada oo aynu weli ku xooggan nahay Beeraha iyo dhinacyada kale ee soo jireenka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...