Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka cusub ee Ingiriiska

Date:

Muqdisho (SNTV):– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka cusub ee Boqortooyada Midowday u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Benjamin James Fender.

Mudane Danjire Axmed Cawad waxa uu soo dhoweeyay Danjire Ben Fender, isagoo ugu hambalyeeyay kalsoonida boqortooyo ee qaaliga ah ee uu ku helay in xilkani loo magacaabo.

Wasiirka waxa uu kala hadlay Safiirka dhowr arrimood, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hore loo sii wado, lana xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labadda dal ee dhinacyo kale duwan leh, si gaar ah arrimaha amniga iyo dano wadaagga istiraatiijiyadeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...