Home Blog Page 1092

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo wadatashi ku saabsan Qorshaha horumarinta Qaranka 9-aad la yeelatay Maamulka Jubbaland

0

Kismaayo (SNTV):- Wasaaradda Qosheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadatashi ku saabsan wareegga koowaad ee Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad la yeelatay Hay”daha Sharci dajinta iyo Fulinta.

Hay”adaha dowladd gobaleedka Jubbaland ayaa Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya kala yeelatay Qorshaha horumarinta Qaranka Sagalaad,waxaana goob joog ka ahaa kulanka Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Jubbaland, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa u sharaxay Madaxda laanta fulinta Jubbaland tiirarka uu ka kooban yahay Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalad iyo shaqada culus ee dalka u yaalo.

“waxaan uu ka kooban yahay ilaa shan tiir sida Amniga, Arrimaha Bulshada, Siyaasada loo dhan yaha,Dhaqaalaha iyo Deeganka iyo Kheyraadka dabiiciga ah.waxaan rabnaa in aan isla fiirino sidii aan wax soo saarka dalka loo kobcin lahaa, ka jubbaland ahaan wax ahmiyada idiin leh mashaariicda aad doonaysaan waa muhiim in  lagu daro Qorshaha horumairnta Qaranka waan idinka mahadceliyaa sida wanaagsan aad uga qeyb qaadanaysaan shaqada,” ayuu yari  Cabdulqaadir Maxamed Aadan”

Dhinaca kale, galinkii dambe ee maanta ayaa Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Dhaxe Soomaaliya waxay kulan ku aadan wadatashiga wareegga kowaad ee Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaaalaad la yeelatay Golaga Wakiilada Baarlmaanka Jubbaland.

Wasiirka Qorsheynta Jubbaland Mudane Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa baarlmaanka u sheegay in maalmahan uu ka socday jubbaland wadatashiga isla markaana maanta Baarlamaanka Jubbaland looga fadhiyo in la dhageysto aragtiyadooda ku aadan Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Dhaxe  Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa Golaha Wakiilada Jubbaland u shaxay tiirarka kuu ka ooban yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo ahmiyada dalka u leeyahay.

Gudoomiyah Baarlamaanka Dowladda Gobaleedka Soomaaliyeed Jubbaland Shiekh Cabdiraxmaan  ayaa tilmaayay in wadatashigan muhiimad u leeyahay ka baarlamaan ahaan.

“Qorshahan waa muhiim, dalna ma shaqeyn karo qorsha la,aan ma garan kartid baahiyahaada wax soo saarka halka uu gaarayo waa noo muhiim maamul ahaan, Sida xoghyaha sheegay waa muhiim in xildhibaanada ay ka turjumaan baahiyaha dadka ay matalaan, marka isnha allaah xildhibaanada mar labaaad aan kula dar daarmayaa gobalkan aad matashaa ee ka kooban sadaxda gobal idinka ayaa baahidiina la soo bandhigay, waa taqaaniin beero kaluuleysi iyo biyo. Marka inta dadka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa, hadii uu noo hagaago qorshaheena dalkeena ayaa noo hagaagayo ayuu yari Guddoomiyaha Baarlmaanka Jubbaland”.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Oo La Kulmay Wasiirka Beeraha Sucuudiga

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadaer) oo ay wehliyaan wasiirrada maaliyadda iyo xannaanada xoolaha ayaa dalka Sucuudiga kula kulmay wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha boqortooyada Sucuudiga, Eng. Abdulrahman bin Abdulmohsen Al-Fadley.

Kulanka ay yeesheen wadfiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha boqortooyada Sucuudiga ayaa looga hadlay qorshaha xoolaha Soomaaliya loogu iib-gaynayo suuqyada dalka Sucuudiga.

Ra’iisul Wasaar ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadaer), iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray dalka Sucuudi Carabiya oo kamid ah dalalka xariirka walaaltinnimo ee soo jireenka ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya.

Tababar loo soo xiray shaqaale ka tirsan Wasaaradda Gar-gaarka iyo Maareynta Musiibooyinka

0

Muqdisho(SNTV) Munaasabadda xiritaanka tababarakan oo lagu baranayaya hab qoraalada codsiyadda Mashaariic oo loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda Gaar-gaarka iyo maareynta musiibooyinka waxaa ka qeyb galay, wasiirka wasiir ku-xigeenka agaasimaha guud iyo mas’uuliyiin kale.

Tababarkan oo socday mudo todobaad ah ayaa shaqaalaha waxaa ay kaga faa’ideysteen qibrado ku aadan habka qoraalada codsiyada mashaariicda,iyadoo Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay geba gebada xiritaanka tababarkani.

Waxaana ugu horeyn tababarkaasi ka Danjire Cali Siciid Fiqi Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub oo bixinayaya tababarkaasi iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Mukhtaar Sheekh Xuseen Jimcaale,waxaana ay sheegeen in uu ahaa tababar ahmiyad gaar ah leh,iyagoona shaqaalaha kula dardaarmay in ay maskaxdoodi furan oo aqoontoodi kor u qaadaan,si ay bulshada ugu adeegaan si hufan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka C/rashiid Maxamuud Xasan iyo Wasiirka Wasaaradda Xamsa Siciid Xamsa ayaa ku booriyay shaqaalaha in tababarkii ay qaateen ay ugu adeegaan bulshadooda,wuxuuna Wasiir Xamsa uu sheegay in arrintani looga maarmi karo in dad ajaaniib ah loo yeerto si ay tababar u bixiyaan,taasi bedelkeedina ay tahay wadada kaliya looga gudbi karo,wuxuuna intaasi ku daray in xitaa la gaarsiin doono deegaanada kale ee dowlad goboleedyada.

Tababarkan ayaa ahmiyad gaar ah u leh shaqaalaha Wasaaradda Gargaarka,iyadoo uu u sahlayo gudashada waajibaadkii loo igmaday iyo ka jawaabista arrimaha la xiriira gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee dalka ka dhaca.

Madaxweynaha Jubbaland oo xariga ka jaray xarumo loogu talagalay iney ku shaqeeyaan Wasaaradaha

0

Kismaayo (SNTV):- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland  Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xariga ka jaray Dhismayaasha loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan qaar kamid ah Wasaaradaha Maamulka Goboleedka Jubbaland.

Dhimayaashan oo loo dhisay qaab casri ah ayaa waxaa ku shaqayn doona Wasaaradaha wax soo saarka leh kuwaas oo kal hore ku shaqaynayay Xarumo kale, balse hada kadib halkan ka bilaabi doona Adeegyadii ay Bulshada u hayeen.

Madaxweynaha ayaa ka mahad celiyay dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay wakhtigii dhismaha Xarumahan ay socdeen isagoo u tacsiyeeya qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u Naxariiste Nuur Cali magan oo ahaa Agaasimahii shirkada dhismaha Xarumahan fulisay kaas oo dhawaan geeriyooday waxaa kale oo Madaxweynahu uu tacsi u diray qaar kamid ah Shaqaalaha Hay’ada SSF oo ku geeriyooday Qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Nairobi.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhismaha Xarumahan oo lacag badan ay ku baxday ayna suuro gal noqoteen hadii Hanaanka Dowladnimo iyo nabadgalyada Jubbaland aanay ahayn mid la hubo oo dhammaystiran, wuxuuna ammaanay Ciidamada Amniga qaybahooda kala duwan, isagoo sheegay in Dhammaan Maalgashiga iyo hanaanka deeqbixinta ay Jubbaland diyaar u tahay loona baahan yahay in lagu soo hirto.

Wasiirka Warfaafinta oo Daah-furay heerka sare ee deeq-bixiyeyaasha ee taageeridda Istiraatiijiyadda Wacyi-gelinta Qaranka

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa si rasmi ah u furay shirka heerka sare ee deeq-bixiyeyaasha ee taageeridda Istiraatiijiyadda Wacyi-gelinta Qaranka.

Shirkaan ayaa waxaa goob joog ka ah masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir iyo masuuliyiin matalayey Beesha caalamka oo ay kamid yihiin Safiiro iyo Wakiilo kale.

Shirka ayaa inta uu socdo diiradda lagu saarayaa Taageeridda Wacyi-gelinta Qaranka oo ay hormuud u tahay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Ciidanka PSF ee Puntland oo Howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyey Buuraha Cal Madow

0

Boosaaso (SNTV) Ciidamada amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab  ka fuliyey deegaano ka tirsan Buuraha Cal Madow ee maamulkaasi.

Puntland ayaa sheegtay in howlgalkaasi ay uga hortageen weerar kaga yimid dhinca Al-shabaab ee ku sugan Buuraha Cal Madow, gaar ahaan Buuraleyda  Warbad iyo Gebidheer, isla markaana ay fashiliyeen weeraradaasi.

Sidoo kale dowlada Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in weeraradaasi Al-shabaab ay la damacsanaayeen Xarumaha  Ciidamada Puntland ay ku sugan yihiin ee ku yaalla Buuraha Galgala.

Buuraha Galgala ee Gobolka Bari ayaa waxaa ku sugan dagaalamayaal  ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo mararka qaarkood weeraro ku qaada Ciidamada Puntland ee ku sugan halkaasi.

Qorshaha Horumarinta Shanta Sano ee Gobolka Banaadir oo la Daah furay

0

Muqdisho (SNTV):-Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta daah furay shirka wadatashiga iyo diyaarinta Qorshaha Horumarinta Gobolka Banaadir ee shanta sano ee soo socota.

Shirka ayaa lagu falan-qeeyey qabyo qoraalka Qorshaha Horumarinta Gobolka Banaadir ee 2019-2024, waxana dhinacyadii ka soo qeyb galay ay dood adag ka yeesheen sidii mudnaanta loo siin lahaa baahiyaha ay muhiimka tahay in lagu saleeyo qorshahan.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in qorshahani uu yahay mid lagu saleysanayo baahida bulshada Gobolka Banaadir ee mudnaanta leh shanta sano ee soo socota, iyadoo lagu bilaabayo wadatashiyada waaxaha maamulka, loona daadajin doono degmooyinka iyo qeybaha bulshada, si loo helo tallooyinkooda waxgalka ah.

“Ujeedkeennu waa in bulshada Gobolka Banaadir iyaga uu ka yimaado qorshahan, laguna saleeyo baahida ay leeyihiin, waxayna wadatashiyadu mari doonaan dhowr qeybood oo muhiim ah, si qorshahani uu u noqdo mid matali kara shacabka ku nool Caasimadda”.

Sidoo kale, Guddoomiye Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegay Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in talada dib loogu celiyo shacabka, si shaqo walba oo la qabanayo u noqoto mid ku qotonta baahida degmooyinka Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku xigeenada Howlaha Guud, Arrimaha Bulshada iyo Agaasimeyaasha M/mulka Gobolka Banaadir.

Ciidanka Xoogga dalka oo Horjooge ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ku dilay Gobolka Bakool

0

Xudur (SNTV):- Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bakool waxay ku qaarijiyeen horjooge ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab,kaasi oo lagu dilay deegaanka Shiidle ee gobolkaasi.

Deegaanada kale ay ciidanka howlgalka ay ka fuliyeen waxaa ka mid ah Shiidle,Dudumaale,Tiyeeg-buul iyo wargaloole dhammaan deegaanadan ayaa ku teedsan wadada isku xirta degmooyinka Xudur iyo Tiyeeglow ee Gobolka Bakool.

Taliyaha Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle sare Warsame Maxamed Diiriye oo faah faahin ka bixiyay howlgalka ayaa sheegay in iska hor imaad kooban oo Ciidanka Xoogga dalka iyo maleeshiyada Al-Shabaab ku dhex maray deegaano  ka tirsan Gobolka Bakool ay ku dileen horjooge ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab.

Horjoogaha la dilay ayaa caan ka ahaa deegaanada ay Ciidanka howlgalka ka fuliyeen,wuxuuna shacabka ka uruurin jiray lacago baad ah oo ay ugu yeereen Sakawaad.

Wuxuu ku sheegay taliyaha Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka sababta ay deegaanadaasi u weerareen iney tahay sidii shacabka kaga ka dul qaadi lahaayeen dhibaatada maleeshiyada Al-Shabaab ku haayaan.

Taliyaha Ciidanka Uganda oo booqasho ku yimid Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV):- Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Uganda Lt. Peter Elwelu ayaa todobaadkaan booqasho ku yimid Soomaaliya,wuxuuna taliyaha si gaar ah u booqday goobaha ciidanka Uganda ee Qeybta ka Howlgalka AMISOM ku sugan yihiin.

Lt. Gen. Elwelu, ayaa maalintii khamiista ahayd oo taariikhda ku beegneyd February 14,booqday Ciidanka Uganda ee ku sugan magaalooyinka,Baraawe,Buulamareer,Qoryooley iyo deegaanka Ceel Jaale-Marka oo dhammaantood ka tirsan qeybta koowaad (Sector One),kuwaasi oo ku yaalo Gobolka Shabeellaha hoose.

“ Waxa ina quseeyo waxay tahay ineynu taageerno ciidankeenna qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee ku sugan halkan,” ayuu yiri Taliyaha ugu sareeya ee Ciidanka Uganda intii lagu guda jiray booqashadiisa Xerooyinka Militari.

Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Uganda Lt. Peter Elwelu,ayaa ciidanka ku dhiira geliyay iney is difaacaan,islamarkaana u shaqeeyaan si wadajir ah si ay uga gudbaan caqabadaha,islamarkaana guulo u gaaraan.

Gen. Elwelu ayaa sidoo kale ku booriyay inay foogjignaadaan iyo iney si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Sidoo kale, Lt. Gen. Elwelu ayaa la kulmay Guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid Ali Ibrahim,mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka degmadaasi  iyo waxgaradka,isagoona kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa sugida amniga iyo waliba dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixsada Al-Shabaab.

Ugu danbeyntii,Taliyaha Ciidanka Lugta dalka Uganda ayaa maanta gabagabeeyay booqashada uu ku yimid Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka iyo wafdi uu Hoggaaminayo oo u safray Sucuudiga

0

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan wasiirada maaliyadda iyo xanaanada xoolaha ayaa maanta dalka Sacuudiga ugu u ambabaxay casuumaad rasmi ah.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka warbixiyay qorshaha safarka ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Sacuudiga ay kala hadli doonaan arrimaha deyn Cafinta, kabka dhaqaalaheenna, Dhoofinta Xoolaheenna iyo sidii acmaasha Xajka loogu fududeyn lahaa mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Tubta horumarinta dhaqaalaha oo kamid ah afarta tubood ee lagu saleeyay shaqooyinka dawladda ayaa halbeegyadeeda ugu waawayn ee sannadkaan la doonayo in lagu fuliyo waxaa qayb ka ah arrinta cafinta daynta lagu leeyahay dalka.