Home Blog Page 1092

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday laba katirsan maleeshiyada Alshabaab

0

Muqdisho (SNTV)- Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun ku riday laba katirsan maleeshiyada Alshabaab kuwaasi oo xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada  Qalabka Sida ku soo eedeeyay in ay katirsanaayeen maleeshiyada Alshabaab, sidoo kale ay u qaabilsanaayeen maleeshiyada tuurista Bambooyinka iyo kireynta guryaha ay kireystaan maleeshiyada magaalada dhexdeeda.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u aqriyay Xukunka Warbaahinta.

Halkan Hoose ayaad ka dhageysan Kartaa

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaalmo u fidiyay Dhibbane Sacdiyo Saleemaan

0

Muqdisho (SNTV)–Hooyo Sacdiyo Saleebaan, oo ka mid aheyd walaalihii ku waxyeeloobay Weerarkii Argagixisada todobaad ka hor ay ka geysteen Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, ayaa ah hooyo dhashay 5-caruura, waxaana weerarkaasi ay ku weysay qeyb kamid ah labadeeda lugood, iyada oo wajiga iyo xubno kale oo jirkeeda kamid ah uu soo gaaray dhaawac culus.

Isbitaalka Erdogan, Ex digfeer, oo lagula tacaalayo xaaladeeda Caafimaad waxaa ku booqday Guddoomiye kuxigeenka maamulka gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada Basmo Caamir Shakeeti oo ay wehliyeen Xubno kale oo kamid ah maamulka gobolka, si looga warhaayo xaaladda caafimaad ee Sacadiyo iyo dhaawacyada kale ee kujira Isbitaalka ee weerarkaasi uu wax kasoo gaaray.

Jawaahir Baarqab Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir oo ka mid aheyd xubnihii gaaray Isbitaalka ayaa tilmaamtay in dhaawacyadii soo arkeen ay u baahan yihiin caawinta dadka Soomaaliyeed.

Gudoomiye kuxigeenka maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir ayaa sheegtay in maamulka gobolku uu balan qaaday masuuliyadda nolosha caruurta Sacdiyo iyo baxnaaninta xaaladeeda caafimaad.

Al-shabaab oo geystay weerarka ay dhibaatada kasoo gaartay Hooyo Sacdiyo waxaa ay ku faanaan bartilmaameedsiga shacabka Soomaaliyeed.

Agaasime waaxeedyo ka tirsan wasaaradda waxbarashada oo xilalka la wareegay

0

Muqdisho, November, 15, 2018:– Xarunta wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay munaasabad xilalka ay kula wareegayaan agaasimaha xiriirka maamul goboleedyada iyo  hay’addaha iyo agasimaha horumarinta macalimiinta wasaaradda waxbarashada.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada XFS Xasan Maxamed Cali ayaa goob joog  ka ahaa.

Cabdi Nuur Axmed Jaamac agaasimaha xiriika maamul goboleedyada iyo hay’adaha  ayaa xilka kala wareegay  Ismaaciil Maxmed Cali , Axmed Muuse Xoosh agaasimaha horumarinta macalimiinta  ayaa xilka kala wareegay Hibo kaamil.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada XFS Xasan Maxamed Cali ayaa kula dardaarmay agaasimayaasha xilka lawareegay in ay si daacad ah  u gutan waajibaadka loo igmaday.

“Maanta waxaad lawareegteen waajibaad culus oo ubaahan kaf akar iyo in aad howlaha aad masuulka katihiin aad u qabataan si dacadnimo ku jirto waxaan rajeynaa in agaasimayaashii idinka horey sidey wax u qaban jireen inaad u qabataan”ayuu  yiri agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Xasan Maxamed Cali.

Agaasimayaasha cusub ee maanta xilka la wareegay ayaa ballan qaaday inay ka soo dhalaali doonaan howsha loo igmaday.

Shir ku saabsanaa Amniga Gobolka oo xalay lagu qabtay Degmada Kaaraan

0

Muqdisho (SNTV)–Shir xalay lagu qabtay Degmada Kaaraan ayaa waxaa ka qeyb galay gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka gobolka, Xildhibaano, qaar kamid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, qeybaha Bulshada iyo marti sharaf kale.

C.fitaax Nuur Cali Gudoomiyaha degmada Kaaraan ayaa sheegay in iskaashiga Shacabka iyo laamaha Amniga uu degmadaasi ka dhigan mid heysata Amni dhameystiran.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa muujiyey in shirkan uu saldhig u yahay isku xirnaanta iyo wada shaqeynta degmooyinkaweybta Bari ee gobolka Banaadir.

Xildhibaan Maxamed Soomaali oo kamid ahaa xildhibaanadii ka qeyb galay Shirka ayaa ku amaanay shacabka iyo maamulka degmada Kaaraan sida ay isugu xiran yihiin oo ay uga shaqeeyeen Amnigooda.

Gudoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cismaan Cumar( Engineer ) Yariisow ayaa tilmaamay in dadaalka maamulka gobolka ee ku wajahan Amniga uu yahay mid aan loo kala harin iyada oo la tixraacayo qorshaha Amniga gobolka ee horay loo dajiyey.

AUN Tababarihii hore ee Xulka Qaranka ee kubadda koleyga Cabdi dheere oo geeriyooday

0

Toronto (SNTV)–Tabbabarihii hore ee xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Koleyga Macalin Cabdi Maxamed Cige oo ku magac dheeraa Cabdi Dheere ayaa 13-kii bishan ku geeriyooday magaalada Toronto ee dalka Canada.

Tababare Cabdi Dheere ayaa wuxuu ka mid ahaa Ciyaartooydii kooxda Jeenyo ee dhowr jeer qaaday horyaalka kubadda kolayga sannadihii 80- tamaadka, wuxuuna ka mid noqday tababarayaashii kubadda kuleyga ee Qaranka Soomaaliyeed.

Intii uu ahaa tababaraha Qaranka, Macallin Cabdi Dheere waxaa uu kooxda Qaranka ee kubadda kolayga u suura-gashay in ay guulo ka soo hooyaan Qaaradda Afrika iyo waliba jaamacadda Carabta.

Allaha u naxaristo tabbabare,Cabdi Dheere ayaa in muddo ahba ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaala magaalada Toronto ee Dalka Canada, waxaana lagu  aasay magaalada Toronto oo uu in muddo ah deganaa.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda XFS oo sagootiyay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

0

Muqdisho(SNTV): –  Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Olgan Bekar, munaasabad lagu sagootinayay kahor inta aanu dalku ka ambabixin kadib markii muddo xileedka shaqo ee danjiranimo ee Soomaaliya ay ka idlaatay.

Wasiiru Dowlaha  ayaa sheegay in danjire Olgan Bekar uu ahaa saaxiib wanaagsan iyo taageere xiriirka diblomaasiyadeed ee wejiyada kala duwan leh ee u dhexeeya Muqdisho iyo Ankara. Bekar, Safiirka muddo xileedkiisa shaqo ay dhamaatay, ayaa tixgelin weyn ka helay Soomaalida ha noqdeen dowladda iyo shacabkaba muddadii afarta sano ahayd ee uu howlgalayay.

Dhinaca kale safiirka Turkiga,ayaa aad ugu mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in xiriirka labada dal ee walaalaha ah uu hore u sii socon doono si joogto ah oo ay ku jirto danta labada dal.

Madaxweyne Farmaajo oo ka warbixiyay xiriirka dalalka Gobolka “Dhageyso”

0

Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyay xiriirka dalalka Gobolka, Iskaashiga Dhaqaale ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya iyo mustaqbalka waxa uu Soomaaliya uga dhiganyahay heshiiska saddex geesoodka ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in 30-kii sano ee ugu dambeeyay Soomaaliya lagu hayay fara gelin toos ah, balse waxaa uu xusay in Madaxda dhigiisa uu kala hadlay in Soomaaliya laga daayo fara gelinta, taasi oo keentay in la helo iskaashi balaaran oo dhex mara dalalka Geeska Afrika.

“Shirkii ugu horeeyay ee saddex geesoodka ahaa waxaan ku qabsanay Asmara, Eretria, kii labaad waxa uu ahaa isbuucii la soo dhaafay Bhar Dar Ethiopia, kan saddexaadna waxa uu ka dhici doonaa Soomaaliya, haddii uu Alle yiraahdo”. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u rajeeyay in iskaashigan ay wax badan ka faa’iideysan doonaan.

 Halkan ka dhageyso 

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada XFS oo Olole Nadaafadeed ka Bilaabay Matxafka Qaranka

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan oo Guddoominaya Guddi Hoosaadka  dhismaha Matxafka Qaranka iyo Shaqaalaha Wasaaradda ayaa maanta Olole Nadaafadeed ka bilaabay Matxafkii Qaranka oo Dowlada Soomaaliya ay Shacabka degan u qabatay Mudo 15-Maalmood inay kaga guuraan maadaama la doonayo in lagu dhiso Mashruuca Is Xilqaan.

Wasiirka ayaa kaga mahad celiyay Shacabkii degenaa Matxafka Qaranka sida ay ugu dhaga nuglaadeen Amarkii Dowlada, iyagoona ka guuray ka hor mudadii loo qabtay oo Beri ku eg.

“Waxaan rabaa inaan aad ugu mahad celiyo Shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan dadkii degenaa halkan oo muujiyay Wadannimo, Is Xilqaan iyo Dowladnimo jaceyl una dhago nuglaaday Awaamiirtii Dowlada waxaa loo qabtay 15-Maalmood oo Beri ay ku eg tahay hadana waxaa noo muuqato in cidna aysan degeneyn oo Amarkii Dowlada ay qaateen Shacabka”.ayuu yiri Wasiirka.

Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Labo Todobaad ka dib markii Ololaha Nadaafada lasoo gaba gabeeyop uu dhagax dhigi doono Matxafka Qaranka.

“Waxaa inoo xiga inaan Howlo nadaafad Matxafka Qaranka ka bilawno waxay qaadan doontaa labo Todobaad kadib waxaan rajeyneynaa in Madaxweynaha jamhuuriyadda uu dhagax dhig u sameyn doono ka dibna hawshii ayaa bilaaban doonta waxaana rajeyneynaa Bartamaha sanadka soo socda in Madxaf qalabeysan oo dayactiran inuu halkan kasoo baxo”.

Matxafka Qaranka waxaa ku hareereysan Theaterka Qaranka waxaana kasoo horjeeda Maktabadii Qaranka waxaana Beri samaadkii loo aqoon jiray goobtaasi Magaaladii Dhaqanka, iyadoo Wasiir Cabdi Cashuur uu Dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka faa’iideysan doonaan Goobaha Taariikhiga ah oo Dowlada Federaalka ay dib usoo nooleyneyso.

“waxaan rajeyneynaa inay Dhalinyarada ka faa’iideystaan Taariikhdooda oo ay ka baran doonaan Matxafka Qaranka, sidoo kale ay wax kasoo akhristaan Maktabadii Qaranka, Suugaantii iyo Wacyi gelinta ay uga socoto Theaterka Qaranka, waxaan Shaqaalaha ku baraarujinayaa inay ka dhabeeyaan Mashruucii Isxilqaan oo ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ayuu yiri Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay dhigiisa Jaziiradda Qubrus

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Fedearaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdraxmaan ayaa maanta la kulmay dhigiisa Jaziiradda Qubrus Mudane Teberruken Ulucay.

Guddoomiyaha oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Lefkosa ee Waqooyiga Qubrus ayaa dhigiisa kala hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii wadajir la isaga kaashaan lahaa arrimaha horumarinta iyo aqoon kororsi dhex mara.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa inta uu ku sugan yahay Jaziiradda Qubrus waxa uu la kulmi doonaa Ra’isal wasaaraha iyo Madaxweynaha dalkaasi.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay dib u eegista Miisaaniyadda Dowladda ee 2018-ka

Muqdisho(SNTV):-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay dib u eegista Miisaaniyadda Dalka ee 2018ka oo ay Qaraar u soo badaleen Guddiga Maaliyadda BFS.

Kulanka uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka mudane C/weli Sheekh Ibrahim Muuday ayaa Dhageysi iyo dood dheer kadib codbixinta Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa u dhacday sidatan, 153 ayaa ogalaatay, 2 wey diiday halka  3 kalana ay ka aamustay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaale ayaa uga mahadceliyay Golaha Shacabka maadaama ay meel mariyeen dib u eegista Miisaaniyadda Dalka oo lacag dhan $22.5 Milyan ay ku korortay $17 milyan oo ka mid ah lacagta korortayna waa Mishaarka Ciidanka Xoogga Dalka.