Ciidanka Xoogga dalka oo Horjoogeyaal sare ku dilay deegaano u dhow Degmada Jammaame

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Kuwa Daraawiishta dawlad goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada degmadda Jammaame ee gobolka Jubbada hoose.

Howl-galladaan oo ahaa kuwa Qorsheysan ayaa waxa ay  ka dhaceen meel 10 KM u jirta degmada Jammaame, iyaggoona ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo is garabsanaya ay jiinka webiga ka galeen deegaanka Yiireey oo aan sidaa uga fogeyn degmada Jammaame.

Tiro ka mid ah Malleeshiyaadka Argagixisada Alshabaab ayaa howl-galka lagu khaarajiyay, waxaana nolosha lagu hayaa tiro badan.

Sida ay sheegeen Saraakisha Ciidamada Jubbaland Lix  Qof oo Saddex ka mid ah ay ahaayeen Saraakiil Horjoogeyaal sar-sare ah ayaa laga diley Malleeshiyaadka, waxaana nolosha lagu qabtay Seddex Kale.

Horjoogeyaasha la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Cali Waraabe, Tima Jilic iyo Galley, kuwaas oo Malleeshiyaadka u qaabilsanaa Cabsi gelinta dadweynaha.

Diyaaradaha Mareykanka oo howlgalka qeyb ka ahaa ayaa duqeeyey seddex gaari oo ay Kooxda Al-shabaab gurmad ahaan u soo direen, waxaana halkaas ku basbeelay Saanad ciidan iyo raggii la socday.

Weli  waxaa ka socda deegaanada hoos yimaada degmadda Jammaame, gaar ahaan kuwa saaran Jiinka Wabiga howl-gallada lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab,  ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaana kaabiga ku haya degmada Jammaame oo ay doonayaan in ay xaqiijiyaan qabashadeeda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...