Raโ€™iisul Wasaare Khayre oo daah-furay habka Onlie-ka ee diiwaan-gelinta Ganacsiga

Date:

Muqdisho (SNTV):-Raโ€™iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay Habka Onlie-ka ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga oo ay diyaarisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.

Habka Onlie-ka ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga oo qayb ka ah fududaynta ama sahlidda ganacsiga ayuu Raโ€™iisul Wasaare Khayre sheegay in ay ka dhalayso in dhaqaaluhu kobco iyo in abuurmaan shaqooyin badan oo lagu yareeyo shaqo laโ€™aanta.

Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in hadafka ugu wayn ee dawladda uu yahay in shacabka Soomaaliyeed iyo duniduba ay aaminaan, aaminaaduna ay ku xirantahay in dawladdu ay iyadu kasoo baxdo dawrkeeda.

Waxa uu sheegay Raโ€™iisul Wasaaruhu in Habka Onlie-ka ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga ee hadda lagu guulaystay hir-gelintiisa uu ganacsatada Soomaaliyeed siinayo fursad wanaagsan, isaga oo intaa raaciyay in dawladda ay ka goโ€™antahay in ganacsatada ay ku garab istaagto horumarinta ganacsigooda si dawladduna ay uga hesho casnshuur.

Wasaaradaha kale ee xukuumadda ayuu Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali khayre ku dhiirri geliyay in ay dar-dar-geliyaan fulinta qorsha howleedyada u yaalla si looga mira dhaliyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hayโ€™adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...