Wasaaradda Caafimaadka XFS oo War kasoo saartay Dhibaatadii ku dhacay Khadra Dhicis

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada waxaa ay cadayneysaa in ay  aad uga xuntahay dhibaatadii ku dhacday  Kharda Maxamuud dhicis oo Shalay subax taariikhda markay aheyd 03/04/2019 tagtay xarun caafimaadka  ee Degmada Xamar Jajab iyadoo fool ah, Xaruntaas oo ay Gacanta ku heyso Hay’adda  WARDI.

Baarintaan hor dhac ah oo ay samaysay Wasaaradda caafimaadka waxay cadaynaysa in Gabadhaas ay timid xarunta caafimaadka abaarihii 4ta Aroornimo,Waxayna la kulantay Kalkaalisadii Caafimaad oo heeganka laheyd, taas oo ka ku wargelisay  gabadha foolanaysaa inay lagama maarmaan  tahay in la helo qof qoskeeda ka tirsan oo la jooga. 

Gabadha oysan jirin cid wheel u ahyd ayaa dibedda usoo baxday waxaana ku kordhay xanuunkii foosha taasoo keentay inay isbitaalka iridiisa ku dhasho, ayadoon aysan helin gargaar caafimaad. 

Xaruumaha kala duwan ee dalka ee wasaaradda caafimaadka hoos taga waxay si joogta ah adeeg caafimaad ugu fidyaan  xaaladaha dhalmada hooyada, adeegaas waa mid lacag la’aan  ah , hase yeeshe xaalada Khadra Maxamuud dhicis waa xadgudub ay ku kacday kalkaalisadii heeganka lahayd ee xaruunta. 

Sidaas darteed wasaaradda ayadoo ka duulaysa mas’uuliyadda ka saran daryeelka caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka waxay qaaday talaaboyinka soo socda:

1-In isla markii dhacdadu soo baxday kalkaalisada shaqadii laga fariisiyey.

2-in la sameeyey guddi xaqiiqo raadis ah  oo arrinta soo baara , warbixin dhamaystirana ka keena.

Wasaaraddu waxay ballan qaadaysa in warbixinta dhabta ah oo xaqiiqda ka salaysan la wadaagi doonto dhamaan ciddi danaynaysa oo rabta inay wax ka ogaato xaqiiqdaa dhacdadaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...