Home Blog Page 1077

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Wasiir Xoosh

Ankara-(SNTV)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo howlo shaqo u jooga Dalka Turkiga ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid AUN Wasiirkii Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marxuum; Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Wasiirka ayaa Maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaaladda Dubai ee Dalka isu tagga Imaaraadka Carabta , isagoo Alle uga baryay in naxriistii Janno uu ka waraabiyo Ahelkii, qaraabadii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ka baxayna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Wasiir  , Cabdirxamaan Xoosh Jibriil ,waxa uu ahaa Wasiir ay ka go’antahay Inuu si wanaagsan ugu adeego Dadkiisa iyo Dalkiisa, isagoo ahaa ahaa shaqsi ay ku weyntahay Dowladnimada iyo Soomaaliya oo horumar kan kasii balaaran gaarta, wuxuuna si gaar ah uga shaqeynayay sidii ay Soomaaliya u yeelan laheyd Dastuur dhameystiran” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn sheegay in isagoo ku hadlaya Magaciisa iyo kan guud ahaan Xildhibaanada Golaha Shacabka uu  tacsi gaar ah u dirayo Ehelka, qaraabada marxuumka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Allaha ha u naxriistee Wasiirkii Arrimaha Dastuurka Soomaaliya waxa uu ahaa  Abuukaate wax ku soo bartay Dalka Canada, July 2011-kii ilaa November 2012-kii, waxaa uu ahaa Wasiirkii Dastuurka iyo dib u heshiisiinta ee Dowladdii xiligaas jirtay,sidoo kale Sanadkii 2012-kii wixii ka dambeeyay, waxaa uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaankii 9aad, guddiga xuquuqul insaanka ayuu sidoo kale ka mid ahaa.

Innaa Lilaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Rabshado ka taagan degaannada Oromada ee Dalka Itoobiya

Addis Ababa-(SNTV)- Ugu yaraan 10 degaan oo ka tirsan Gobolka Oromada ee Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka jira kacdoon ku saleysan fidinta Dhulka ay ku fadhido Caasimadda Addis ababa.

Kumanaan Dad ah oo dhigaya dibed baxyo lagaga soo horjeeda ballaarinta Caasimadda Addis Ababa, ayaa isugu soo baxay Magaalooyin ay ka mid yihiin Jimma, Ambo, Awaday, Bale iyo Adama.

Dadkan ayaa caro ka muujiyay markii uu maamulka Magaalada Addis ababa, sheegay in iskaashatooyinka iyo Dadka danta yar lagu wareejiyay Kumanaan Guri oo laga hirgeliyay duleedka Caasimadda, halkaas oo ay Qowmiyadda Oromadu ku doodeyso lahaanshiyaheeda.

Rabshadihii sababay in uu xilka ka dego Ra’iisul wasaarihii hore ee Dalkaasi, Hailemariam Desalegn, ayaa sidan oo kale ka billoowday kacdoon ka dhashay is Afgaran waa ku aaddan ballaarinta Caasimadda Addis ababa.

Isha/Agencies

Safiirka Soomaaliya u jooga Kuwait oo ka war bixiyay xiriirka Labada Dal

0

Kuwait City-(SNTV)-Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Dalka Kuwait, Danjire Cabdullaahi Maxamed Odowaa, ayaa waxaa Waraqaaha aqoonsiga ka guddoomay Boqorka Wadanka Kuwait, Shekh Sabah Al-Axmad Al-sabaah.

Danjire; Odowaa, ayaa sheegay in si diirran loogu soo dhoweeyay Dalka Kuwait, isla markaana ay Dowladda Dalkaasi u muujisay Ixtiraam aad u sarreeya oo ah mid ay u hayso Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay inay dar-dar gelin doonaan howlaha shaqo ee Safaaradda oo ah hagaajinta xiriirka Labada Waddan, iibinta ama muujinta wenaagga Dalkeenna Soomaaliya iyo u adeegista Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool Dalka Kuwait.

Dhismaha iyo qalabaynta Safaaradda ka dib ayuu sheegay Danjiruhu in ay ka shaqayn doonaan wax ka qabashada adeegyada kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed, wuxuuna intaa raaciyay in uu la yeelan doono kulamo kala duwan si uu u ogaado baahiyaha ay qabaan.

Amb; C/llaahi Maxamed Odawaa, oo ah Safiirkii ugu horreeyay ee ay Soomaaliya u Magacawdo Dalka Kuwait, ayaa sheegay in ay isaga iyo Boqor, Shekh Sabah Al-Axmad Al-sabaah, isla garteen inay soo celiyaan xiriirkii ka dhaxeeyay Labada Dal 30 Sano ka hor, door wada jir ahna ay ka ciyaari doonaan.

Ururka Suxufiyiinta Haweenak ee Sowjra oo soo dhaweeyay waxyaabihii ka soo baxay shirweynihii Qaran ee haweenka

0

Muqdisho (SNTV) Ururka u dooda xaquuqda haweenka saxafiyiinta Somaaliyeed (SOWJRA) wuxuu tageeraya shir weynihii qaranka haweenka Somaaliyeed ay soo qaban qaabisay wasaarada haweenka iyo xaquuqal insaanka ay daahfurtay Marwada koowaad ee dalka Seynab Abdi Macalim uuna soo xiray Ra’isul wasaare Xasan Ali kheyre 6_March 2019, hal ku dhigiisu ahaa yagleelida ilaalida xaquuqda qofkasta

wasiirka haweenka iyo xaquuqal isaanka Deeqo Yasiin Xaji Yuusuf oraahdeedi ka faa’iideysiga fursadaha dib u eegista dastuurka sharciga doorashooyinka in haweenka haddii ay si wanaagsan uga faa’iideystaan horumar weyn la gaari karo iyo baaqii marwada kowad ee dalka Seynab Abdi midnimada haweenka iyo is kaashiga haweenka Somaaliyeed iyo warmurtiyeedka ka soo baxay shirkaas.

Haddaba,  Ururka u dooda xaquuqda haweenka saxafiyiinta Somaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loogu yeero (SOWJRA) wuxuu u taageeraya si Cad shir weynaha haweenka. SOWJRA waxaay sidoo kale ku baaqaysaa iskaashi, midnimo iyo in haweenka dhammaan himiladooda ka miro dhalinyaan . Sidoo kale waxaan soo dhaweynaynaa maalinta haweenka ee caalamiga ah oo aan leenahay hambalyo haweenka caalamka oo dhan iyo kuwa geeska Afrika gaar ahaan haweenka soomaaliyeed in si wadda jir ah loo xuso munasabadas.

Leila Ad’ed OsmanSomali Women Journalist Rights Association (SOWJRA)ChairpersonEmail: chairlady@sowjra.org             info@sowjra.org

Mobile: +252615610500

Xukuumadda Soomaaliya Oo Billaawday Daadejinta Hawlaha Tubaha Qaranka

Khamiis, Maarso 07, 2019 –Mas’uuliyiinta madaxda ka ah Tubaha qaranka iyo hawl-wadeenno kale oo uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Cabdullaahi Xaamud, ayaa maanta magaalada Baydhabo uga qayb galay shirka golaha wasiirrada Koonfur Galbeed.

Shirka oo uu guddoomiyay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa lagu soo bandhigay Halbeegyada tubaha qaranka iyo hannaanka tubuhu u shaqeeyaan, iyada oo si qota dheer looga dooday hannaanka wasaarad waliba ay uga qaadan karto qaybta uga aadan.

Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa kulanka kadib sheegay in muhiimadda shirku ay ahayd in golaha wasiirrada Koonfur Galbeed xog laga siiyo tubaha qaranka si ay qaybtooda uga qaataan, isaga oo cadeeyay in dhammaan dawlad gobaleedyada xunbaha ka ah dawladda federaalka laga qayb gelinayo dhaqan gelinta Halbeegyada tubaha qaranka.

Howlaha xukuumadda ayaa lagu saleeyay afarta Tuboood ee kala ah Tubta horumarinta dhaqaalaha, tubta siyaasadda loo dhanyahay, tubta horumarinta arrimaha bulshada iyo tubta amniga iyo cadaaladda.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo faah faahiyay shir uu uga qeybgalay Tunisia

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kawar bixiyay Shirka wasiirada cadaaladda iyo arrimaha gudaha ee Jaamacadda Carabta oo lagu soo gabagabeeyay magaalada tuunis ee Dalkaasi Tunisia kaas oo Soomaaliya uu uga qaybgalay wafdi uu hogaaminayay wasiirka Cadaaladda.

Wasiirka ayaa sheegay in shirka looga hadlay arrimo badan oo muhiim u ah amniga iyo cadaaladda dalalka Carabta, islamarkaana Soomaaliya uu sigaar ah muhiim ugu ahaa,iyadoo qodobadii lagu soo qaaday shirkaa la islagartay in lagawada shaqeeyo oo dalalku iska kaashadaan arrimaasi.

Mr Xasan ayaa sheegay kulamo la qaatay qaarka mid ah wasiiradii ka qaybgalay shirka islamarkaana uu kala hadlay in Soomaaliya lagataageero arrimo badan oo amniga iyo Cadaalada ay ka mid yihiin.

“Waxaa uu ahaa shir muhiim ah waxaa la islagartay in dhamaan qodobada lagahadlay wadajir looga wadashaqeeyo dhaqangalintooda, waxaan sidoo kale kulamo gaargaar ah la qaatay mas,uuliyiin badanoo ay ka mid yihiin Xoghayaha Jaamacadda Carabta, wasiirka arrimaha gudaha Sacuudiga, wasiirada cadaaladda dalalka Tunisia, Sacuudiga,Algeria iyo kuwa kale dhamaan waxaan kala hadlay sidii Soomaaliya looga taageer ilahaa dhinacyo badan” ayuuyiri Wasiirka Cadaaladda XFS

Duqa Muqdisho oo daah furay qorshaha horumarinta Qaranka ee Sagaalaad

0

Muqdisho (SNTV)—- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah furay Wadatashiga Qorshaha horumarinta Qaranka ee sagaalaad oo lagu qabtay Xarunta D/Hoose ee Muqdisho, si maamulka Gobolka Banaadir ugu darsardo wixii talo iyo tusaale ah.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa sheegaay in maamulka Gobolka Banaadir uu ahmiyad gaar ah siinayo qorshaha horumarinta Qaranka, bacdamaa bulshada Caasimaddu ay waligood u taagnaayeen midniada, wadajirka iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa balan-qaaday ka maamul ahaan in kaalintooda ay ka qaadanayaan sidii uu qorshahani u noqon lahaa mid taabagal ah, kuna dhisan aragtida iyo baahida bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, sida ay uga go’an tahay in qorshahan lagu saleeyo rayiga qeybaha bulshada ee kala duwan, iyadoo wadatashiyadan lagu soo qabtay gobolada dalka.

Qorshaha Horumarinta Qaranka ayaa arrimaha ugu waaweyn ee uu diiradda saarayo waxaa ka mid ah dhimista fakhriga, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dawliga , hirgelinta nidaam siyaasadeed loo dhan yahay xoojinta sharciga, garsoorka iyo amniga.

Wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga oo la faray in ay adeegsadaan cinwaannada rasmiga ah ee dowladda

0

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa sheegay in wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga laga doonayo in ay ka shaqeysiiyaan barahooda internetka, isla markaana ay adeegsadaan emailo laga sameeyay xafiisyada ay maamulaan oo leh astaanta .gov.so ee u gaarka ah isticmaalka hay’addaha dowlada ee federaalka ah.

Wasiir Cabdi Cashuur Xasan oo arrimahan ka hadlayay ayaa sheegay in Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ay ka caawineyso wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee federaaliga ah sidii ay u sameysan lahaayeen baro internet oo ay dadweynaha ugu soo bandhigaan howlaha dowladda iyo wacyigelinta.

Isaga oo ka hadlayay arrimaha emailada, wuxuu wasiirku ku adkeeyay wasaaradaha iyo hay’adaha kale in ay adeegsadaan astaanta (.gov.so) si loo muujiyo muuqaalka iyo haybadda dawladnimo, looga hortago xiriirrada been-abuurka ah, isla markaana xafiisyada looga tago dhaxal, halkii mas’uulku cinwaankiisa gaarka ah kula tagi lahaa xiriirrada shaqo, taas oo dib-u-dhac u keeni karta howlaha xafiisyada.

“Dhammaan wasiirrada, wasiiru-dawlayaasha, ku-xigeennada, agaasimeyaasha guud iyo agaasime waaxeedyada waxaa loo sameeyay emailo ku saleysan xafiisyadooda, sidaas darted waxaa laga codsanayaa inay hawlahooda u adeegsadaan emailadaas, oo aan la isticmaalin email gaar ah, cinwaannadaasna lagu wareejin doono cidda xafiiska ay ku wareejinayaan,” ayuu yiri wasiirku.

Marka laga reebo isticmaalka, wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda waxaa laga doonayaa in cinwaannada loo isticmaalo warqadaha sumadeysan (letterheads), war saxaafadeedyada, boorarka xayeysiinta, ogeysiisyada warbaahinta, xayeysiinta shaqooyinka, kaarka business Card-ka, iyo dhammaan howlaha rasmiga ah ee dowladda in lagu isticmaalo emailada leh astaanta dawladda.

Ra’iisul wasaaraha dalka, Md. Xasan Cali Kheyre, oo kulanka ka hadlay ayaa ku adkeeyay wasaaradaha in ay isticmaalaan cinwaannada dawladda, lana joojiyo isticmaalka kuwa gaarka ah.

Soomaaliya oo la wareegtay shir guddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta

Muqdisho (SNTV)—Dowladda Soomaaliya ayaa shalay la wareegtay kaltanka 151aad ee madaxtinimada xilligan ee Jaamacadda Carabta,iyadoo Muddo 6 bilood ah ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah haynaysaa guddoominta.

Warka ayaa intaas ku daraya in muddada ay Soomaaliya heyso shir guddoonka golaha wasiirada Jaamacadda Carabta la qorsheynayo in shirmadaxeedka golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta lagu qabto magaalada Muqdisho.

“Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ula wareegeysaa shirguddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta, kulankiisa 151,aad, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay soo celinaysaa maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd dunida si shirarka iyo shir madaxeedyada loogu qabto Caasimadda Muqdisho” ayaa lagu yiri warbixin kooban oo lagu qoray bogga Twitter ee xafiiska warfaafinta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Tallaadabadaan ayaa qeyb ka ah horumarrada dowladda Soomaaliya ka sameeysay dhinaca diblumaasiyadda iyo iskaashiga Caalamiga ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo Dalka dib ugu soo laabtay

0

Muqdisho (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro uu ku tagay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nayroobi.

Wadahadalladii Magaalada Addis Ababa ku dhaxmaray Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxay isla garteen soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya in muhiim u tahay guud ahaan gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nayroobi halkaas oo maanta ay ku kulmeen Madaxwaynaha kenya.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya,iyagoo ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal