Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Xuska Sanadguuradda 59-aad ee Ciidanka Xoogga dalka

Date:

 Abriil 11, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda oo maalinta berri ah u dabbaal-degaya sannad guuradii 59-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay.

Madaxweynaha oo munaasabadda xuska maalintan kaga qayb galay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in si dardar leh ay u socdaan howlaha dib u dhiska ciidanka, tallaabooyin muuqdana loo qaaday tirakoobka, tayaynta iyo taageero u raadinta ciidanka.

“Haddii aan helno tayada iyo tirada ciidanka, haddii aan helno tirakoob sax ah, waxaan heleynaa taageerada caalamka iyo taageerada shacabka, Shabaabna hal maalin ma istaagi karaan oo waa xaqiiqo, hal saacad ma wajihi karaan Ciidamada Qalabka sida.”

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in niyad dhiska iyo garab istaagga ciidanka iyo in ay hoggaan fiican helaan ay ku xiran tahay guusha laga filan karo, wuxuuna ku ammaanay taliyeyaasha ciidamada in ay wax badan ka qabteen dib u habeynta hannaanka loo maamulo dhaqaalaha ciidanka, lana sameeyay nidaam ay si toos ah ugu heli karaan xuquuqdooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in cadowga argagixisada ah ay ka dulqaadaan dadkeenna, kana xoreeyaan dalka, arritaasna ay Dowladdu ka leedahay qorshe cad oo muddo la diyaarinayey.

“Ciidanka waxaan u tababareynaa qaabka ay u dagaallamaan, waxaana hubaa muddo yar oo kooban in aan ka adkaanayno, sidii hore ee aan ula dagaalayney Xamar markii laga bixinaayay sax bay ahayd, maxaa yeelay iyaguna dhufeysyo ayay ku jireen, innaguna dhufeysyo laakiin hadda qaab ka duwan oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ayay u dagaallamaan, marka waa in loo helo ciidan noocaas u tababaran.”

Madaxweynaha ayaa dul istaagay taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kaalintii ay ku lahaayeen gobonnimo doonka Qaaradda Afrika, iyaga oo door muuqda ka qaatay dhismaha ciidamada dalalkii xilligaas duruufaha adag ku jiray.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey saraakiishii soo hoggaamisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed doorkii ay ka soo qaateen tayeynta iyo kor u qaadista sumcadda uu leeyahay ciidankeennu, isagoona ku saraakiishaas, inta haatan ka joogta, ku dhiirrigeliyay dardargelinta kaalinta ay ku leeyihiin dib u dhiska ciidanka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...