Safaaradda Soomaaliya ee Sudan oo Soomaalida dalkaasi ku nool ugu baaqday inay muujiyaan Taxadar dheeraad ah.

Date:

Khartoum (SNTV)– Safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay Magaaladda Khartoum ee dalka Sudan  ayaa ugu baaqday Soomaalida ku nool dalkaasi inay muujiyaan Taxadar dheeraad ah, ayna ka foggaadaan goobaha ay dadku isugu yimaadaam.

Halkaan hoose ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay  Safaaradda.

“Iyadoo la tixgalinayo xaaladda ka taagan dalka Suudaan, waxa ay ugu baaqeysaa Safaaradda JFS ee Khartoum guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkan in ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, ayna ka fogaadaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan”

 

 

Dhinaca kale Milatariga Dawladda Suudaan ayaa Bayaan ka soo saaray Xaaladda ka taagan dalkaasi,  waxaana Qodobada bayaankaasi ugu muuhiimsanaa:-

1-In lagu dhawaaqay Gole Ciidan oo haynaaya talada dalka muddo kumeel gaar ah oo labo sano ah.

2-In la laalay ku dhaqanka Dastuurka dalka.

3-In bandoow lagu soo rogay dalka muddo bil ah, iyadoona aan la ogalaanayin dhaq-dhaqaa dadka iyo gaadiidka 10:00-ka habeennimo ilaa 04:00 subaxnimo.

4-In xaalad deg deg ah oo 3-bilood ah lagu soo rogay dalka.

5-In la kala diray hannaankii Madaxtooyada, Golaha Xukuumadda, Goleyaasha Dowlad Goboleedyada.

6-In gacan adag lagu qabanaayo cid kasta oo dhibaato ku haysa amni iyo xasilloonida dalka.

7-In la sii daayey dhammaan maxaabiista siyaasadeed.

8-In la xiray dhammaan marrinnada laga soo galo, lagana baxo dalka Suudaan muddo 24 saac ah ilaa amar danbe.

9-Xabad joojin lagu dhawaaqay dhammaan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Waraaqaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub ee Dalka Aljeeriya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirka Guddiga Qaranka ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya go’aannadeeda siyaasadeed laguma gaari karo dibadda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Soomaaliya oo tacsi u dirtay Dowladda iyo Shacabka Aljeeriya

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa...