Safaaradda Soomaaliya ee Sudan oo Soomaalida dalkaasi ku nool ugu baaqday inay muujiyaan Taxadar dheeraad ah.

Date:

Khartoum (SNTV)– Safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay Magaaladda Khartoum ee dalka Sudanย  ayaa ugu baaqday Soomaalida ku nool dalkaasi inay muujiyaan Taxadar dheeraad ah, ayna ka foggaadaan goobaha ay dadku isugu yimaadaam.

Halkaan hoose ka Akhriso Qoraalka kasoo baxayย  Safaaradda.

โ€œIyadoo la tixgalinayo xaaladda ka taagan dalka Suudaan, waxa ay ugu baaqeysaa Safaaradda JFS ee Khartoum guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkan in ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, ayna ka fogaadaan goobaha ay dadku isugu yimaadaanโ€

 

 

Dhinaca kale Milatariga Dawladda Suudaan ayaa Bayaan ka soo saaray Xaaladda ka taagan dalkaasi,ย  waxaana Qodobada bayaankaasi ugu muuhiimsanaa:-

1-In lagu dhawaaqay Gole Ciidan oo haynaaya talada dalka muddo kumeel gaar ah oo labo sano ah.

2-In la laalay ku dhaqanka Dastuurka dalka.

3-In bandoow lagu soo rogay dalka muddo bil ah, iyadoona aan la ogalaanayin dhaq-dhaqaa dadka iyo gaadiidka 10:00-ka habeennimo ilaa 04:00 subaxnimo.

4-In xaalad deg deg ah oo 3-bilood ah lagu soo rogay dalka.

5-In la kala diray hannaankii Madaxtooyada, Golaha Xukuumadda, Goleyaasha Dowlad Goboleedyada.

6-In gacan adag lagu qabanaayo cid kasta oo dhibaato ku haysa amni iyo xasilloonida dalka.

7-In la sii daayey dhammaan maxaabiista siyaasadeed.

8-In la xiray dhammaan marrinnada laga soo galo, lagana baxo dalka Suudaan muddo 24 saac ah ilaa amar danbe.

9-Xabad joojin lagu dhawaaqay dhammaan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...