Washington (SNTV)ย โRaโiisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, iyo maamulaha USAID, Mark Green, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.
Kulanka labada masโuul ayaa waxaa la iskula soo qaaday ballaarinta iyo dardar-gelinta dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada, caaafimaadka, nafaqeynta iyo shaqo abuurka dhallinyarada.
Raโiisul Wasaare Khayre ayaa Mark Green u sheegay in Soomaaliya ay garowsan-tahay taageerada lixaaadka leh ee USAID iyo howlaha ay Soomaaliya ka waddo, isla markaasna loo baahan yahay in la sii ballaariyo.
Raโiisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga Washington ayaa kulamo joogta ah la leh deeq bixiyeyaasha caalamiga ah iyo masโuuliyiin kale oo ka qeyb galayay shirka caalamiga ah ee Guga oo ay ku kulmaan hayโadaha maaliyadda dunida.