Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Maamulaha USAID oo ku kulmay Washington

Date:

Washington (SNTV) –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, iyo maamulaha USAID, Mark Green, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa la iskula soo qaaday ballaarinta iyo dardar-gelinta dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada, caaafimaadka, nafaqeynta iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Mark Green u sheegay in Soomaaliya ay garowsan-tahay taageerada lixaaadka leh ee USAID iyo howlaha ay Soomaaliya ka waddo, isla markaasna loo baahan yahay in la sii ballaariyo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga Washington ayaa kulamo joogta ah la leh deeq bixiyeyaasha caalamiga ah iyo mas’uuliyiin kale oo ka qeyb galayay shirka caalamiga ah ee Guga oo ay ku kulmaan hay’adaha maaliyadda dunida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...