Home Blog Page 1078

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Haweenka.

0

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane XAsan Cali Khayre ayaa soo xiray shir-weynaha qaran ee haweenka Soomaaliyeed oo muddo saddex maalin ah ka socday magaalada Muqdisho.

Ra’iisulwasaare Kahyre ayaa tilmaamay kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin
qaranimada iyo dib-u-dhiska dalkeena.

“Dowlad ahaan waxaa naga go’an in aan xaqiijinno in haweenka la siiyo maqaamkooda si ay ugaaraan guulahooda. Marnaba iskama indha tiri karno doorka haweenka. Haddii maanta tirakoob la sameeyo, waxaan hubaa in ay haweenku ka badan yihiin 55%, sidaasi darteed waxaan u shaqeyneynaa in ay xuquuqdooda helaan” ayuu yiri ra’iisulwasaare Khayre oo khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka.

“Haweeney kasta oo halkaan fadhisa waa hoggamiye, marka laga soo billaabo guryahiina ilaa heer bulsho. Shaqsiyan waxaan ogahay doorka ay hooyadey ka qaadatay in aan noqdo maanta qofka aan ahay, waa macalinkeygii ugu horeeyay, waxay i bartay sidii aan u socon lahaa iyo sidaan u hadli lahaa. Cid aan hooyadey ku badallan karo ma jirto” ayuu raaciyay.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee ururada haweenka, siyaasiyiinta, mas’uuliyiin iyo haween bulshada dhexdeeda magac ku leh.

 

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono Kuwait oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga

0

Kuwait (SNTV)-Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Kuwait ayaa waxaa waraqaaha aqoonsiga ka guddoomay Boqorka wadanka Kuwait Shekh Sabah al Axmad Alsabah .

Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kuwait  Danjire Cabdullaahi Maxamed Odowaa ayaa si maamuus sare leh loogu soo dhaweeyay qasriga madaxtooyada ee dalkaasi.

 

Ra’iisul wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dawladda Ingiriiska usoo magacowday Soomaaliya.

0

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska ay u soo magacowday Soomaaliya Danjire Ben Fender.

Mudane Xasan Cali Khayre iyo danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacowday Soomaaliya Ben Fender ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada Dal.

Danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacowday Soomaaliya Ben Fender ayaa badalay Danjire Danjire David Concar, kaasi oo Muddo Xileedkiisa uu dhammaaday.

 

Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland oo Shir Guddoomiyey Kulan Looga Hadlayey Ka Hortagga Abaaraha Puntland

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlayey ka hortagga abaaraha Puntland.

Kulankan uu shir Guddoomiyey Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna, guddoomiyaha Guddiga abaaraha Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa qayb ka ahaa wafdi ballaaran oo ka socdey Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan oo uu hogaaminayey Maamulaha Afrika ee hay’adda Sacad Muhanna iyo guddiga abaaraha oo uu magacaabay Madaxweynaha Puntland, kuwaas oo ka kooban Wasaaradaha Caafimaadka, Degaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada, Wasaarada Arrimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dimquraadiyadda, Xanaanada Xoolaha, Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaa kaloo kulankan qayb ka ahaa Hay’adda Masiibooyinka Dabiiciga ah ee HADMA.

Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa si qoto dheer loo faaqiday xaaladda abaaraha Puntland iyo sidii looga hortegi lahaa Abaarta, waxaana warbixin guud laga dhagaystay madaxda Hay’ada Masiibooyinka dabiiciga ah ee Puntland, kuwaas oo soo bandhigay Abaarihii dhacay sanadihii danbe iyo saamaynta ay ku yeesheen deegaanada Puntland.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya.

Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka.

Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiye oo maanta kulan la qaadanaya Madaxweynaha Kenya

Muqdisho (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nayroobi.

Mudane Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa halkaas maanta wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatt.

Wadahadalladii Magaalada Addis Ababa ku dhaxmaray Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxay isla garteen soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya in muhiim u tahay guud ahaan gobolka.

Dhanka kale agaasimaha Warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Qaranka Abdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka ku sheegay in Kiiska ay gacanta ku hayso Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee BADDA wax gorgortan iyo wada hadal ah uusan ka furneen, isagoo intaa ku daray in waxii go’aan ah oo kiiskaas ku aadan laga war sugeya maxkamadda Cadaaladda Aduunka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xiriirka laba geesoodka kala hadlay dhiggiisa Masar

0

Cairo (SNTV):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad waxa uu maanta oo Talaado kula kulmay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar dhiggiisa Masar Sameh Shoukry.

Waxa ay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhow si loo sameeyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhammeystiran oo ka dhabaynaya danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah, sidoo kale waxa ay faaqideen arrimo muhiim ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiye oo ku wajahan dalka Kenya

0

March 5, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaw u ambabaxaya magaalada Nayroobi halkaas oo ay wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

Wadahadalladii u socday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor dhaw soo gabagaboobay, waxayna isla garteen in soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka.

Wadahadalladii ay madaxdu yeesheen gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa la isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka si loo abuuro jawi ganacsi iyo maalgashi oo waxtar u leh shucuubta gobolka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolku yeeshaan wadashaqayn xooggan iyo in arrimaha diblomaasiyadeed lagu xalliyo isfaham iyo wadahadal.

Madaxda labada dal ayaa ka wada hadlay sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland si loo xoojiyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa ugu danbayntii isla meeldhigay iskaashiga dhinaca Amniga ee dalalka gobolka iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo u taagan gumaadka shacabka aan waxba galabsan iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho oo Saxiixay Habraaca Iibka iyo Qandaraasyada Dowladda Hoose

0

05 Maarso 2019-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa saxiixay Habraaca Iibka iyo Qandaraasyada Dawladda Hoose ee Xamar iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in habraacani uu hagi doono Iibka iyo Qandaraasyada Dawladda Hoose, isagoo nidaaminaya hab-raaca bixinta qandaraasyada alaabta, dhismayaasha, adeegyada iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Eng. Yarisow ayaa xusay in habraacani uu waafaqsan yahay Iibka Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay habraac tilmaam u ah sida ay Maamulka Gobolka Banaadir uga go’an tahay in caddaalad lagu maamullo wax walba oo ka baxaya Dawladda Hoose.

“Habraacan ayaa suurto gelinaya maamul wanaag isla xisaabtan daah-furnaan iyo kalsooni beerista shacabka, bacdamaa ay xoojinayso caddaaladda sinnaanta iyo horumarka Caasimadda”. Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Sida ku qoran habraacan waxaa la dhisi doonaa Guddiga Iibka ee Dawladda Hoose oo masuul ka ah howlaha ku xusan habraacan, si ay u hubiyaan in qandaraasyada ka baxa Gobolka Banaadir ay shirkadaha soo dalbaday ugu tartamaan si caddaalad ah oo leh habraac ay ku kalsoon yihiin, taasoo fursad u ah ganacsatada.

Wasiir kuxigeenka Gargaarka&safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo deyniile gaarsiyay gargaar Dhar ah

0

Muqdisho (SNTV) Qoysaskan oo isugu jira danyer iyo barakacyaal oo kunool degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa fa faaidaytay mucaawino dhar ah oo dowladda walaalaha nahay ee Turkiga ugu talagashay dadkaasi iyadoo kaashanaysa wasaaradda Gargaraka iyo Maareynta musiibooyinka dowladda Soomaaliya oo mas’uuliyiinteedu goob joog ka ahaayeen.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Maxamed Yilmas ayaa sheegay in ay ugu talagaleen, in ay ku caawiyaan dadka danyerta ah,waxaana ay sheegeen in ay sii wadidoonaan caawinaadad dadka Soomaaliyeed.

Maxamed C/qaadir Cali Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha bulshada Degmada Deyniile ayaa ka mahadceliyay deeqdaasi,wuxuuna sheegay in ay waxbadan ka kaabi doonto dadkaasi danyerta ah,maadaama ay gar gaar u baahanyihiin markasta.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya  mudane C/rashiid Maxamuud Xasan ayaa ka hadlay dowrka Turkiga ee u gargaarista shacabka,wasiirka waxaa uu sheegay in Turkigu uu dowr muuqd aku leeyahay garab istaaga shacabka Soomaaliyeed,isagoo ku dhiirogeliyay in ay sii wadaan.

Dhanka kale mas’uuliyiinta ayaan kormeer ku tagay xero ay degan yihiin dad barakacyaal ah oo kunool teendhooyin ay u qeybisay wasaardda gargaarka.

Wasiir kuxigeenka ayaa halkaasi warbixin kaga dhageystay maamulka degmada Deyniile iyo barakacayaasah,wuxuuna xusay in ay dhawaan bilaabi doonaan wejigii 2-aad eek u aadan sidii dadkaasi loo caawin lahaa noloshooda.