Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ciidamada Xoogga dalka ugu Hambalyeeyay Sanadguurada 59Aad

Date:

Muqdisho (SNTV)ย Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Hambalyo u diray ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo maanta u dabaal dagaya sanadguurada 59 Aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

โ€œUgu horreyntii Anigoo ku hadlaya Magaca Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ย waxaan HAMBALYO, HAMBALYO, leeyahay ย dhammaan ciidanka XDS iyo qoysaskooda, waxaan idin kugu hambalyeynayaa Sanadguurada 59aad ee aas-aaskii ciidanka XDS. XDS waxuu leeyahay taariikh soo jireen ah oo ummadda Soomaaliyeed ay ku faani karaanโ€ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay tahay maalin qaali ah oo dalkeennu yeeshay ciidan difaaca jiritaankiisa iyo qaranimadiisa,

Munaasabada oo ku beegnayd 12 April ayaa loo soo horumariyay maanta oo khamiis ah 11-April 2019 sababta oo lagu sheegay in ay ku aaday Maalin Jimca ah ,sidaasi darteedna maanta ay ka socoto muqdisho xafladda lagu xusay Sanad-guurada aas-aaska Ciidanka xoogga Dalka taas oo ay ka qeyb-galayaan Madaxda ugu sareysa Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...