Muqdisho (SNTV):- Ku-simaha Raโiisul Wasaaraha ahna Raโiisul Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta arrimaha bulshada.
Kulanka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada ayaa looga hadlay dib-u-eegista xogta shaqaalaha dawladda iyo soo ban-dhigidda wax-qabadka tubta sedaxdii bilood ee ugu horreeyay sannadka 2019.
Raโiisul Wasaare ku-xigeenka dalka ahna ku-simaha Raโiisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa faray dhammaan wasaaradaha iyo hayโadaha halbeegyada ku leh tubta in ay dardar-geliyaan fulinta qorshayashaa hor-yaalla ee hor-tebinta leh.