Duqa Muqdisho oo sheegay in lala Xisaabtamayo Askarta Dilalka u geysta Darawalada Bajaajta

Date:

Abriil 13, 2019—Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka tacsiyeeyey labo muwaadin oo Ciidanka Booliska ay ku dileen Muqdisho ayaa sheegay in gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaalada uu laf-dhabar u yahay nolosha bulshada Caasimadda, gaar ahaan dhalinyarada iyo dadka dan’yarta ah ee ka soo saarta nolol maalmeedkooda, sidaas daraadeedna aan loo qiil dayeyn wax walba oo dhibaataynaya, waxuna dhinacooda ka codsaday in la ilaaliyo shuruucda, lalana shaqeeyaa ciidamadda amniga.

Guddoomiyaha oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/G Bashiir Cabdi Maxamed ayaa kula hadlayay Isgoyska Bakaaraha dhalinyaro bannaanbaxayay, ayaa sheegay in ay jawaab deg-deg ah ka sugayan Taliska Booliska, loogana baahan yahay in gacan adag ay ku qabtaan cid kasta oo muwaadiniinta dhibaateynaysa.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay banaanbaxayaasha in xaaladda ay dajiyaan, isla markaana Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu qaaday tallaabo looga jawaabayo falkaas, iyadoo xabsiga la dhigay taliyihii xukumayay Ciidanka dilka geystay.

“Waxaan idinka rabnaa in aad la shaqeysaan ciidamada amniga, haddaan amni la helin Bajaaj ma socon karto, ka maamul ahaana waxaa diyaar u nahay cid walba oo dhibaato idiin geysata inaan la xisaabtano oo ilaalino xuquuqdiina.”

Sidoo kale, Duqa Muqdisho iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa booqday qoysaska ay ka baxeen labada Marxuum ee dilka loo geystay, waxayna balanqaadeen in askarigii dilka ka danbeeyey caddaaladda la horgeyn doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...