Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ku-xigeenka Xog-hayaha Difaaca Mareykanka

Date:

Washington (SNTV):- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington kula kulmay ku-xigeenka Xog-hayaha Difaaca Maraykanka, David L. Norquist.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha ay dawladda Soomaaliya ugu diyaar garoobayso la wareegidda amniga dalka iyo kaalinta dawladda Mareykanku ka qaadanayso dhismaha hay’adaha amniga Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dawladda Mayreykanka uga mahad celiyay taageerada ballaaran ee ay dawladda Soomaaliya ka siiso la dagaallanka argagaxisada.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada uu Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa kula qaadanayo mas’uuliyiinta dalka Mareykanka oo uu booqasho ku joogo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...