Waa kuma Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha?

Date:

Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa maanta wareegto rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre loogu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha. ayaa wuxuu ka mid yahay aqoonyahanadii waxgalka ahaa ee wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaliya 1991 u istaagay dhinaca horumarinta bulshada rayidka ah iyo u adeegida shacabka Soomaaliyeed ee ay aafeyeen dagaalada sokeeye, dowlad la’aanta, fatahaada, abaaraha iyo gaajada isagoo ku howlanaa gargaarka beni’aadinimada iyo samatabixinta bulshada dhibaateysan 20 sano ee la soo dhaafay.

Waxbashadiisa asaasiga iyo mida sare wuxuu kusoo qaatay magaalada Muqdisho, halka waxbarashadiisa jaamacadeed uu ka qalin jabiyay Jaamacadda State University Of New York ee Suny Albany, wuxuuna macallin uu kasoo noqday jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed oo ay isaga iyo aabihiis macallimiin ka wada ahaayeen allaha u naxariistee Prof. Cali Xasan.

Laga soo bilaabo sanadkii 1990 ilaa iyo hadda waxa uu ku howlanaa u gargaaridda dadka Soomaaliyeed ee dagaalada iyo abaaraha saameeyeen. wuxuuna mudooyinkii u danbeeyay ahaa agaasimaha Hay’adda Waxbarashada iyo Hormarinta ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano CED oo ah hay’ad maxalli ah oo ka shaqeeysa arimaha gargaarka bani’aadanimada.

Mudadii aadka u fogeyd wuxuu ku lug lahaa arimaha samafalka iyo gargaarka bani’aadanimada Eng. Cabullahi Cali Xasan waxa uu wax la taaban karo u qabtay shacab farabadan oo Soomaaliyeed oo aad u liitay kuwaaasi oo u badnaa haween, caruur iyo dad da’ ah.

Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa lagu yaqaan inuu yahay hoggaamiye nadiif ah oo la imaan kara isbedel muuqda iyo horumar howsha loo igmaday. Waa aqoonyahan qunyarsocod ah, howlkar ah, go’aan qaadasho leh oo balamadana ku fiican wuxuuna ka tirsan yahay bulshada rayidka ah.

Dadka yaqaan Aqoonyahankaan ayaa ku sifeeyey in uu yahay shaqsi isku darsaday diin jacayl, wadaninimo, daacadnimo, hoggaan suuban, aqoon iyo howlkarnimo waxyaabaha lagu soo xushayna ay u badan yihiin intaas.

Waa shaqsi waayo arag ah, bisayl siyaasadeed iyo mid aqooneed intaba u leh maamulka iyo hoggaaminta, isla markaana isku darsaday khibrad maamul iyo mid hoggaamineed oo waqti dheer ah.

Ugu danbeyntii, Eng. C/llaahi ayaa waxaa uu ka mid ahaa murashaxiintii madaxweyne ee 2017-kii, balse u tanaasulay isagoo eegaya danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo xiligii lagu jiray ee kala guurka.

Xigash: Cali Muhiyaddiin Cali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...