Wasiir Cabdirashiid Xasan ”Dalka Abaar Dhibaatadeeda Wadato ayaa ku soo socoto”

Date:

SNTV:- Wasaaradda Gargaagarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dawladda Soomaaliya iyo Wasaaradaha Gargaagarka ee Dowlad Goboleedyada oo ku shiray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalku galayo Abaarro aad u daran sida saadaashu sheegeyso  loona baahan yahay in arrintaas laga hortago.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiiibooyinka Cabdirashiid Xasan ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ugu sareysa arrintan ay Baaq ka soo saari doonaan.

“Waxaa arrintan baaq kasoo saari doona Madaxda Dowladda ugu sareysa sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxaan kuu sheegi karaa hadda in dalka abaar dhibaatadeeda wadato ku soo socoto taasna waxa kaliya oo aan u baahanahay ayaa ah in aan ka hortagno”.

Wasiirka Gargaarka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa tilmaamay in Koonfur galbeed tahay meelaha ugu badan oo dadka abaartu ku saameysay.

“Koonfur Galbeed waa meelaha ugu badan oo dadku abaartu ku saameyso magaalada Beydhabo waxaa jooga Barakacayaal ka badan dadka deegaanka ah”.

Wasiirada waxaa ay ugu baaqeen Ganacsatada iyo dadka wax heysta in arrintan sidii looga gaashaaman lahaa gacan ay ka geystaan.

Xilli roobaadkii guga ee laheli jiray Bilahan ayaana wali la helin waxaana dhibaato xoogan kasoo yeereysaa dadka reer guuraaga ah ee deegaanadooda wali uusan roobkii guga uu san ka da’in.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...