Wasiir Cabdirashiid Xasan โ€Dalka Abaar Dhibaatadeeda Wadato ayaa ku soo socotoโ€

Date:

SNTV:-ย Wasaaradda Gargaagarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dawladda Soomaaliya iyo Wasaaradaha Gargaagarka ee Dowlad Goboleedyada oo ku shiray Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegayย in dalku galayo Abaarro aad u daran sida saadaashu sheegeysoย  loona baahan yahay in arrintaas laga hortago.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiiibooyinka Cabdirashiid Xasan ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ugu sareysa arrintan ay Baaq ka soo saari doonaan.

โ€œWaxaa arrintan baaq kasoo saari doona Madaxda Dowladda ugu sareysa sida Madaxweyne Farmaajo iyo Raโ€™iisul Wasaaraha dalka, waxaan kuu sheegi karaa hadda in dalka abaar dhibaatadeeda wadato ku soo socoto taasna waxa kaliya oo aan u baahanahay ayaa ah in aan ka hortagnoโ€.

Wasiirka Gargaarka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa tilmaamay in Koonfur galbeed tahay meelaha ugu badan oo dadka abaartu ku saameysay.

โ€œKoonfur Galbeed waa meelaha ugu badan oo dadku abaartu ku saameyso magaalada Beydhabo waxaa jooga Barakacayaal ka badan dadka deegaanka ahโ€.

Wasiirada waxaa ay ugu baaqeen Ganacsatada iyo dadka wax heysta in arrintan sidii looga gaashaaman lahaa gacan ay ka geystaan.

Xilli roobaadkii guga ee laheli jiray Bilahan ayaana wali la helin waxaana dhibaato xoogan kasoo yeereysaa dadka reer guuraaga ah ee deegaanadooda wali uusan roobkii guga uu san ka daโ€™in.

ย ย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...