Wax ka baro Taariikh nololeedka Halgamaa Marxuum Cali Cumar Shegow

Date:

SNTV:-Marxuum Cali Cumar Sheegow wuxuu dhashay 20 july 1924, wxuuna ku dhashay deegaanka Mareeg Soomaaliya. wuxuuna ku soo barbaaray kuna soo bartay Qur’aankanka Kariimka degmada Baraawe.

1941 – 1949:  Qabsahadii Ingiriiska ee Koonfurta Soomaaliya Sheegow wuxuu ka mid noqday ciidamada Booliiska ee Ingiriiska oo loo yaqaaney Somali Gendarmery  Field Force, isagoo ka gaarey derejada seddex xarigle (inspector)  wuxuuna noqday taliyaha saldhigga Booliiska ee Orientale Xamar, Beled-weyne iyo Buula Burde.

1950: Waxaa bilowday maamulkii Talyaaniga (Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia-UN Trusteeship) oo loo yaqaaney AFIS.

1950 – 1952 Waxa uu ka mid noqday ardeydii dhiganeysay macadka siyaasada iyo maareynta (Scuola speciale di preparazione Politico Amministrativo) oo seddex sano lagu qaadanayay Somaaliya, halka sano ee kalana wadanka Talyaaniga iyadoo uu ku qaatey shahaadada darajada koowaad BA- Political Sceince

1955–1956 Waxaa loo magacaabey Duga ama dhiisiiga Bulo Burte (Commisario distrectuale  di Bulo Burte)

1956–1958 Waxaa loo magacaabey barasaabka gobolka Bari (Governatore Regione della Migiurtinia- Bosaaso)

1958–1960 Waxaa loo magacaabey guddoomiyihii gobolka Banaadir  iyo Gudoomiyaha Olimbikada Soomaaliyeed.

1 Luulyo 1960 waxaa lagu dhawaaqey xoriyadda koonfurta Soomaaliya oo ku jirtay gacanta Talyaaniga (AFIS) isla markaana waxaa lagu dhawaaqey in ay isku darsameen labadii gobol Waqooyi iyo Koonfur

1960–1961: Waxaa loo magacaabey agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibada ee dowladii ugu horeysay Somalia.

1962–1964 Wuxuu noqday safiirkii Somaliya ee ururka dhaqaalaha yurub (Eurooean Economic Community-(EEC) ee xaruntiisu ahayd Biljimka.

1964 Waxaa loo doortey barlamaankii sedexaad (3 Asemblea  Legislativa). 1964 waxaa loo magacaabay wasiirka Garsoorka, 2 bil Kadib Wuxuu noqday wasiirkii qorsheynta qaranka ee markaas uu isagu aas aasay, kadib markii howshaas uu u xilsaaray  Ra’iisul wasaarihii soomaaliya ee xiligaas C/risaaq Xaaji Xuseen.

1966 -1967 : Waxaa loo magacaabey wasiirka Maaliyada iyo lacagta (Finanza)

Xiligii dowladii Aadan Cabdulle Cusmaan eey dhamaatay waxaa dhacay dooraahadii 10 June 1967 madadaxweynimada waxaa ku guuleystay Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo noqday Madaxweynaha Soomaaliya wuxuuna Maxamed Haji braahim Cigaal u magacaabay Ra’iisul wasaaraha Dalka.

1967 -1968: Waxaa loo magacaabey wasiiru- dowlaha arimaha dibadda Soomaaliya.

1968 – 1969: Waxaa loo magacaabey wasiirka beeraha iyo daaqa.

1969 xilligii doorashadii cusbeyd wuxuu noqday xildhibaan matalaya deegaan doorashadiisa oo ahayd Baraawe.

Xilgaasna waxaa dhacay inqilaabkii October 21  1969 dowladii ratidka aheyd halkaaseey ku dhamaatay

Intii intaas kadambeysay Wuxuu noqday oday soomaaliyeed oo u taagan midnimada iyo horumarka soomaaliyeed.

Guud ahaan Xilalka wasiirnimo ee uu soo qabtay ama loo magacaabay Allaha-unaxariistee Marxuum Cali cumar Sheegoow waxaa ka mid ahaa:

Wasiirka arimaha diinta iyo Garsoorka

Wasiirka Wasaaradda qorshaynta

Wasiirka maaliyadda iyo lacagta

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha dibedda

wasiirka wasaaradda beeraha iyo daaqa.

Aagisamaha guud ee wasaarada arimaha dibadda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...