Home Blog Page 1061

Wafdi Ka Socda Ha’yadaha U Xilsaaran Dib-U-Eegista Dastuurka oo Gaaray Kismaayo

Kismaayo (SNTV)–Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo siihayaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ahna wasiir ku xigeenka Dastuurka Dr. Hussein Abdi Elmi oo ay wehliyaan Guddoonka Guddiyada Dastuurka heer federal iyo heer Dowlad Goboleed iyo Wasaaradaha Dastuurka Dowlad Goboleedyada ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wafdiga waxaa soo dhoweeyay Wasiirka Dastuurka Jubbaland Cumar Maxamed Cabdi, gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Jubbaland Aadan Khaliif iyo wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Jubbaland.

Ujeedada wafidigan ay u yimeedeen Kismaayo ayaa ah in kulan hordhac ah oo ku saabsan sidii loo bilaabi lahaa Latasha dadwaynaha ee dastuurka ay isla meel dhigaan dowlad goboleedyada iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha Dib-u-Eegista dastuurka gaar ahaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed iyo latashiyada dadwaynaha ee cutubyada Dib-u-Eegista lagu sameeyay.

Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka jubbaland Aadan Khaliif oo wafdiga ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee kismaayo ayaa bogaadiyay booqashada hay’adaha u xilsaaran dib-ueegista dastuurka oo kala ah wasaaradda Dastuurka, Guddiga la socodka iyo Guudiga Madaxabanaan iyo sidoo kale wasaaradaha iyo guddiyda dastuurka Dowlad goboleedyada ay ku yimaadeeen magaalada kismaayo.

Dhanka kale, sii hayaha wasiirka Wasaradda Arrimaha Dastuurka ahna wasiir ku xigeenka dastuurka XFS oo hogaaminaayay wafdiga ayaa uga mahadceliyay madaxda Jubbaland Soo dhowaynta wanaagsan, waxa uuna sheegay in magaalada kismaayo ay u yimadeen in ay ku qantaan kulan u dhexeeya hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista dastuurka iyo wasaraadaha iyo guddiyada dastuurka dowlad goboleedyada si loo dadrdar geliyo howlaha dib-u-eegista dastuurka isla markaana loo bilaabo latashiga cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay kuwaas oo lagu qaban doono gobolada dalka oo dhan bishan April.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay gudoomiye ku xigeenka Guddiga madaxa bannaan ee dib-ueegista iyo hirgelinta dastuurka Muumino Sheikh Cumar, iyo gudoomiyaha Guddiga Lasocodka baarlamaanka Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” iyagoo ka mahadceliyay soo dhowaynta loo sameeyay sheegayna in ay howsha dib-u-eegista dastuurka ay tahay howl u baahn in ummadda Soomaaliyeed ay ka wada qayb qaataan.

Maanta oo axad ah taariikhdu tahay (07/04/2019) ayaa lagu qaban doonaa magaalada kismaayo kulan muddo saddex maalin ah socon doona oo loogu soo bandhigo doono dowlad goboleedyada cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay islamarkaana looga hadli doono sidii la iskula jaanqaadi lahaa oo loo samayn lahaa la tashiyada dadwaynaha ee dastuurka si loo dhamaystiro geedi socodka dastuurka.

Ciidamada amniga oo la wareegay keydkii hubka Alshabaab

Muqdisho (SNTV)- Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in howlagaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay duleedka Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose lagu soo qabtay hub iyo waxyaabaha qarxa.

 

Jen. Zakiya oo xalay shir jaraa’id ku qabatay Xarunta Booliska ayaa sheegtay in deegaanka Ceelasha Biyaha lagu qabtay hub fara badan, sida bambooyin, miinooyin, suumanka qaraxyada iyo agabyo kale oo lagu aasay god ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha.

Waxaa ay sheegtay inuu ahaa keydkii ugu weynaa ee hubka maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab ay laheyd oo lagu qabto duleedka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Taliye kuxigeenka Booliska ayaa sheegtay in illaa 35 ruux oo ka tirsan Al-Shabaab laga soo qabtay degmada Afgooye, halka 14 kalena laga soo qabtay deegaanka Sabiid ee duleedka Afgooye.

Ugu dambeyn Holwgalada ayay sheegtay inay sii socon doonaan, isla markaana  Maleeshiyaadka naflacaariga Al-shabaab looga daba tegi doono meel walba oo ay galaan, si dalka looga ciribtiro cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea Mudane Cismaan Saalix iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas Mudane Yemane Gabreab ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiirka iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas ayaa maanta wada hadallo kula yeelan doonaan Villa Soomaaliya Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wafdiga waxaa Garoonka Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad.

Maamulka Gobalka Hiiraan oo faah faahiyey howlgallo ka dhan ah argagixisada iyo duqeymo laga fuliyay Gobalka

Hiiraan (SNTV)-Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed Taakooy, oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka socdaan qeybo ka mid ah Gobolka, ayna jiraan duqeymo xagga cirka ah oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

 

Cabdiraxiin Muxumed Taakooy ayaa sheegay in guud ahaan xaalada amniga ee Gobolka ay tahay mid degan, ayna jiraan qorsheyaal lagu xoojinayo ammaanka, si looga hortago falalka ay argagixisada ku doonayaan inay ku dhibaateeyaan shacabka, isagoo intaa ku daray in duqeymihii ugu dambeeyay ee laga fuliyay Gobolka lagu dilay maleeshiyaad dhowr ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

“Duqeymaha waxa ay ka dhaceen dhanka Koonfur Galbeed iyo waqooyi bari  goobo kaga beegan Beledweyne oo ah meelo looga shakisanyahay inay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada, duqeymaha waxa ay ahaayeen kuwa bartilmaameed ku socday,  qasaaro badan ayaana loogu geystay argagixisada, lamana xadidi karo tirada looga dilay maleeshiyaadka Al-Shabaab” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Hiiraan ayaa tilmaamay in magaalada Beledweyne ay ka socdaan howlgallo amni xaqiijin ah si looga hortago dhagarta ay maleegayaan Argagixisada, isagoo shacabka ku booriyay inay sii labo jibaaraan la shaqeynta laamaha ammaanka ee Gobolka.

Madaxweynaha JFS oo bogaadiyey Howlgalada ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaaddii Jimcaha keddib ka hadlay Masjidka Shuhadada ee Villa Somalia ayaa bogaadiyay hawlgallada ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo garab istaagga ay shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen hawlgallada socda.

 

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in hadafka Howlgalada socda ay yihiin in lasoo afjaro cadowga Umadda Soomaaliyeed ee isku daya mar waliba dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed iyaga oo aan kala soocin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Amniga uu yahay muhiim islamarkaana loo baahanyahay in Umadda oo dhan ay kawada qeyb qaataan oo lagu gacan siiyo ciidamada Amniga.

“Baryahaan Dambe Ciidamadeenu wey howlgaleen, Dhowr bare ayey ka qabteen Cadowga Argagixisada ah ee Khawaarijta ah oo ay kasoo gudubsan jireen waxyaabaha Qarxa si Muqdisho u keenaan oo ay ugu laayaan Umad fara badan hanta badana ay ku bur buriyaan, Macanaheedu waxey tahay anagoo dhan iyo shacabka Soomaaliyeedba waxey Argagixisadu noo arkaan Cadow”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Amniga uu yahay mid kawada dhaxeeya Umadda islamarkaana loo baahanyahay in si wadajir ah looga shaqeeyo, waxaana uu tilmaamay in waajib ay tahay in ciidanka Amniga looga mahad celiyo dadaalada xoogan oo ay wadaan.

 

Golaha wasiirada oo markale ka shiray Amniga dalka

0

Muqdiso (SNTV)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay Muqdisho ku yeesheen Kulan aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda amniga dalka.

 

Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa warbixin looga dhagaystay guddiga amniga ee dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u magacaabay in ay kasoo talo bixiyaan qorshaha sugidda amniga Caasimadda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay heshiiska Caymiska ee ay wada galeen dawladda Soomaaliya iyo Hay’adda Damaanadda Darafyada Badan (MIGA)

 

Ciidamada Amniga oo xiray hawlwadeen argaggixiso oo Gawaarida ku xira Qaraxyada

Muqdisho (SNTV)-Howlgal ay Ciidamada Amnigu fuliyeen shantii bushan April ayaa lagu soo qabtay Hawlwadeen argaggixiso ,kaas oo ahaa mid argaggixisada u qaabilsan ku xirista Walxaha Qarxa ee gaadiidka si uu waxyeelo u gaysto.

 

Hawlgalku wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana uu qaatay muddo saacado ah sidii loo qorsheeyay ayuuna udhacay, iyadoo aanu dhicin wax khasaare ah.

Ciidamada ayaa daba socday xogo sirdoon oo ay ka heleen ilo muhiim u ah taas oo suurta galisay qabashada dhagar-qabahan.

Waa qayb ka mid ah dadaalka Naf badbaadinta ah ee Ciidamadu ay ku baacsanayaan dhagarqabayaasha utaagan daadinta dhiigga Shacabka.

Tallaabadaan ayaa imaanaysa xilli Ciidamada Amnigu ay Caasimadda iyo Gobolladaba ka wadaan howlgal baaxad leh oo guri iyo geedba looga raadinayo argaggixisada Al-Shabaab iyo xulufadooda.

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo qalab xafiiseed ku wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta

0

Muqdisho (SNTV)-Xafiiska Hanti dhowraha guud ee Qaranka ayaa maanta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ku wareejiyay gabi ahaanba Qalab xafiiseedyadii ay ku shaqeynayeen xafiisyada waxaana ka mahad celiyay taliska Asluubta.

 

Sida uu qorshuhu yahay waxaa dhisme lagu sameyn doonaa maalmaha soo socda dhismaha xafiiska Hanti- dhowrka guud ee Qaranka oo si casri ah loo qalabeyn doono isla markaana qorshuhu yahay inuu noqdo mid bilic wanaagsan sidaas daraadeed ayaa qalabkii xafiiska maanta lagu wareejiyay taliska Asluubta.

Mas’uuliyiinta xafiiska hanti-dhowraha guud ayaa sheegay in muhiimadu tahay in Qalabkaan oo isugu jira mid cusub iyo mid xafiisyada yaalay lagu wareejiyo Taliska Asluubta taasina ay qayb ka tahay iskaashiga labada hay’ad iyo in la xoojiyo wada shaqeyntooda.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Jeneraal Cabdikariin Cali Afrax ayaa uga mahad celiyay mas’uuliyiinta Xafiiska hanti dhowraha guud qalab xafiiseedka ay ku wareejiyeen, waxaana uu xusay in wax badan uu qalabkani u tari doono bilicda xafiisyada Taliska.

“Xafiiska Hanti-dhowraha guud si wanaagsan buu noola shaqeeyaa waan u mahad celinayaa mas,uuliyiinta runtii madaxda Xafiiska waan uga mahad celinayaa anigoo ku hadlaya magaca Taliyaha Ciidanka Asluubta waa agab muhiim ah talisku waxaa uu ku talo jiraa in wax soo saarkiisa uu kordhiyo oo uu wax badan ka qayb qaato wax soo saarka dalka”ayuu yiri Taliye xigeenka.

Tartanka Ciyaaraha Fudud oo maanta lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho (SNTV)- Tartankan Oradka Gaaban ee (Marathon) oo lagu xusayay maalinta horumarinta Ciyaaraha iyo Nabadda Aduunka iyo maalinta Ciyaartooday Soomaalliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa soo qabanqaabiyay Tarnkaan Wasaaradda Dhalanyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, iyadoo uu martigeliyay maamulka Gobolkani Banaadir.

Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalay Ciyaartooy laga soo kala xulay 17 degmo ee Gobolka Banaadir oo isugu jira wiilal iyo gabdho,kuwaasi oo soo bandhigay tartan cajiib ah,waxaana furitaanka goob joog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxmed Diiriye.

Kaalinta koowaad waxaa galay Cabdinuur Maxamed Garaad oo ka socday wiilasha degmada Kaaraan,halka kaalinta labaadna ay gashey Ikraan Maxamed Xuseen oo ka socotay gabdhaha degmada Boondheere.

Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo ay wehliyaan masuuliyiinta Olombikada iyo Ciyaaraha ayaa dhiirogeliyay dhamaan dhalinyaradii ka qeybqaadatay.

tartanka oo sanadkiiba 5 April mar la qabto ayaa Soomaaliya lagu qabanaya sanadkii 2-aad tan iyo markii ay burburtay dowladii Dhexe ee Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgallo ka sameeyey nawaaxiga degmada Jamaame

Kismaayo (SNTV)- Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Komaandooska Danab iyo ciidanka Jubbaland oo iskaashanaya ayaa saakay hawlgallo ka sameeyay deeganada Jiinka Wabiga ee hoos taga degmadda Jamaamme.

Aroortii hore ciidanka waxaa ay dagaal kula wareegeen tuulada malayley oo kaabiga ku haysa degmadda Jamaamme ee gobolka Jubbada Hoose.

Goobta lala wareegay waxaa ay xarun ay ku dhuuntaan u ahayd kooxda argagixisadda Al-Shabaab, ayadoo la rumeysan yahay in ay ku hagaajin jireen walxaha Qarxa sida Miinoyinka wadadada la dhigo oo ay dadka shacabka ku dhibaateeyaan.

Goobtan laga xoreeyay cadawga  iyo xarumo kale oo gediga kale ee Wabiga ahba waxaa si buuxda gacanta ugu haya ciidanka xoogga dalka iyo Kuwa Jubbaland ee isku garabsanaya la dagaalanka kooxda argagixisadda Al-Shabaab ee uu gabalkooda dhacay.