Maamulka G/Shabeellada Hoose oo bilaabay dib u dhiska Deegaanadda Sabiid iyo Caanoole

Date:

Sabiid iyo Caanoole ayaa hada waxaa ka socdah dadaalo dib loogu soo celinayo goobah aas aasiga ah sida  Isbitaalada Xaruumaha Waxbarshada ,dugsiyada Qur’anka saldhigayada  Booliiska,kaddib markii ay gacanta ku dhigeen ciidanka dowlada soomaaliya oo ay meeleshiyaada  Al shabaab  kala wareegeen.

Ciidanka xooga  iyo dadka deegaanka ayaa waxay sii wadajir ah u bilaabeen hawlo dib loogu dhisayo deegaanaadda Sabiib iyo Caanoole  waxanaa la gaarsiyay  Alaabtaha loogu talgalay in lagu fuliyo ka qeyba qadashada dhanka Nadaafadda iyo dhismaha  deegaanaadda .

Dadka ku nool Sabiid iyo Caanoole  ayaa agaabka la garsiyay waxaa loo qorsheeyey in lagu dayac tiro Guryaha, Masaajidda, goobaha Malcamadahii ay burbuiyeen Al-shabaab iyo Nallaal  looga saarayo mugdigii ay ku dhuumaaleysan jireen nabad-diidka shabaab.

Dadweynaha deegaan ayaa isu soo baxay si loogu qeybinyo ayna uga howlgalaan dib u dhiska deegaankooda, dhulka waa xilli roobeed, waa mid Dhiiqo badan laakiin, tan oo muujineysa in dadwyenuhu ay doonayaan ka faa’ideysiga Barwaada uu Alle u manneystay.

Maamulka gobolka Shabeellada Hoose waxa uu dadaalka adag ugu jiraa sidii uu kaalintiisa u buuxin lahaa, isla markaana loo abuuri lahaa nolol ay dadweynuhu ku shaqeystaan, loogana baxo baahidii iyo colaadihii ay argagixisada ku hayeen shacabka Sabiid iyo Caanoole, sida uu sheegay Cumar Carrabeey oo ah guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada degmada Afgooye.

Waxaa socda dadaal lagu hirgelinayo dhismaha guryo ay nabad-diidku ka burburiyeen shacabka in goobihii Cibaadada oo ku dumay Qaraxyo ay ku xireen ka hor inta aanan ciidammada DANAB xoogga uga saarin Al-shabaab deegaannada Sabiid ilaa Bariire.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...