Sabiid iyo Caanoole ayaa hada waxaa ka socdah dadaalo dib loogu soo celinayo goobah aas aasiga ah sidaย Isbitaalada Xaruumaha Waxbarshada ,dugsiyada Qur’anka saldhigayadaย Booliiska,kaddib markii ay gacanta ku dhigeen ciidanka dowlada soomaaliya oo ay meeleshiyaadaย Al shabaabย kala wareegeen.
Ciidanka xoogaย iyo dadka deegaanka ayaa waxay sii wadajir ah u bilaabeen hawlo dib loogu dhisayo deegaanaadda Sabiib iyo Caanooleย waxanaa la gaarsiyayย Alaabtaha loogu talgalay in lagu fuliyo ka qeyba qadashada dhanka Nadaafadda iyo dhismahaย deegaanaadda .
Dadka ku nool Sabiid iyo Caanooleย ayaa agaabka la garsiyay waxaa loo qorsheeyey in lagu dayac tiro Guryaha, Masaajidda, goobaha Malcamadahii ay burbuiyeen Al-shabaab iyo Nallaalย looga saarayo mugdigii ay ku dhuumaaleysan jireen nabad-diidka shabaab.
Dadweynaha deegaan ayaa isu soo baxay si loogu qeybinyo ayna uga howlgalaan dib u dhiska deegaankooda, dhulka waa xilli roobeed, waa mid Dhiiqo badan laakiin, tan oo muujineysa in dadwyenuhu ay doonayaan ka faaโideysiga Barwaada uu Alle u manneystay.
Maamulka gobolka Shabeellada Hoose waxa uu dadaalka adag ugu jiraa sidii uu kaalintiisa u buuxin lahaa, isla markaana loo abuuri lahaa nolol ay dadweynuhu ku shaqeystaan, loogana baxo baahidii iyo colaadihii ay argagixisada ku hayeen shacabka Sabiid iyo Caanoole, sida uu sheegay Cumar Carrabeey oo ah guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada degmada Afgooye.
Waxaa socda dadaal lagu hirgelinayo dhismaha guryo ay nabad-diidku ka burburiyeen shacabka in goobihii Cibaadada oo ku dumay Qaraxyo ay ku xireen ka hor inta aanan ciidammada DANAB xoogga uga saarin Al-shabaab deegaannada Sabiid ilaa Bariire.