Marwada Qaranka oo deeq raashin ah gaarsiisay dad danyar ah oo ku nool Muqdisho

Date:

SNTV:-Marwada Koowaad ee Qaranka, Marwo Seynab Macalin Cabdi ayaa deeq raashin ah oo isugu jirta Bur, Bariis, Sokor, Timir, Saliid, Digir iyo Baasto waxa ay gaarsiisay qoysas danyar ah iyo caruur agoon ah oo ku nool Muqdisho.

Qoysaska oo tiro ahaan gaaraya ilaa 400 oo qoys oo danyar ah ayaa si siman u helay deeqdan ka timid Marwada Qaranka, waxa ayna sheegeen qoysasku in ay deeqdan heleen xilli ay aad ugu baahneeyeen oo lagu jiro bishii barakeysneed ee Ramadaan.

Sidoo kale xarumaha Agoonta Muqdisho oo ay ka mid yihiin Xarunta Gabdhaha Agoonta ah ee Boondheere, Xarunta Agoonta Wiilasha Kaaraan, Xarunta Agoonta Muqdisho ee Degmada Cabdicasiis iyo Xarunta Agoonta Al-xaramayn ee degmada Xamarweyne oo gacanta ku haya ardey badan oo agoon ah ayaa ka faa’iideystay raashin qeybintan.

Hay’adda Kheyriga aah ee Saynab Macallim Foundation oo maalmihii ugu dambeeyay ku hawlaneyd qeybinta deeqdan cuntada ah ayaa maalintii shalay ahayd soo gebogabeysay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...