Home Blog Page 1062

Buundada Deegaanka Ceel-Gaal oo dib u dhis lagu sameynayo

0

 Beledweyne (SNTV)- Maamulka Degmada Beledweyne, Ganacsatada iyo dadka Deegaanka Ceel-Gaal ayaa waxaa ay bilaabeen in dib u dhis ku sameeyaan Buundada Deegaanka Ceel-Gaal oo dhawaan ku burburtay Roobabkii ka da’ay Gobolka Hiiraan.

 

Inka ka badan konton Gaadiidka Xamuulka ayaa ku xayiran dhinaca Waqooyi ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ay u suuro geli weyday in ay usoo gudbaan Gobolka intiisa kale.

Buundadaan ayaa waxaa ay muhiim u tahay isku socodka Gaadiidka ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waana taasi mida keentay in si deg deg ah dhismaheeda uu ku bilowday.

Xiliyada roobabka bilowdaan ayaa waxaa ciriiri noqda wadooyinka Gobolka Hiiraan, waxaana taasi ugu wacan wadooyinka iyo Buundooyinka oo aan in mudo ah helin wax dayac tir ah.

Roobabkii ayaa waxaa ay sidoo kale saamayn ku yeesheen dhinaca kale duulimaadkii Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne oo muddo afar maalmood ah wax duulimaad ah ka jirin, bulshadana ay ka baxaan Degmada Dhuusomareeb iyo magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Mana jirto cid sida muuqata u istaagtay dhismaha garoonka, waana garoonka ugu shaqada badan marka loo eego Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka Maareynta musiibooyinka Soomaaliya oo Geneva kaga qeybgalay shirka yareynta Khataraha masiibooyinka,

0

Muqdisho (SNTV)– Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiiiboyinka ee Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Geneva uga qeyb galaya markii ugu horeysay shirka caalamiga ah ee yareynta Khataraha masiibooyinka, waxaana socdaalkiisa ku wehliyo Safiirka Soomaaliya  ee dalka Switzerland iyo xubna kale oo ka socda Wasaaradda.

 

Shirkan caalamiga ah oo ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay ayaa diirada lagu saaray yareynta Khataraha masiibooyinka loo maareyn karo, iyadoo Soomaaliya shirkan ay wax badan kaga baraneyso wadamada kale sida ay u yareeyaan Khataraha maadaama Khataraha aysan xuduud lahayn iyo wada shaqeyn xoogan in ay la yeelato hay’adaha arrimahan ka shaqeeyo.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Soomaaliya  Xamse Saciid Xamse  ayaa shirka  ka jeediyey khudbad  uu  kaga hadalay heerarka khatarta Soomaaliya iyo sida ay maareyso, juhdiga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay diirada u saran maareynta khataraha oo aanan lahayn xuduud.

Sidoo kale Wasiir Xamse  ayaa sheegay  hannaanka  siyaasadda yareynta khataraha iyo taabagelinta Sendai Framework oo meel wanaagsan mareyso.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Saciid Xamxe ayaa  la kulmi doonaa wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan yareynta khataraha waxuuna kala hadlo doona sidii Soomaaliya gacan wayn looga siin lahaa maareynta khaataraha oo wax xaduud lahayn.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiiboyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshayaal wax iyo talaabooyin muhiim u ah dalka si wax looga qabto Abaaraha iyo wax yabaaha dabiiciga ah ee dhaca.

Farriinta Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta ee Maalinta Isgaarsiinta Adduunka

0

Muqdisho, 17 May 2019 Waxa aan ku faraxsanahay in aan bahda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyo maalintan qiimaha badan ee Maalinta Isgaarsiinta & Bulshada Macluumaadka ee Dunida (World Information Society Day), Maalintan oo hore u ahayd Maalinta Isgaarsiinta Adduunka (World telecommunication Day) oo ku beeggan maalintii la aasaasey ururka Midawga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) ee 17 May 1865 oo ay sanad weliba xusaan dalalka xubnaha ka ah midawga guulaha, horumarka iyo caqabadaha isgaarsiinta adduunka.

Bedelida magaca maalinta ayaa waxa ay ka tarjumaysaa sida ay isku bedeshay saameeynta tiknolojiyada dunida maanta iyo ka-qeyb-galayaasha go,aannada oo u baahan maamulka, iskaashiga adduunka, kawada faaiideysiga fursadaha tiknolojiyada iyo kawada hortaga qataraha cusub ee ay la timid marxaladan.

Ka soo billaaw isticmaalkii Telegraph-ka qarnigii 19-aad, soo ifbixihii Taleefanka iyo maanta oo aan joogno xilligii kacdoonka Internetka oo bedelay habka isgaarsiinta adduunka, isla markaana saameyn weyn ku yeeshay qeyb kasta oo ka mid ah nolosha bini’aadamka haddii ay ahaan lahayd waxbarasho, ganacsi, shaqo, farsamo, iskaashi, iwm.

Haddii aan u soo noqdo dalkeena soomaaliya waxa aan xubin ka noqoney Ururka Midagawga Isgaarsiinta 28 September 1962, waxa aanna qeyb ka ahayn doodaha la xiriira Isgaarsiinta iyo tiknolojiyada dunida tan iyo nasiib darro burburkii dalka wada saameeyey ee sanadkii 1991-kii oo ay wax kasta ku burbureen.

Laga soo bilaabo sanadkii 2017 waxa inoo qabsoomey waxyaabo badan oo hortabin innoo lahaa, waxa aanna sidoo kale xubin firfircoon ka ahayn doodaha caalamka ee isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada dunida,

Waxyaabaha inoo qabsoomey waxaa ka mid ah.

 Diyaarinta Sharciyadii shaqo ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada dalka.
 Waxa aan dib ugu noqoney fagaarayaashii iyo doodahii caalamiga ahaa ee inna quseeyey oo aan muddo ka maqneyn
 Diyaarinta kaabayaasha asaasiga ahaa ee howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo Isgaarsiinta dalka (kuwaas oo ay weli wax weyn qabyo inoo yihiin weli)
 Dhismaha hay’ada Isgaarsiinta Qaranka oo ahayd tallaabo aan uga horreyno dalal badan oo ku yaala qaaradeena
 Tayeynta iyo kordhinta aqoonta shaqaalaha Wasaarada.
 Diyaarinta Siyaasadaha Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada dalka.
 Dib-u-soo celinta dhismayaashii iyo addeegyadii Wasaaradda
 Abbaabulka iyo wada-shaqeyta shirkadaha iyo xirfadleyda isgaarsiinta iyo tiknolojiyada dalka
Fariinteyda maanta waxa ay tahay in aan sidoo kale idin xasuusiyo qorshayaasheena iyo howlaha hortabinta inoo leh marxaladan oo ay ka mid ka yihiin:-

 In aan diyaarino jawi sharciyad iyo soo jiidasho leh oo lagu maalgashado Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada dalka.
 In Tiknolojiyada aan uga faa’iideysano qeybaha kala duwan ee nolosha haddi ay ahaan lahayd, caafimaad, waxbarasho, ganacsi, shaqo, horumarinta maamulka, iwm.
 In aan helno addeeg internet iyo isgaarsiineed oo tayo leh, jaban, la awoodo, ku baahsan dalka oo dhan oo la isku halayn karo.
 In aan helno dhalinyaro aqoon leh ah oo la jaanqaadi karo heerka tiknolojiyada adduunka maanta.
 Dhiirigelinta hal’abuurka tiknolojiyada ee dhalinyarada dalkeena.
 In la dhiiri geliyo kordhinta macluumaadka iyo xogta tayada leh ee ku qoran afka soomaaliga ee laga heli karo Internetka.
 iyo qorshayaal kale oo badan oo aan mid weliba waqtigiisa soo bandhigi doonto haddi eebbe idmo.
Dhinaca kale, aniga oo ka faa’iideysanaya munaasabadan waxaa aan idin xasuusinayaa in ay innaga go,an tahay ixtiraamka xuquuqda hadalka iyo xoriyadaha qofka, waxa aana idiin xaqiijinayaa in aysan marnaba qorshaha jirinin faafreeb iyo caburin, taas bedelkeedana waxa aan qorsheynaynaa annaga oo la shaqeynayna Wasaaraddaha ay khuseyso daraasado ku saabsan isticmaalka internetka ee dadkeena, waxa aanna dejin doonaa qorshe wacyigelin habka isticmaalka wanaagsan iyo ka faa’iideysiga habboon ee Internetka, taas oo uusan macnaheedu ahayn in aan ogolnahay in loo isticmaalo Internetka ku xad-gudubka Diinta, qusuusiyaadka, anshaxa iyo xuquuqaha xafidan, faafinta naceybka, qabyaalada, Xagjirka, iwm, kuwaa oo leh shuruuc kale oo dalka u dagsan.

Waad Mahadsantihiin

Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada

………………………

Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada

Yaaqshiid oo caawa u soo gudubtay wareegga Labaad ee tartanka

Muqdisho (SNTV)– Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa tobnaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Deyniile iyo Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Deyniile

Tartameyaasha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Deyniile ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, Mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Hadaba kulankii 10aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Yaaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 11aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Buulaburte iyo Buur-hakaba oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Baay.

Ciidamada Dowladda soo qabtay laba ka tirsan Argaggixisada Al-shabaab.

Muqdisho (SNTV)–Ciidammada amniga ayaa gacanta ku dhigay eedaysane lagu tuhmayo in uu ka tirsan yahay argagixisada Alshabaab oo walxaha qarxa ku xiray gaari uu lahaa qof shacab ah oo yaallay waddada Makka Almukarrama ee magaalada Muqdisho.

Qabashada eedaysanahaasi ayaa ka danbaysay kadib markii ay dad arkayay markuu gaariga ku xirayay waxlxaha qarxa ku wargaliyeen ciidamada amniga ee ka howgala nawaaxigaas, waxaana suuro gashay in la qabto ruuxii gaariga qaraxa ku xiray.

Warka ayaa intaasi ku daraya in gaariga oo yaallay agagaarka shineemo Soomaaliya uu waqti yar qarxay, mana jirin wax khasaare ah oo qaraxaasi ka dhashay.

Dhanka kale Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-Wadaag ee gobolkan Banaadir waxa ay ku toogteen Nin hubeysnaa oo dhaawacay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda, Falkan ayaa ka dhacay Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay Dhoofinta Dhuxusha

0

Muqdisho (SNTV)–Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta soo saaray War-saxaafadeed ku Saabsan soo Saaridda iyo Dhoofinta Dhuxusha.

War saxaafadeedku waxa uu u qoraa sidan:-
 Soo saaridda iyo dhoofinta dhuxushu waxay saamayn laxaad leh ku leedahay xaalufinta deegaanka, waxayna il wayn oo dhaqaale u tahay argagixisada.

 Dhoofinta dhuxusha waa fal-dambiyeed lagu ciqaabi karo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, waxaana lagu mamnuucay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay S/RES/2036 (2012) ee ku saabsan mamnuucidda, dhoofinta iyo soo dejinta dhuxusha Soomaliyeed si dadban ama si toos ah xataa haddii aanay dhuxushaasi Soomaaliya toos uga imaanin.

 Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu baaris ku hayay fal-danbiyeedkaa foosha xun, wuxuuna isagoo la kaashanaya INTERPOL ku dhawyahay in la soo qabto xubno ka ganacsada soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha.

 Iyadoo taasi jirto ayaa haddana waxaa jira xog lagu kalsoon yahay oo sheegaysa inay dib u billaabatay soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha xeebaha Soomaaliya.

 Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu uga digayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa ama dibaaddiisa kuna lug leh dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah inay joojiyaan faldanbiyeedkaa waxayna wajahayaan ciqaabta ka dhalata fal-danbiyeedkaas sida ku xusan
Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

 Si arrintaa wax looga qabto Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa la kaashanaya Booliska Soomaaliyeed guud ahaan iyo ka Dawlad-Goboleedka Jubaland gaar ahaan.

 Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu ka digayaa in doomaha iyo maraakiibta lagu raro dhuxusha in lala wareegayo iyadoo loo marayosida ay qabaan shuruucda dalka.

Mashaariic horumarineed oo ka socota degmada Buula-burde ee Hiiraan

0

Hiiraan (SNTV)- Kormeerkan oo uu Guddoomiyaha Degmada Bulla-Burde ee Gobolka Hiiraan Cabdi-casiis Daahir Durow  ku tagay Dhismayaasha Mashaariicda Horumarineed ee ka socda Degmada Bulla Barrde ayaa waxa ay kala yihiin Dhismaha Xarunta Maamulka Degmada, Garoonka Ciyaaraha iyo Suuqa Hilibka iyo khudaarta.

Mashaarciidaan ayaa kamid ah Maashaariicii dhowr ah oo dhawaan Degmadaasi heshay,waxaa hergelinya Maamulka Degmada,iyagoo kaashana Maamul Goboleedka Hir-Shabelle iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Howlaha Mashaariicdaan ayaa intooda badan mara meel gabo-gabo ah,waxaana ay bilowdeen horaantii Sanadkaan.

Guddoomiyaha Degmada Bulla-Burde Cabdi-casiis Duuroow ayaa kormeerka ka dib waxaa uu sheegay in qorshhan uu yahay mid bilow ah,dadka deegaankana looga baahan yahay in ay ilaashadaan.

Qaar kamid ah Howl-wadeena Mashaariicdaan ayaa Maamulka u sheegay in si wanaagsan Bulshada gacan ugu geystaan dhismaha ay wadaan.

Mashaariicdaan laga wada Degmada Bulla-Burde waxaa maal-gelinya San-duuqa Xasilinta Soomaaliya SSF,waxaana fulinaya Maamulka Magaalada.

By Wariye Ibrahim Muxumad Geeddi Beled-weyne Hiiraan

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wakiilka cusub ee Hey’adda UNICEF u qaabilsan Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV)– Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa shalay  qaabilay xafiiskiisa Wakiilka cusub ee Hey’adda Qaramada Midoobey ee Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Werner Schultink.

Wasiiru dowlaha ayaa soo dhoweeyay wakiilka cusub ee UNICEF, waxa uu kala hadlay howlgalkiisa iyo howlaha hey’adda ee dalka, si gaar ah barnaamijyada bulshada, waxbarashada iyo caafimaadka si loo gaaro horumar lagu yarayn karo dhibaatada la soo gudboonaata caruurta.

Madaxweyne Farmaajo “Dadaalkoodu waxa uu ku hirgalay waa qabyaaladda ay ka fogaayeen iyo sida ay u aaminsanaayeen midnimada.”

0

Muqdisho (SNTV);- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayo dhallinyaradii 13-ka ahaa ee aasaasay ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweynaha ayaa intaas kaddib waxa uu kala qayb galay boqollaal dhallinyaro ah oo ka kala yimid guud ahaan deegaannada dalka munaasabad lagu qabtay Taliska Gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo ay ugu dabaal degayeen 76-aad guurada ka soo wareegtay aasaaska Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madasha ka jeediyey kalmad uu ku dhiirri-gelinayo dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoona dib u xasuusiyey doorkii taariikhiga ahaa ee ay ku lahaayeen xornimo doonkii, qaran-dhiskii iyo horumarintii dalka.

“Dadaalkii ay bixiyeen dhallinyaradeennii SYL ayaa horseeday in dalkeennu uu safka hore ka galo dalalkii xornimada ka qaatay gumeystihii. Dadaalkoodu waxa uu ku hirgalay waa sida ay qabyaaladda uga fogaayeen, una aaminsanaayeen midnimada, waddaniyadda iyo wadajirka dadkeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey naxariis iyo in uu jannadiisa ku abaal mariyo 13-kii dhallinyarada ahaa ee SYL oo baal dahab ah kaga jira sooyaalka shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Hobollada Kooxaha Qaranka ayaa munaasabadda ka sameeyey bandhig suugaaneed ay ku muujinayeen dadaallada dhallinyaradeennu ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, rajada lagu qabo iyo caqabadaha ku xeeran ee dhanka fursadaha shaqada, qabyaaladda iyo fikirka gurracan ee argagixisanimada.

Munaasabaddan waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye-Gaas Daahir Aadan Cilmi, Booliska Sarreeye-Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamad Jaamac, Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan Urrurada Bulshada Rayidka ah.

Xukuumadda Soomaaliya oo Cambaareysay Weeraro lagu qaaday Labo Goobood oo Sacuudiga ku taalla.

0

Muqdisho (SNTV)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee loo adeegsaday diyaarado aan duuliya lahayn oo gacan ku samays ah oo waxyaabo qarxa lagu rakibay oo shalay subax oo Talaado ahayd lagu beegsaday labo goobood oo shidaal oo ku kala yaalla deegaannada Al Duwadimi iyo Afif ee bartamaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Soomaaliya waxa ay u aragtaa falalkaasi burburinta leh mid halis ku ah nabadgelyada gobolka, waxa ayna si dhammaystiran u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya hoggaankeeda, xukuumaddeeda iyo shacabkeeda si ay uga hortagaan iskuday waliba oo lagu waxyeeleynayo amniga qarankooda.

Dhammaad