Horjooge isku soo dhiibay Ciidanka Xooga Dalka

Date:

Muqdisho (SNTV) Horjoogahan oo ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab ayaa isku dhiibay ciidanka Xoogda Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland oo ku sugan deegaanka Baar-sanguuni ee oa ktirsan gobolka jubbada Hoose.

Waxaa uu ka soo goostay degmada Jamaame ee Jubada hoose,horjoogahan oo lagu magacaabo Sharma’arke Cabdinaasir Axmed,waxaana uu faah faahiyay sababta uu isku dhiibay.

“Magaceygu sedexaad waa Sharma’arke Cabdinaasir Axmed oo Alshababa u qaabilsananaa qeybta weerada,ilaahay ayaa isoo bad baadiyay jid dheer ayaan soo marey,ciidamada Jubbaland iyo kuwa Federaalka ayaa I soo dhaweeyey,markii aan arkay dhibkooda iyo rafaadkooda iyo in dhib un dadka ku hayaan,ayaan ka soo tagay oo ilaahayna I fahamsiyay,si fiican ayaa la ii soo dhaweeyey,marka umadda muslimiinta ah waxaan ka dalbanayaa cafis,maadaama bil ramadaan lagu jiro”. Ayuu horjooge sharma’arke.

Cabdi Nuur Mooge oo ah afhayeenka wasaaradda Amniga ee Jubbaland ayaa fariin u diray dhalinyarada la marin habaabiyay ee Alshabaab kujirta,isagoo ku ammaanay sharma’arke go’aanka geesinimada leh ee uu ka qaatay in uu ka soo boxo argaggixisada Alshabaab.

Arrin ayaa muujinaysa in dadku ay fahmayaan fikirka qaldan ee Alshabaab,waxaana muddooyinkii ugu dambeeyey sii kordhayay tirade maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha isku soo dhiibaya dowladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...