Maamulka degmada Kaxda oo sheegay in ay meel wanaagsan marayaan hawlaha afurinta Danyarta

Date:

Maamulka degmada kaxda ee gobalka banaadir aya faahfaahiyey howlaha lagu afurinayo dadka danyarta ee ku dhaqan degmadda xilli lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Gudoomiyaha degmada Kaxda ee Maamulka Gobolka Banaadir  Max’ed Ismaaciil oo la Hadley warbaahinta ayaa Sheegey iney Meel wanaagsan Marayaan howlaha lagu afurinayo dadka danyarta ee ku dhaqan degmada isagoo sheeegey ineysan ku filneyn deeqaha soo gaarey degmada iyo baahiyaha dadka ay qabaaa.

Max’ed Ismaaciil ayaa sheegey in hada deeqahan ay ka faaideysteen dad badan oo danyar oo ku  dhaqan degmada isagoona u mahadceliyey dhamaan hay’adaha iyo shaqsiyaadka arimahaasi Dadka danyarta ah ka caawiyey.

Dhankale gudoomiyaha degamada kaxda Max’ed ismaaciil ayaa sheegey intii la guda galey Bisha Ramadaan ay ka socdaan degamada barnaamijka isxilqaan ee uu madaxweynaha Iclaamiyey laguna dhisayo xarumaha danta guud isagoona sheegey in arintaa ay ku dhisayaan hada ilaa iyo 7wado oo degmada gudaheeda ah iyo goobaha kale ee danta guud.

Ugu dambeyn maamulka degmada kaxda ayaa ugu baaqey dhammaan qeybaha bulshada iyo jaaliyada kasoo jeeda degmada iney kaalintooda ay ka qaataan waxkasta oo horumarin iyo amni ee degmada ku saabsan isagoona sheegey in Shacabka muhiimada ay siyaan sidii canshuurta ay u bixin lahaayeen.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...