Home Blog Page 1055

Soomaaliya iyo Ruushka oo muujiyay sida ay u danaynayaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay maanta oo Isniin ah Magaalada Moscow dhiggiisa Ruushka Mudane Sergey Lavrov.

Intii lagu guda-jiray kulanka, waxa ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, sidoo kale waxa ay isla eegeen dhowr arrimood oo heer gobol iyo caalami ah.

Mudane Danjire Axmed Cawad waxa uu uga mahadnaqay Ruushka is garab taaggiisa Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga, isaga oo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriirka labada dal iyo taabagelinta heshiisyada wax wadaag ee heerarka kala duwan leh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray duhurnimadii maanta Magaalada Moscow si uu uga qeybgalo Shirka heer Wasiir arrimo dibadeed ee meertada shanaad ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Carabta oo furmi doona beri oo Talaado ah (16 April).

Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay xubno ka tirsan UNICEF “SAWIRRO”

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa kulan la qaatay  ku xigeenka wakiilka hay’adda UNICEF iyo madaxa qeybta waxbarashada hay’addaasi.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Maanta waxaan xafiiskeyga magaalada Muqdisho kulan kula qaatay ku xigeenka wakiilka hay’adda UNICEF iyo madaxa qeybta waxbarashada hay’addaasi, kulanka waxaa igu wehelinayay xubno ka tirsan Wasaaradda, arrimaha ka wada hadalnay waxaa ka mid ah mashariicda horumarineed ee hay’adda UNICEF ka fuliso Soomaaliya gaar ahaan dhanka Waxbarashada’ayuu yiri wasiirka waxbarashadda Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka Waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xubnaha ka socday hay’adda UNICEF uga mahad celiyay tageerada  ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka waxbarashada.

Wasaaradda Waxbarashadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya markasta waxay dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada dalka.

 

Duqa Muqdisho oo Midowga Afrika kala hadlay Amniga Caasimadda iyo Howlgallada labada Shabelle “SAWIRRO”

0

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha iyo Saraakiisha ka scotay Midowga waxay isla falanqeeyeen muhiimadda uu amniga Caasimaddu u leeyahay xasilloonida dalka, iyagoo isku raacay in la dardargeliyo howlgallada Gobollada Shabellaha Hoose iyo Shebellaha dhexe looga sifeynayo kooxaha argagixisada, taasoo muhiim u ah amniga Caasimadda.

Eng.Yarisow ayaa tilmamay in saraakiisha Midowga Afrika ay isku af garteen in la sameeyo guddi farsamo oo ka socda labada dhinac, kuwaasoo ka wada shaqaynaya qorshaha Amniga Caasimadda.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka shaqeynayaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ee Caasimadda,si wadajir loogu fal-galo maadaama amnigu uu yahay mid dhinacyo badan quseeya, iyadoona aan kaashaneyno dhammaan dhammaan laamaha amniga ku shaqada leh.”

Saraakiisha ka socotay Midowga AfrIka ayaa uga mahadceliyey Maamulka gobolka Banaadir dadaalada xasilloonida loogu soo dabaalayo Caasimadda, iyagoo xusay in ay ka go’an tahay sidii guud ahaan dalka Amnigiisa loo xaqiijin lahaa.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howllan sidii loo dardargelin lahaa amniga Caasimadda, si bulshada ku nool Muqdisho Xasillooni u helaan, isla markaana looga hortago falalka ay kooxaha argagixisadu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Diiradda Lagu Saaray Dhammeystirka Xafiisyada Guddida Doorashooyinka “SAWIRRO”

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo lagu qabtay Muqdisho.

Muqdisho (SNTV) Kulanka tubta siyaasadda loo dhanyahay ee maanta ayaa looga hadlay dhammaystirka xafiisyada goballada ee guddiga madaxa baannaan ee doorashooyinka qaranka iyo astaynta goobaha ugu habboon ee lagu diiwaan gelin karo codbixiyaha.

Shirka ayaa la iskula gartay dardar-gelinta dhammeystirka xafiisyada guddida madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ay ku yeelanayaan maamul goballeedyada iyo astaynta goobaha ugu habboon ee diiwaan-gelinta codbixiyaha.

Himilooyinka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ayaa waxaa qayb ka ah Qaan-gaarsiinta nidaamka Federaalka, dhameystirka nidaamka dib-u-heshiisiinta, Dhameystirka Qabyo qoraalka dastuurka iyo Diyaarinta hannaanka iyo qorsheynta doorashooyinka 2020.

Guddoonka Aqalka Sare oo Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub ‘SAWIRRO’

0

Muqdisho (SNTV) Wafdigan ka socda Midowga Yurub oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la kulmay guddoonka Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo xubnaha guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ayaa la kulmay wafdigaasi.

Intii kulanka uu socday ayaa waxaa la isla soo hadal qaaday taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya,gaar ahaan Aqalka Sare,,qaabka loo maareeyo taageerada,waxaana ay ahaayeen koxda farsamada caawinaada miisaaniyadda dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen arrimo kale oo ay kamid yihiin wada shaqeynta labada dhinac iyo xoojinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

????????????????????????????????????

 

 

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo Wasiirka Cusub ee Tamarta Iyo Khayraadka Biyaha Kula Dardaarmay Dardar-gelinta Shaqooyinka Mudnaanta Leh

0

Muqdisho (SNTV):- Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta faray wasiirka cusub ee wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka biyaha Fowziyo Maxamed Sheekh, dardar-gelinta qorshayaasha wasaaradda si loogu guulaysto hadafyada waawayn ee dawladdu ka leedahay horumarinta dalka.

Mudane Mahdi Maxmed Guuleed (Khadar) ayaa cadeeyay in biyuhu ay yihiin furaha waraabka, daaqsinta, dhismaha iyo qurxinta dalka, ayna muhiim u tahay in si wanaagsan loo maamulo biyaha dalka, si looga faa’iidaysto, waxaa kale oo intaa uu raaciyay in tamartuna ay halbowle u tahay dhaqaalaha iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxa uu maanta xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee Tamarta iyo biyaha Fowziyo Maxamed Sheekh, iyo ku-simihii wasaaradda, ahna wasiir ku-xigeen, Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim

Warsaxaafadeed: Waqtiga la qabanayo doorashada Kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka oo la shaaciyay

0

Muqdisho (SNTV):- Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay inuu qaban doono doorashada boos buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo deegaan doorashadooda tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Doorashada Kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa lagu qabanayaa magaalada Baydhabo,iyadoo Guddigu ku wargeliyay musharaxiinta u tartameyso labada Kursi in qabashada araajiyada iyo diiwaan gelinta ay bilaabaneyso 14-ka bishan April waxayna ku egtahay 21-April ee sanadka 2019-ka.

Labadan kursi ayaa waxaa baneeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed “ Lafta gareen” iyo Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “ Kornel Ruush”.

Sidoo kale, Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku wargeliyay musharaxiintii horay isugu diiwaan-gelisay Kursigii uu baneeyay Xildhibaan hore Xuseen Cismaan Xuseen in la qabanayo doorashada Kursigaasi.

Linkiga hoose ku dhufo si aad u akhrisato Warsaxaafadeedka Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka uu soo saaray.

WAR-SAXAFADEEDKA-GUDDIGA

Raiisul Wasaare Kheyre oo ka qeyb galay shirka sanadlaha ee Bangiga Addunka

0

Washington (SNTV) Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, mudadii uu joogay dalka Maraykanka waxa uu kulumo kala duwan la yeeshay dowladda Mareykanka, gaar ahaan Aqalka Cad, Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasaaradda Maaliyadda iyo USAID, waxayna isku afgarteen in la sii xoojiyo xiriirka iyo wadashaqaynta labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu kale ee uu ka qayb galay shirka sanadlaha ee Bangiga Addunka, shirkaas oo looga hadlay geeddi-socodka dayn-cafiska ee dalka Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen deeq bixiyayaasha iyo hay’ado caalami ah.

Ka qeyb galayaasha ayaa isla qiray horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta hay’adaha nidaamka kobcinta dhaqaalaha, iyadoo Soomaaliya buuxisay shuruudahii ilaa hadda looga baahnaa barnaamijka geedi-socodka dayn cafiska ee ay hay’adda lacagta adduunka korjoogtayso.

Waxaa la isku raacay in waddada kaliya ee lagu garab istaagi karo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya ay tahay in la sii ambaqaado qeybta ugu dambeysa ee barnaamijka go’aanka looga gaarayo deyn-cafiska Soomaaliya ugu dambayn bisha Febraayo 2020.

Dowladaha deynta ku leh Soomaaliya ayaa u riyaaqay in dowladda Soomaaliya muujisay in ay awood u leedahay in ay la jaanqaadi karto hannaanka dhaqaalaha caalamiga ah iyadoo laga tusaale qaadanayo guulaha laga gaaray dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda muddo gaaban gudaheed.

Si dhaqaalaha dalka loo hormariyo, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an dardargelinta dhammaystirka barnaamijka deyn-cafiska.

Wasiir Bayle” Waxaan ku guuleysanay inaan ka soo baxno dhamaan shuruudihii nalaga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya”

0

Washington (SNTV)- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo kamid ah Wafdiga Ra’iisul wasaaraha XFS ee magaalada Washington ku sugan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay inay ka soo baxdo dhamaan shuruudihii laga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya.

“Waxaan ku guuleysanay inaan ka soo baxno dhamaan shuruudihii nalaga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya, kaliya waxa aan sugeynaa jawaabta ay ka bixiyaan deeq bixiyayaasha caalmka oo ku qancay habka aan wax u maamulnay, iyo hufnaanta Maaliyadda Dalka”ayuu yiri Wasiir Bayle

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya gaartay heerkii ugu sareeyay ee Kalsoonida Beesha Caalamka.

Dhanka kale Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shirarkii malmahan ka socday magaalada Washington ka sheegay in isbedelo la taaban karo laga gaaray dhinacyada horumarinta maamulka iyo maaliyadda,amniga iyo arrimo badan oo horumarinta dhaqaalaha dalka ku saabsan.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed” Askarigii dhib u gesyta qof shacab ah maheli doono gabaad”

0

Muqdisho (SNTV) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ka hadlay Dhacdooyinkii Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lagu raad-joogo askarigii ka dambeeyey falkii shalay, kaasi oo sida uu sheegay ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxey ku raad-joogaan Askarigii falkaasi wuxuushnimada ah gesytay, waxaana hadda xiran taliyihii Aagaasi qaabilsanaa, Waxaan shacabka Soomaaliyeed ogeysiineynaa in Booliska ay kusoo wargeliyaan qofka dilkaan ku eedeysan oo baxsad ah”ayuu yiri Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa sidoo kale sheegay in Askarigii dhibaato u geysta qof shacab ah uusan heli doonin gabaad, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa dhinaca kale sheegay in gacanta ay ku hayaan dad sida uu sheegay qas-wadayaal ah oo ku dhex gambanayey dadkii ka carooday falkii shalay, kuwaasi oo uu sheegay iney u adeegayeen cadowga oo ay boob u gesyteen goobo ganacsi.