Home Blog Page 1056

Xukuumadda Oo Dardar Gelinaysa Diyaarinta Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed

0

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed,  Axmed Macallim Xasan iyo maareeya ku-xigeenkiisa,  Sheekh Jaamac ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socota hay’adda caalamiga ah ee duulista Rayidka (ICAO) oo uu kamid yahay khabiir loo soo diray in dowladda uu ka caawiyo dib-u-dhiska iyo Qorista sharciga hay’adda duulista Soomaaliyeed.

Kulanka dhex maray  hay’adda caalamiga ah ee duulista rayidka, wasaaradda duulista iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa aad looga dooday dedejinta qorista sharciga hay’adda duulista oo dowladda u ogolaanaya in ay diiwaan geliso diyaaradaha iyo duuliyaasha iyo in ay qabato dhammaan howlaha muhiimka u ah duulista.

Hay’adda caalamiga ah ee duulista Rayidka  ayaa dowladda ka taageeraysa Diyaarinta Shuruucda.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhamystirka qorshaha ay dowladda Soomaaliya ugu soo wareegayaan shaqaalaha ka shaqeeya hay’adda duulista Soomaaliyeed oo markii hore hoos tegi jiray hay’adda maamuli jirtay hawada Soomaaliya kahor inta aan dowladda lagu soo wareejin.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada  iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa qorsheynaya in shaqaalaha hay’adda ee laga soo wareejiyay Nairobi  ay si dhamaytiran dowladda Soomaaliya ugu wareegaan ugu dambayn July 31, 2019.

Dhahar oo caawa u soo gudbay wareegga Afaraad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Muqdisho (SNTV)- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Shan iyo labaatanaad ee wareegga saddexaad ku tartamay Degmooyinka Dhahar iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Hodan iyo Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Hodan

Tartameyaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Dhahar, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Hodan ay heleen waxay noqotay  Toban (10) dhibcood.

Dhahar

Tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay dhigooda Hodan, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhahar waxay noqotay Toban iyo labo (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 25-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Afaraad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 26-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona ilaa iyo afar degmo, iyadooo qeybta hore ay ku balansanyihiin Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaxda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, halka qeybta labaad ay ku loolami doonaan Degmooyinka Xamar Jajab iyo Howlwadaag oo iyana ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Horjoogihii Al Shabaab ee degmada Cadale oo la dilay

0

Muqdisho (SNTV) Horjoogihii Kooxda Al Shabaab ee Degmadda Cadale ee Gobolka Sh/dhexe ayaa lagu dilay deegaanka Xagarey oo 40 KM u jirta Degmadaas.

Ninka ayaa waxaa lagu dilay howlgal ay halkaas ka fuliyeen Ciidanka Macawiisleyda oo dagaal kula jira Al Shabaab shalay galinkii danbe.

Taliyaha Jabhadda Macawiisleyda Axmed Dhagey ayaa Radio Muqdisho u sheegay in sidoo kale howlgalka ku jileen Seddex dagaalame kadib weerar gaatin ah oo ay ku qaadeen deegaanka Xagarey oo Maleeshiyada Al Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen.

Horjoogaha la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Macalin Caadey,sidoo kale wararku waxaa xiliga la dilayey la joogay isna ku xigeenkiisii oo dhaawac dhanka duurka ugu baxsaday

Sidoo kale waxaa Ciidanka Macawiisleyda howlgalkaas Al Shabaab kaga soo furteen qoryo iyo rasaastii ay heysteen.

Deegaanka lagu magacaabo Xagarey oo hoos yimaada degmadqa Cadale ayaa waxaa halkaas xarun kula lahaa Al Shabaab iyadoona Weerarka lagu qaaday gabi ahaanba lagu soo burburiyey xaruntii ay halkaas ku lahaayeen.

“Shalay galinkii danbe abaaro 5:00-kii ayaan weerar gaadmo ah ku qaadnay deegaanka Xagarey oo xarun ah Al Shabaab waxaana halkaas ku dilnay ninkii u qaabilsanaa Cadale iyo Seddex kale oo la socotay, waxaa isoo suurto gashay in aan kasoo furano quri AK47 AH iyo Rasaas badan, waxaan helnay xog u saabsan in halkaas ku dhibaateen dadka shacabka ah, Allah mahadii dhankeena wax na soo gaaray majiro” sidaas waxaa Radio Muqdisho u sheegay Axmed Dhagey oo ah Taliyaha Macawiisleyda Al Shabaab dagaalka kula jira ee ka dagaalama qeybo kamid ah Gobolka Sh/dhexe

Macawiisleyda ayaa waxaa garab siiya Ciidanka Xoogga dalka iyo dadka shacabka ah kuwaasoo ku dhiiro galiya inay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab oo dadka Soomaaliyeed ku haya dhibaato badan oo dhinac kasta leh.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay kulan looga Hadlay Amniga Caasimadda Ee Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay amniga caasimadda oo lagu qabtay taliska qaybta guud ee Booliiska gobalka Banaadir.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen wasiirka amniga gudaha, guddoomiyaha gobalka Banaadir, taliyaasha ciidanka iyo khuburo amni ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta iyo ka mira dhalinta qorshaha sugidda amniga dalka gaar ahaan amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa warbixin iyo talooyin ka dhagaystay khuburada loo xil saaray aruurinta xogaha amni ee ay soo gudbiyaan laamaha amniga, waxa uuna ku ammaanay hay’adaha amniga dadaalka ballaaran ee ay ugu jiraan badbaadina nafta iyo hantida mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu dambeeyntii kula dardaarmay madaxdii ka soo qayb gashay kulanka in ay sii laba laabaan dadaalladooda ku aadan xasilinta magaalada Muqdisho si ay muwaadiniinta kunool uhelaan nabad iyo amni buuxa.

 

 

Kismaayo oo caawa u soo gudubtay wareegga afaraad ee tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Afar iyo labaatanaad ee wareegga saddexaad ku tartamay Degmooyinka Kismaayo iyo Shibis oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo iyo Shibis ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Kismaayo

Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Saddex su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Shibis, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay Afar iyo Toban (14) dhibcood.

Shibis

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Shibis waxay noqotay Afar (4) dhibcood.

Hadaba kulankii 24-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Afaraad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 25-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona wareegga 4aad kulankiisa labaad Degmooyinka Hodan iyo Dhahar oo ka kala  tirsan Gobollada Banaadir iyo Sanaag.

Akhriso Isku aad wareegga Sedaxaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Isku aadka wareegga 3aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Halkan ka Akhriso ama kala deg

Howlwadaag oo caawa u soo gudubtay wareeggaSedaxaad ee Tartanka

 

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Saddex iyo labaatanaad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Kaaraan iyo Howlwadaag oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Kaaraan iyo Howlwadaag ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Kaaraan

Tartameyaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, ma jirin hal su’aal oo ay ka jawaabeen, balse waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Howlwadaag, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaaraan ay heleen waxay noqotay Labo (2) dhibcood.

Howlwadaag

Tartamayaasha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay dhigooda Kaaraan, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Howlwadaag waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 23-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Saddexaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 24-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona wareegga 3aad kulankiisa koowaad Degmooyinka Kismaayo iyo Shibis oo ka kala  tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir.

Tartamayaasha Xamar Jajab oo caawa soo tiigsaday wareegga Sedaxaad ee Tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa labo iyo labaatanaad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Waaberi iyo Xamar Jajab ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Waaberi

Tartameyaasha Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Xamar Jajab, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Waaberi ay heleen waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Xamar Jajab

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay dhigooda Waaberi, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamar Jajab waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Hadaba kulankii 22-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Saddexaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Ciidamada ilaalada xeebaha Malta oo badbaadiyay Boqolaal ruux

0

Ciidamada ilaalada xeebaha Malta,ayaa badbadiyay 216 –ruux oo isugu jiray Qaxooti iyo Muhaajiriin,ka dib kolkii iyagoo la socda laba dooni laga helay Badweynta Mediterranean-ka ee kulaasha Jasiiraddaasi.

Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada xeebaha ayaa sheegay in maalinimadii Jimcaha labadaasi dooni laga soo qabtay meel Koonfur kaga began Malta,ka dib howlgallo  ay ku dhaqaaqeen kooxo heegan ah.

Dadkaasi la badbaadiyay ayaa lagu waramay in ay ka mid ahaayeen Haweeneey uur leh iyo Caruur,kuwaas oo illaa hadda aan la xaqiijin dalalka ay ka soo kala jeedaan.

Cimilada oo degan aawadeed ayaa sababtay in labadii cisho ee u dambeeyay ay bataan dadka ka soo hayaamaya dalalka Libya, Tunisia, iyo Algeria,waxaana magaalooyinka Sicily, Sardinia, iyo Lampedusa gaaray 12 dooni oo ay la socdeen qaxooti iyo dad Muhaajiriin ah.

Kaxda oo caawa u soo gudubtay wareegga Sedaxaad ee tartanka

Muqdisho (SNTV)- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa kow iyo labaatanaad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Kaxda iyo Buula-burte oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Hiiraan, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Kaxda iyo Buula-burte ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Kaxda

Tartameyaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Buula-burte, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaxda ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Buula-burte

Tartamayaasha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay dhigooda Kaxda, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Buula-burte waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 21-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Saddexaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 22-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona ilaa iyo afar degmo, iyadoo qeybta hore ay ku tartami doonaan Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, halka qeybta labaad ay ku loolami doonaan Degmooyinka Kaaraan iyo Howlwadaag oo iyana ka wada tirsan Gobolka Banaadir.