Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xiriirka laba geesoodka kala hadlay Safiirka Shiinaha

Date:

Muqdisho (SNTV) – Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Faarax ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Qin Jian.

Kulanka ayaa la iskula eegay xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah iyo qaabkii lagu horumarin lahaa.

Xoghayaha Joogtada, oo uu wehliyay Safiirka Shiinaha iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Asia ayaa waxa ay kormeer ku sameeyeen dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ku socda dayactir ballaaran iyo qalabayn tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe 26-kii January, 1991.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS oo UK lagu soo dhaweeyey

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda...

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...