Home Blog Page 1054

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kala hadlay Sheekhul Azhar arrimaha waxbarashada iyo la dagaalanka xagjirka

0

Cairo (SNTV): – Inta uu ku gudajiray booqashadiisa Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, waxa uu kula kulmay shalay oo Khamiis ah Magaalada Qaahira Imaamka weyn, Dr. Ahmed el-Tayeb, Sheekha Azharka Shariifka.

Kulanka ayaa looga hadlay dhowr aragti oo la xiriirta xiriirka Soomaalida iyo Azharka Shariifka, si gaar ah waxaa loo eegay dib u howlgelinta Ergada Azhar iyo howlaheeda waxbarasho ee Soomaaliya iyo kolonyada gargaar iyo diin faafin ku qotanta manhajka toosan ee ka dhanka ah aragtiyada wax burburiya si looga hortago xagjirka iyo argagaxisada.

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday seddex heshiis is afgarad ah oo lagu xoojinayo xiriirka

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa Khamiistii kula kulmay Magaalada Qaahira dhiggiisa Masar Mudane Sameh Shoukry.

Wadahadalka ayaa intiisa badan diiradda lagu saarray xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar iyo habkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa dhinac waliba oo u adeegaya danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah, waxa ayna is dhaafsadeen aragtiyadooda dhacdooyinka iyo horumarka gobolka iyo dunida.

Kadib markii uu idlaaday wadahadalka ballaaran, waxaa saxiixa lagu duugay seddex heshiis is afgarad oo ay ka mid yihiin abuuridda hab wadatashi siyaasadeed oo heer wasiir arrimo dibadeed oo labada dal ah, yagleelidda guddi wadaag ah oo ay hoggaamiyaan labada wasiir arrimo dibadeed iyo iskaashiga labada machad ee daraasaadka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Masar.

Shacabka, Maamulka iyo Booliska Warta Nabada oo la guddoonsiiyey bilad sharaf.

0

Muqdisho (SNTV)—Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa abaalmarin guddoonsiiyey Shacabka, Maamulka iyo Booliiska Warta Nabada oo gacan ku siiyey Ciidanka Ammaanka soo qabashada dhagarqabe Bombo tuuray.

Guddoomiyaha ayaa ku ammaanay shacabka kaalinta wanaagsan ee ka qaadanayaan sugidda amniga, isagoo xusay in abaalmarintan ay ugu talagaleen in lagu dhiirigaliyo bulshada maadaama ay ka soo baxeen kaalintooda ku addan nabadgelyada.

“Qof walba oo gacan ka geystay soo qabashada argagixisada waxuu mudan yahay abaalmarin, bacdamaa ay badbaadiyeen nafta muwaadiniinta Soomaaliyeed, tani waa bilow waxaana ku dhiirigelinayaa shacabku inay qaataan doorkooda sugidda amniga fartana ku fiiqaan dadka dhagarta u maleegaya”.

Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay Ciidanka ammaanka in shacabka saaxiib lala noqdo, si ay ugu kalsoonaadaan ciidanka loona helo wadashaqay buuxda, taasoo qeyb ka qaadanaysa in ciidanku ay helaan xogaha dhagarqabayaasha ku dhex dhuumanaya shacabka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuuleed (Khadar) oo munaasabadda abaalmarinta hadal ka jeediyey ayaa sheegay in isku xirnaanta shacabka iyo Boolisku ay muhiim u tahay sugidda ammaanka Caasimadda, waxuna uga mahadceliyey shacabka Degmada Warta-Nabadda wada-shaqeynta dhow ee la leeyihiin Ciidanka Booliska.

Munaasabaddan oo bilad sharaf lagu guddoonsiinayey dadkii kaalinta ka qaatay soo qabashada dhagar-qabaha Bombada tuuray ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyeyaasha Ciidanka, Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo heer Qaran iyo heer Gobol ah.

Xukuumadda Oo Ansixisay Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

0

Khamiis, April 18, 2019 –Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo lagu ansixiyay Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay sharcigaan oo ay usoo gudbisay wasaaradda warshadaha iyo ganacsiga Soomaaliyeed.

Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo laga soo aruuriyay sharciyadii iyo xeerarkii dalka ee tayo-dhowrka dalka, horumarinna lagu sameeyay ayaa la gaarsiiyay habka caalamiga ah ee tayo-dhawrka.

Ujeedada sharciga ayaa ah in horumarin lagu sameeyo siyaasadda Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka qaranka, in la dhowro xeer nidaaminta tayada lagu maamulo tayada badeecada iyo adeegyada, in uu ilaaliyo bad-qabka bulshada iyo in lagu dhiso hay’adda tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Tababar U Soo Xiray Ciidamo Ay Tababartay Dawladda Turkiga

0

Muqdisho (SNTV): — Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta tababar usoo xiray ururka Gorgor oo qayb ka ah ciidanka Kumaandoosta ee DANAB.

Ururka Gorogor oo ah ururka koowaad ee DANAB ee Turkigu tababaraan, qaybna ka ah shan kun oo ciidan ah oo dawladda Soomaaliya ay kula heshiisay dawladda Turkigu in ay u tababarto, ayaa waxa ay tababarkooda kusoo qaateen xerada Turk-Som ee maanta ay ka dhacday munaasabadda qalin jebintooda iyo gudaha dalka Turkiga, waxaana loo dhamays tiray qalabkii ay ku howl geli lahaayeen.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahad-celiyay dawladda Turkiga Tababarka ciidanka, ayaa u hambalyeeyay ciidamada qalin jebiyay ee uu tababarka usoo xiray, isaga oo u rajeeyay in ay noqdaan kuwii dalka ka xureeya cadawga soona celiya sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed.

Tababarka ciidanka oo qayb ka ah halbeegyada tubta amniga iyo cadaaladda ayaa sidoo kale ku jira qorsha dawladdu ay ku dhisayso ciidanka xoogga dalka, si mas’uuliyadda amaanka dalka loogu wareejiyo ciidanka Soomaaliyeed.

Qabyo-qoraalka Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo la soo bandhigay

0

Muqdisho (SNTV):– Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa soo bandhigtay qabyo-qoraalka Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknoojiyada (National ICT Policy and Strategy), taas oo loogu talo galay inay hagto sida teknolojiyada loogu adeegsan karo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirrada Ganacsiga iyo Caafimaadka ee heer federal, Md. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Marwo Fawsiyo Abiikar Nuur iyo wasiirrada boostada, isgaarsiinta & teknolojiyada ee heer federal iyo heer dawlad-goboleed oo kulankaas ka qeyb galay ayaa aad u bogaadiyay qabyo-qoraalkan, iyagoo xusay inuu yahay siyaasaddii jiheyn lahayd horumarka ICT ee shanta sano ee soo socota (2019-2014), wasaarad walbana ay ka qaadan doonto kaalinta kaga aaddan diyaarinta iyo fulinta siyaasaddan.

Siyaasaddan oo ah tii ugu horreysay ee uu dalkeenu yeesho waxaa looga gol leeyahay inay horseeddo isbeddel, kobac, hal-abuur iyo iskaashi dhex mara dhammaan qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha, iyadoo talo ka bixineysa waxyaabaha loo baahan yahay ee gacanta ka geysan kara fulinta siyaasaddan.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in siyaasaddani ay soo koobeyso qeybaha kala duwan ee nolosha. “Waa qorshe dhammeystiran oo isku keeni doona dhammaan hawlaha ICT ee dalka ka socda ama laga hirgelin doono 5ta sano ee soo socota. Waxaan rajeyneynaa in siyaasaddani ay hagto sida teknolojiyaddu u caawin karto horumarkeena dhinac kastaba,” ayuu yiri wasiirka oo intaasi ku daray inuu ka rajeynayo dhammaan wasaaradaha ay khuseyso inay taladooda ku soo biiriyaan ka hor 31ka Maajo 2019.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay Ururka Isgaarsiinta Adduunka (ITU) iyo Bankiga Adduunka oo gacan ka siiyay Wasaaradda sidii loo dajin lahaa siyaasad la jaan-qaadi karta adduunka, si looga baxo qorshe la’aanta qaran ee dhinaca teknolojiyada.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Gudigga Xuduudaha iyo Federaalka oo shir wadatashi ah qabtay

0

Muqdisho (SNTV):-Waxaa magaalada Muqdisho ku qabsoomay shirka wadatashiga ee lagu turxaan bixinayo is waafajinta xulushada qaabeynta Dowlad Goboleedyada iyo qodobka 49aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah, waxaana shirka si wadajir ah u qabtay Wasaaradda Arrimaha Dasturka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Qaranka.

Shirka oo uu furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Gudigga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, masuuliyiin ka kala socotay Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha iyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha.

Ugu horeeyn Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Mudane Khaliif Cabdikariin Maxamed oo shirka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda sida dhow ay u wadashaqeeyaan isagoo sheegay in shirkan uu muhiim u yahay qaranka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo shirka furay ayaa sheegay inay ka go’antahay la shaqeeynta hay’adaha dowladda ee ay shaqada ka dhaxeeyso.

“Waxaa farxad ii ah anigoo dhawaan la wareegay shaqada Wasaaradda inaan maanta ka soo qaybgalo kulan howleedkan, waxaa naga go’an ka miro-dhalinta dib-u-eegista Dastuurka taasina waxay ku imaaneysaa inaan wadashaqeyn wanaagsan la yeelano dhamaan Gudiyada iyo hay’adaha dowladda” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambayn, waxaa shirkan inta uu socdo looga doodi doonaa is waafajinta xulushada qaabaynta Dowlad Goboleedyada iyo qodobka 49aad ee Dastuurka.

Maxkamadda Gobolka banaadir oo u fadhiisatay Dacwada Dilkii Marxuum Axmed Dowle

0

Muqdisho (SNTV)–Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay u fadhiisatay dacwad ay horgeeyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha, kaasi oo ku saabsan Dawaddii Marxuum Axmed Muqtar (Axmed Dowle), kaasoo lagu gubay Degmada Yaaqshid taariikhdu markay aheyd 20.9 .2018-kii ee sanadkii la soo dhaafay.

Waxaana Dacwadaan u eedeysan todobo Ruux , iyadoo seddax ka mid ahna la soo qabtay taariikhdu marki ay ahayd 21.09.2018-ki, halka seddax kale oo ku eedeysan dacwadan la soo qabtay 17.10.2018-kii, halka eedeysaneha todobaad uu yahay maqane.

Markii dacwadda la guda galay waxaa caddeymo iyo maragyo soo gudbiayay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Dood dheer kadib Maxkamadda ayaa go’aamisay in fadhi kale la isugu yimaado maalinta arbacada ah taariikhdu ay ku beegan tahay 24.04.2019-ka, si dacwadu u sii socoto.

Eng. Yarisow “Argagaxisadu ha ogaato in Shacab iyo Ciidan midna aysan ka baxsan karin”

0

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa uga mahadceliyey shacabka Caasimadda, gaar ahaan Degmada Warta-Nabadda sida ay gacanta uga geysanayaan sugidda ammaanka Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa xusay in xalay fiidkii ay Booliisku gacanta ku soo dhigeen shakhsi dhagar-qabe ah oo bam gacmeed tuuray, kadib markii ay shacabka degmadu gacan ku siiyeen Ciidamadda ammaanka.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in kooxaha argagixisada ay meel walba uga dabatagayaan, maadaama ay bulshada Caasimaddu diyaar u tahay in kaalintooda ay ka qaataan cid walba oo carqaladeynaysa ammaanka.

“Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Warta-Nabadda oo Booliiska farta ugu fiiqay shakhsi argagixiso ah oo bam gacmeed tuuray, kadibna gurigii uu galay looga dabategey ciidankuna ay gacanta ku soo dhigeen. Argagaxisadu ha ogaato in bulshadu go’aansatay meel in looga soo wadajeesto danbiile walba ”

Duqa Muqdisho ayaa ku ammaanay bulshada ku nool Gobolka Banaadir sida ay had iyo jeer uga digtoon yihiin kooxaha caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed, waxuna ku dhiirigeliyey in ay sii wadaan kaalintooda ku aaddan sugidda amniga, bacdamaa aysan argagixisadu cid gaar ah beegsanayeen oo baneysteen dhigga ummadda Soomaaliyeed.

Ciidanka Ammaanka oo Miinooyin aad u culus kasoo saaray Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

0

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho, ayaa Warbaahinta sharaxaad ka siisay Howlgalada amniga lagu sugayo ee Ciidanka Ammaanka ay ka wadaan Muqdisho.

Gen. Zakia ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen in Miinooyin aad u culus oo nooca Taangiga ah ay ka soo saaraan Hareeraha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasi oo argagixisada ay doonayeen inay ku dhibaateen dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegtay in Ciidanka Amaanka ay gacanta ku hayaan 16 Ruux oo lagu tuhmayo Argagixisada Alshabaab inay ka tirsan yihiin iyo dhagar qabe kale oo isaggoo falal amni darro ku howlan gacanta lagu soo dhigay, waxaana ay xustay in raggaan ay baaris ku socoto, dibna ay kasoo sheegi doonaan natiijada.

Ugu dambeyn Gen. Zakia ayaa tilmaamtay in Ciidanka Ammaanka ay ku raad joogaan Xubo ka tirsan Maleeshiyada arxanka darran ee Alshabaab, kuwaasi oo ku dhex dhuumanaya Bulshadda Dhexdeeda.