Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Baraha Ciidanka Amnigu Ku Leeyihiin Wadooyinka Muqdisho

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay kormeer kedis ah ku tegay baraha ay waddooyinka Muqdisho uga suganyihiin ciidamada amniga ee sugaya amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Kormeerka ayuu qorshihiisu ahaa in Ra’iisul wasasaruhu u kuur galo sida ay u socdaan howla amni sugidda ee ciidanku wadaan iyo in ciidanka uu ku dhiirri geliyo dadaalka ay ugu jiraan ilaalinta amniga mawaadiniinta iyo hantidooda.

Ra’iisul Wasaaruha ayaa maray dhammaan baraha ciidamadu ay ku leeyihiin waddooyinka Warshadaha, Sodonka, Wadnaha iyo Maka Al-mukarrama.

Kormeerka kadib ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kulan la qaatay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka gobalka Banaadir, waxa uuna la wadaagay xogtii uu soo helay intii uu kormeerka ku jiray, isaga oo faray in la dardar-geliyo dadaallada lagu sugayo amniga iyo in loo nuglaado shacabka amnigooda la sugayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...