Ciidamada Myanmar oo mar kale ku dhaqaaqay dambiyo dagaal

Date:

Heyโ€™adda Qaramada Mdoobay u qaabilsan Xuquuqul Insaanka (Amnesty ย International)ayaa sheegtay in ciidamada Myanmar ay soo cusbooneysiiyeen weerarada lagu xasuuqayo Muslimiinta Rohingya ee ku nool gobolka Rakhine .

Hey;adda ayaa xustay in ciidamada Barma ay mar kale fuliyeen falal xasuuqa ah oo la mid ah kii dhacay sanadkii 2017-dii ,kaas oo loo geysanaayo dadka Muslimiinta,gaar ahaan jabhadda ย ka dagaalanta Woqooyiga gobolkaasi.

Boqolaal qof ayaa ka barakacay dagaalada u dhexeeya ciidamada iyo jabhadda Mayanmar,waxaana ย dad dhibanayaal ah ay sheegayaan in ciidamo ka socda qeybaha 22-aad iyo 55-aad ay wacaan howlgallo xasuuq ah oo lagu baacsanaayo muslimiinta.

Warbixin ay soo saartay Heyโ€™adda Xuquuqul Insaanka maalinimadii Arbacada ayaa lagu sheegay in baaritaan la sameeyay ay muujinayaan in ciidamada Myanmar ay ku dhaqaaqeen dambiyo dagaal iyo xadgudub xagga binโ€™aadanimada ah.

Hey;addu waxa ay ku baaqday in xasuuqa ka dhacay gobolka ismaamulka Rakhine loo gudbiyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada,isla markaana dalkaasi la saaro ย cunaqabateyn buuxda.

Khilaafka ka jira Myanmar ayaa kordhay bishii Janaayo ee la soo dhaafay,ka dib markii 13-sarkaal ay dileen Jabhadda Arakan-ka ee la dagaalanta ciidamada dalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale