Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah, ayaa ugu baaqay Maamullada Degmooyinka Caasimadda inay dardargeliyaan ilaalinta bilicda iyo nadaafadda magaalada, ka qaybqaadashada dadaallada lagu xoojinayo amniga, iyo u-diyaargarowga Doorashada Golaha Deegaanka ee dhawaan ka dhici doonta Muqdisho.

Dr. Muungaab oo shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamullada Degmooyinka, ayaa si gaar ah uga hadlay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah xal loogu helo caqabadaha ka jira dhanka bullaacadaha, biyo-mareennada iyo boosaneerrada si sharci-darro ah looga dhisay waddooyinka. Waxa uu sheegay in arrintaasi ay kordhinayso khatarta fatahaadaha xilliyada roobabka, maadaama biyo-mareennada magaalada ay xirmaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay abaabulka iyo isku-duwidda bulshada si ay uga qaybqaataan u-diyaargarowga Doorashada Golaha Deegaanka. Waxa uu ku boorriyay shacabka iyo hay’adaha amniga inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda nabadgelyada iyo ka hortagga kooxaha amni-darrada sameeya.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Yabooh, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, Agaasimayaal, iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...