Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha

Date:

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta u magacaabay Dr. Xasan Cadaay Cali Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle.

Dr. Xasan Cadaay ayaa hore uga soo shaqeeyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Danqaran, halkaas oo uu door muhiim ah ka qaatay howlaha caafimaadka iyo xiriirka hay’adaha dowladda. Sidoo kale, waxa uu sanadkii 2021 u tartamay kursiga Senatorka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Magacaabistiisa ayaa lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo hannaanka maamul iyo wada-shaqeynta dowladaha hoose, iyadoo lagu wado inuu hormuud ka noqdo dadaallada lagu dhisayo dowladnimo daahfuran iyo adeegyo bulshada u dhow.

Maamulka Hirshabeelle ayaa hore u sheegtay in ay dardargelin doonto dib-u-habaynta maamulka gudaha iyo xoojinta xiriirka dowladaha hoose, taas oo qeyb ka ah qorshaha guud ee kor u qaadista hufnaanta iyo maamul wanaagga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...