Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2026

Date:

Shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, oo uu guddoomiyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa lagu ansixiyay filashada miisaaniyadda sannadka 2026, taas oo dhan $44,355,094.12.

Shirka ayaa marka hore lagu dhaariyey dhammaan wasiirradii iyo wasiiru-dowlayashii cusub ee loo magacaabay Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose, Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyo Maaliyadda.

Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga warbixisay weerar ay macawiisleydu ka fuliyeen degmada Mahadaay, kaas oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay xeerka qoondeynta miisaaniyadda 2026, halka Wasaaradda Warfaafintu ay soo gudbisay warbixin la xiriirta warbaahinta iyo dalxiiska ee Hirshabeelle.

Madaxweynuhu waxa uu kulanka ka jeediyay su’aallo isla xisaabtan ah, isaga oo dul istaagay shaqooyin hortebin leh oo gaabis ku yimid.

Ugu dambayn, Golaha Wasiirradu waxay si rasmi ah u ansixiyeen filashada miisaaniyadda sannadka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...