Agaasimaha Madaxtooyada oo la kulmay hawlwadeennada Barnaamijka Aqoonsiga Qaran iyo Xarunta Korjoogteynta Maaliyadda

Date:

Muqdisho (SNTV) Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi Fuursade ayaa kulammo gaar gaar ah la yeeshay hawlwadeennada Barnaamijka Aqoonsiga Qaran ee Muwaadiniinta (National ID) iyo Xarunta Korjoogteynta Maaliyadda.

Kooxda Barnaamijka Kaararka Aqoonsiga Qaran ayaa uga warbixiyey Agaasimaha wixii uga qabsoomay barnaamijkan muddadii la soo dhaafay iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha dowladda ee qaybta ka ah qorshaha sameynta Kaararka Aqoonsiga Qaran.

Dr. Nuur Diiriye Xirsi oo tilmaamay muhiimadda uu barnamijkani u leeyahay ganacsiga, amniga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa ku adkeeyey khabiirradan Soomaaliyeed ee ka shaqeynaya barnaamijka in ay si dhaw ugala shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka ee Xukuumadda.

Dhanka kale, khubarada Xarunta Korjoogteynta Maaliyadda ayaa la wadaagay Agaasimaha muhiimadda Barnaamijka Aqoonsiga Qaran uu u leeyahay dagaalka maaliyadeed ee ka dhanka ah argagixisada iyo in laga dabargooyo ilaha dhaqaale ee maalgaliya falalka arxan darrada ah ee ay ku beegsadaan shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa kula dardaarmay hawlwadeennada xaruntan in ay darargeliyaan shaqadooda, maadaama ay kaalin ka qaadan karaan qorshaha Dowladda ee la dagaalanka musuqmaasuqa iyo sumcad soo celinta dhaqaalaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...