Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Ku ammaanay Shacabka Sida ay ula shaqeeyaan Ciidanka Ammaanka

Date:

SNTV:- Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Injireer; C/raxmaan Cumar (Yariisoow), oo Xalay guddoomiyay Shirka amniga Caasimadda ayaa daboolka ka qaaday in is beddel weyn lagu sameeyay sugidda nabadgelyada saddex Bil iyo 10 Cisho ka hor, aadna looga dareemay ammaanka Gobalka Banaadir inta uu qorshahaasi shaqeynayay.

Isagoo sheegay in ay laamaha ammaanku fashiliyeen qarax iyo isku day weerar, taasina ay marqaati ka tahay in Ciidamada geesiyaasha ay u heellan yihiin difaaca Dalkooda, isagoo sidoo kale ku ammaanay Shacabka Soomaaliyeed feejignaanta weyn ee ay muujiyeen.

Duqa magaalada ahna Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa tibaaxay in ay maamulka Gobolka, degmooyinka, hay’adaha ammaanka iyo shacabka intaba isku xireen, taas oo sababtay in ay habeen kasta qabtaan kulan looga hadlo halka uu marayo ammaanka magaalo madaxda Muqdisho.

C/raxmaan Cumar Cismaan oo la hadlayay mas’uuliyiinta ayaa faray in ilaaladooda ay qaataan lebiska lagu yaqaan, wuxuuna sidoo kale digniin u diray askarta Millitariga ah ee tuutaha ku mara dariiqyada , isagoo u soo jeediyay in ay isu sheegaan ciidanka ammaanka ee kahawlgala  Waddooyinka, si aysan ugu soo dhex dhuuman argagixisada Al-Shabaab.

Mar uu la hadlayay guddoomiyaha dadka leh milkiyadda noocyada kala gedisan ee gaadiidka Ayaa ugu baaqay in ay samaystaan aqoonsiyo, is diiwaan geliyaan, bixiyaan canshuuraha ku waajibay, noqdaan muwaadiniin dhab ah oo Soomaaliyeed, haddii ay iska iibinayaanna ay ka beddelaan Magacooda, haddii kale ay ciqaabteeda dusha u ridan doonaan.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa ugu dambeeyntii usheegay in cadowga ummadda Soomaaliyeed uu yahay hal taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab, waxaana uu ku bogaadiyay in ay lagama maarmaan tahay in halo o keliya looga soo wadajeesto, isagoo ku ammaanay Dad weynaha Muqdisho sida ay har iyo habeen u garab taagan yihiin Ciidanka amniga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...