James Swan, Ergayga QM ee Soomaaliya Oo Magaalada Garowe Kula Kulmay Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland, Saciid Deni.

Date:

SNTV: – Booqashadani oo ahayd safarkii ugu horreeyay oo uu ku tago mid ka mid ah xarunta maamul gobolleed taniyo markii la magacaabay oo uu dhowaan Muqdisho yimid, Ergayga cusub ee QM ee Soomaaliya ayaa ku nuux-nuuxsaday taageerada ay dunida u hayso horumarinta barnaamijyada iyo wadahadallada dhex maraya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedyada xubnaha ka ah.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha QM ee Soomaaliya, James Swan oo shalay gaaray magaalada Garowe, xarunta Puntland, oo xubin ka ah maamulada Federaalka ee dhinaca waqooyi bari, si uu halkaasi ugula kulmo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Maxamed Deni islamarkaana ay uga wadahadlaan arrimo muhiim u ah howlaha iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay ay ka fullinayso Soomaaliya.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan booqdo Puntland lana qaato kulan waxtar leh madaxweyne Saciid Cabdullaahi Maxamed iyadoo ay wehliyaan xubnaha golihiisa wasiirada,” ayuu yiri Mr. Swan, oo ah madaxa Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ugu qaabilsan Howlgalka Soomaaliya ee loo soo gaabiyo UNSOM.

“Qaramada Midoobay waa sida hal qoys oo si weyn ugu howlan in ay ka qabtaan shaqooyin kala gedisan gudaha Puntland kuwaasi oo ku bilowday xafiisyo ka shaqeeya kaalmada beni’aadannimada ee gaaray meel dhexaad iyo in ay isu rogaan mashaariicyo gaarsiisan waqtiga dheer.

“Waxaan rajaynayaa inaan wadashaqeeyn doono dadka Puntland iyo Maamulada Xubnaha ka ah Federaalka si ay howlaha xafiiska UNSOM iyo barnaamijyada hay’adaha Qaramada Midoobay u noqdaan kuwa si guul leh loo hirgeliyo. Taasi oo ay kamid tahay dadaalada lagu taageerayo wadahadallo dhammeystiran oo ay yeeshaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul gobolleedyada xubnaha ka ah Federaalka,” ayuu yiri Swan.

Wakiilka Gaarka ah ee QM Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in xal nabadeed loo helo muranka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, ee gudaha gobollada Sool iyo Sanaag, kaasi oo bilihii dhowaa sababay dagaal kadhacay deegaanka Tukaraq.

Madaxweyne Deni oo xilliga shirka jiraa’id hadal jeediyay ayaa dhinaciisa daaha ka qaaday in wadahadalladii dhexmaray isaga iyo ergayga QM ay diiradda ku saareen Horumarinta Kaalmada Beni’aadannimada, Ammaanka iyo Siyaasadda.

“Waxaan si taxadar leh uga hadalnay xaaladaha muhiimadda gaarka ah ee horumarka nabadda iyo dadaalka dib u dhiska maamul wanaagga gudaha Soomaaliya, iyo sidii xagga hore loogu ambaqaadi lahaa Federaaliisam-ka,” sidaasi waxaa sheegay madaxweyne Saciid Deni oo intaasi ku daray in Puntland ay door xasaasi ah ka cayaarayso nabad raadinta Soomaaliya.

“Waxaan u cadeeynay inaan diyaar u nahay inaan doorkeena ka qaadanno dadaalada horey loogu sii wadayo Soomaaliya,” sidaasi waxaa ku nuux-nuuxsaday Deni.

Wakiil gaarka ah ee QM ayaa sidoo kale la kulmay shaqaalaha QM ee ku sugan Garowe waxaana uu aad ugu ammaanay sida ay uga go’an tahay taageerada ay siinayaan Soomaaliya si ay u soo hagaagto nolosha dadka Soomaaliyeed.

James Swan, ayaa waxaa safarka ku wehlinayay Agaasimaha Barnaamijka Cunnada QM ee loo soo gaabiyo WFP Laurent Bukera iyo madaxa xafiiska QM ee Isku dubaridka Arimaha Beni’aadantinimada ee Justin Brady.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku ammaanay ergayga cusub ee QM ee Soomaaliya sida uu go’aankiisa ugu xushay in Puntland ay noqoto goobtii koowaad ee uu magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya uu booqasho ku  tago.

Mudadii uu joogay Puntland, waxa uu booqday mashruuca ay taageerto hay’adda WPF ee ka socda deegaanka Laac-dheere, kaasi oo loogu talo galay in kor loogu qaado Horumarinta Noloshada iyo Adkeysiga Bulshada Deegaanka, Ergayga ayaa booqasho ku bixiyay dhul beereed weyn oo wax soosaarkiisa looga faa’iideeystay habka Waraabka biyaha ee loo isticmaalayo waxa loo yaqaano Awoodda aaladda cad-ceedda ee solar-ka taasi oo si wanaagsan gacan uga geysatay horumarinta wax soosaarka miro kala duwan oo ay khudaarta ka mid tahay ee tabcashada beeraha.

The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, James Swan meets with the President of Puntland Said Abdullahi Deni in Garowe during a working visit to the state on 08 July 2019. UN Photo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...