Guddoomiyaha golasha Shacabka Soomaaliya oo gaaray Xuddur

Date:

Xuddur-(SNTV)-Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya , Maxamed Mukhtaar Sheekh C/raxmaan, ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool.

Mudane; Mursal, ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka xannaanada Xoolaha, Wasiirka gargaarka iyo maareynta musoobooyinka, Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa guddoomiyaha Garoonka Diyaaradaha kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed , Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen) Wasiirro , Xildhibaanno horay ugu sugnaa Magaalada Xuddur, maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane; Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen ) ayaa ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka ugu mahad celiyay booqashada ay ku tageen Xuddur iyo sida waddaniyadda leh ee uu wax ula qeybsanaya Shacabka ku dhaqan Koofur Galbeed.

Gudoomiyaha golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan , ayaa ujeeddada safarkooda ay ku tageen Xuddur ku sheegay, in ay Bulshada halkaasi ku dhaqan u kuur galaan xaaladaha ay ku sugan yihiin, baahiyaha jirana ay ka jawaabaan.

Wuxuu Guddoomiye Mursal, ammaan ballaaran usoo jeediyay, Madaxweyne Lafta gareen iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo horay ugu sugnaa Xuddur, wuxuuna ku tilmaamay mas’uuliyiin u heellan Shacabkooda, mar walbana u taagan horumarinta degaannada Koofur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...