Wasiir Goodax Barre oo bogaadiyay tallaabaddii ciidanka Booliisku ay ku toogteen 4tii argagixisada ee shalay

Date:

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa boogaadiyey tallaabadii Ciidanka Boolisku ka qaadeen Koox dhagar qabayaal ah oo doonayey inay dilaan Lataliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare.

Wasiirka ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Faceboogga ku yiri“Waxaan bogaadinayaa uguna hambalyeynayaa Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Howlwadaag feejignaanta iyo dhiifoonaanta ay dhagar qabayaasha uga hortageen in ay dhibaato u geystaan La-taliyaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Arrimaha Dhulka iyo Hantida Maguurtada.

Wasiir Cabdullaahi Goodax ayaa xusay in tallaabada ay ku dhaqaaqeen ciidanka ay tahay  guul u soo hoyatay dhammaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, wuxuuna u ay  in ay sii laba jibbaaraan ilalinta iyo  badbaadinta bulshada Soomaaliyeed”.

Shalay ayay ahayd markii ciidamada Booliiska degmada H/wadaag ay  hortageen fal ay argagixisadu ku doonayeen in ay ku dilaan mas”uul ka tirsan wasaaradda Waxbarashada,Waxaana ciidamada ay halkaasi ku toogteen afartii dhagarqabe ee falka arxan la’aanta ah ku guda jiray,  kuwaasi oo kala ahaa seddex rag ah iyo hal dumar ah

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...