Home Blog Page 1022

Shirka Ka faa’ideysiga Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta Oo Kusoo Gebo gaboobay Baydhabo ‘Sawirro’

0

Baydhabo (SNTV) Waxaa Magaalada Baydhaba ku soo gaba-gaboobey Kulanka Wadatashiga Ka faa’ideystayaasha Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta kaas oo socday  intii u dhexeysay 13ka illaa 15ka Agoosto 2019ka.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee Dawladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan si rasmi ah u furey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta waxaa soo xirey Guddoomiyaha baarlamaanka Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Waxaa ka soo qeybgaley Wasiirka Wasaaradda WBI&T, Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan iyo Wasiir-dowlaha WBI&T, Mudane Xildh. Cabdullaahi Bile Nuur; Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee HirShabeelle, Mudane Xildh. Eng. Cabdiwali Sheekh Cali; Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Koonfur Galbeed, Mudane Xildh. Mohamednuur Sheekh Cadde; Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska ee Puntland Mudane Cali Xassan Axmed ayaa waxaa looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomey shirkii wadatashiga ahaa ee ka qabsoomay Magaaladda Muqdisho intii u dhaxaysay 16-18, Abriil 2019.

Shirkan oo muddo seddex maalmood ah ka socday Magaalada Baydhabo oo ay ka soo qeybgaleen sidoo kale Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Boostada, Isgaarsiinta ee heer federaal iyo heer Dawlad-goboleed, Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta, Bahda Waxbarashada sare, Jaamacadda Ummada iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxa ay masuuliyiinta ka soo qeybgalay Shirka wada-tashiga isla meel-dhigeen qodobadan hoos ku xusan:

  1. Waxa ay uga mahadceliyeen Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee DFS kulankan wadatashiga ah iyo kii ka horeeyeyba waxa ayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada nuucan oo kale ah.
  2. Waxa ay bogaadiyeen shaqooyinkii qabsoomey intii u dhaxeysay labada shir weyne taasi oo la fuliyey shaqooyinkii lagu balamay badankooda inta harsanna ay socoto shaqadoodu iyada oo ay ka wada shaqaynayaan WBIT heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta iyo Bankiga Aduunku.
  3. Waxa ay soo dhaweeyeen sida quruxda badan ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadd heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed uga wada shaqeeyeen ka howl gelidda iyo dardar gelinta Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta wejigiisa Labaad iyo kan Sadexaad ee la rajaynayo.
  4. Waxa la isla qaatay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo ka faa’ideysashada mashruuca Cusub ee Dadaalka Geeska Afrika, kaasi oo war bixin ku saabsan goobta uu MTI ku soo bandhigey. Dhamaan kasoo qeyb galayaashuna ay soo dhaweeyeen mashruucaa laguna balamay in dhamaan ka faa’ideystayaasha kala duwan ay si mug leh uga qeyb qaataan.
  5. Waxaa la’isku raacay in shirka kan xiga lagu qabto magaala madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabeella ee Jowhar.
  6. Waxaa Shirku uu u mahadceliyey Mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta oo gacan ka geystay qabsoomida shirweynahan wada-tashiga ah iyo waxyaabihii tiradda badnaa ee ay u qabteen dalka guud ahaan.
  7. Ugu danbeyn waxaa loo mahad celiyey Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay u marti geliyeen shirkan.

Dhammaad.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Hambalyeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Oo Guullo Ka soo Hooyay Gobalka Sh/Hoose

0

Muqdisho (SNTV) Gen. Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo goor dhow la hadlay warbaahinta qaranka ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidamada geesiyaasha ah ee Xoogga dalka kuwaasi oo shalay duruus dagaal u dhigay maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ka dib weerar ay ku qaadeen saldhig ciidanku ku leeyihiin degmada Aw-dheegle ee Gobolka shabeelada hoose.

Taliye Indha-qarshe ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalka ee saldhigaasi joogay ay tiradoodu aad u yareyd halka maleeshiyaadka soo weeraray ay aad u tiro badnaayeen isla markaana ay la kulmeen jab iyo qasaare xoogan oo aysan filaneynin.

Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in shacabka soomaaliyeedu aad ugu riyaqeen guusha ay soo hooyeen geesiyaasha qaranku.

Ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed ayaa shalay guul taariikhiya ka soo hooyay dagaal culus oo ay shalay la galeen maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Isku Ballaarinaya Deegaanno Ay Kamid yihiin Tooratoorow Iyo Mubaarak

0

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose Ibraahin Aadan Najar oo lahadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka xiligaan howlgalo kawadaan deegaannada Tooratoorow, Mubaarak iyo kuwa kale oo Argagaxisada Al Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen.

Ibraahim Aadan Najax oo ah Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in Ciidanku gacanta ku dhigeen Saldhigyo iyo Xarumo Al Shabaabku lahaayeen kadib markii ay isaga carareen.

Dadka deggan Gobalka Shabeellaha Hoose ee Shacabka ah ayaa qeyb ka qaadaanaya howlgalka iyaga oo gacansiinaya ciidanka halkaas ku sugan.

Madaxweynaha K/Galbeed oo La Kulmay Wafdi uu Hogaaminayo Madaxa Hay”adda WFP “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV) Wafdigan uu hogaaminayey Madaxa Hay”adda WFP Casar Arroyo ee Manta Soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa ujeedkiisa ahaa sidii ay u ogaan lahayeen Xaaladaha Kajira Deegnaadda Koonfur Galbeed Somaliya.

Xarunta Aqalka Madaxtooyada Kumeel Gaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo Wafdiga waxaa kulan kula Qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Qaar ka Tirsan Golihiisa Wasiirada

Waxaana Kulanka inta uu Socday looga hadlay Sidii Hay”adda WFP ay u kordhin lahayd Arimaha Gargaarka ee ay ka wado Deeganadda Koonfur Galbeed Somaliya Waxaana Madaxa Hay”adda WFP uu Sheegey inay kordhin Doonan Kaalmada Bini adan nimo ee ay ka wadan Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta-gareen” ayaa u mahadceliyey Madaxda Hay”adda WFP Waxaana uu ku dhiiro Geliyey inay kordhiyaan Joogeynta Kaalmada Bini’aadannimo ee ay ka shaqeynayso dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed.

Gen:- Odawaa oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen qar ka mid ah Argagaxisada soo weerartay Awdheegle

0

Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa maanta barqadii isku dayey inay weerar ku qaadaan Saldhigga Ciidanka Xoogga dalka ee degmada Awdheegle gobolka Shabeellaha Hoose balse Ciidanka oo ka warqabay dhagarta Argagaxisada ayaa weerarkaas ka hortagay.

Ciidanka ayaa wadda howlgal ay kagaga sifaynayaan inta hartay haradiga Al Shabaab ee weerarka ku soo qaaday Awdheegle  si ay u qalqal gilyaan shacabka ku soo noqonyay goobah ay ciidamadu kala wareegen,Taliyaha ciidanka lugta ee xoogga dalka ayaa sheegay in ay si socon doonnaan  howlgaladda lagu xorreynayo deegaanada yar ee ku harsan gacanta arxan lawayaasha  Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Luqta General Yuusuf Raage Odawaa oo lahadlay  warbaahinta qaranka  ayaa sheegay in degmada Owdheegle yaaliin hadda meydadka raggii weerarka soo qaaday kuwaas oo aan ilaa yaa hada laga qadiin goobtay ay ku jabeen .

Dhanka kale Taliyaha ayaa sheegay in gacanta ay ku  dhigay  qar ka mid ah maleeshiyaadkii soo qaaday weerarka maantay barqonimadii.

Horjooge Cali Dheere oo dhaawac culus ka soo gaaray howlgal ka dhacay Shabeellaha hoose

0

Wararka naga soo garaya gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in dhaawac culus uu kasoo gaaray horjooge Cali Maxamuud Raage Cali dheere uu ku dhaawacmay howlgal ay ka sameyeen ciidamada  xoogga dalka   Deegaanka Shaam oo hoostaga Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose .

Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa  dhacay 11-kii bishan ,ka si oo lagu bartilmaameydsanayay maleeshiyadda ka tirsan Al Shabaab  oo ku sugna deegaanka Shaam oo u dhexeya Bariire iyo Awdheegle oo kawadda tirsan Shabeelaha Hoose.

Maleeshiyaad uu la socday Horjooge Cali Dheere ayaa waxaa lasheegay in ay uga dhinteen ku dhawad 17- maleeshiyaad ah oo lasocday.

Weerarka ayaa sidoo kale,waxaa Al-Shabaab uga dhaawacmaya 25-kale oo uu ku jiro Afhayeenkooda dhaawac ka soo gaaray,waxaana hadda dhaawaca Cali Dheere lagu hayaa deegaanka Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeelaha hoose,sida ay saaraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka u xaqiijiyeen Idaacada Codka Ciidamadda.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa dhawaan maleeshiyadda Al-Shabaab ka saaray deegaanka  Awdheegle oo mudo ay ku dhibaateynayeen dadka shacabka ah,waxaana hadda degmadaasi dib ugu soo labtay dadkii horay uga barakacay oo ay  handadaada Al-Shabaab  ku hayeen.

 

Xujeyda Soomaaliyeed oo bogadiyay Dowladda kaalinta ay ka qadatay tayeynta adeegyadda Xujeyda sanadkan

0

Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan soo gudanaysa  waajibaadka Xajka ayaa bogadiyey kaalinta ay ka qadtay dawladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan tayeynta adeegyada ay helayaan xujeyda Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah xujeyda ayaa sheegay in sanadkan iyo sanadii hore farqi wayni u dhexeeyo sida loogu adeegay, marka la eego sida loogu fuduudeyay helida dalka ku galka  ama Visaha iyo adeegyada gaadiidka ,hoyga  ay ku heleen xajka sanadkan.

Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta iyo mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Sucuudiga ayaa si toos ah u booqanayey meelaha la dajiyey Xujeyda, si ay u hubiyaan adeegyada ay helayaan dalka Soomaaliyeed ee soo gudanaya Acmaasha Xajka.

Howlgal ka dhan ah Argagaxisada oo ay ka waddan Ciidanka Xoogga gobolka Shabeelaha Hoose

0

Ciidanka Xoogga dalka ayaa wadda Howlgalo lagu bartilmaameyd sanayo  Kooxda Al-Shabaab looga na saarayo goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgalkaan ay ka waddan gobolka waxay ku bacsanayeen  haradiga  Argagaxisada sidoo kale waxay kala wareegeen goobo ay shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateynayeen, intii u socday hawlgalka ayaa ciidanka xoogga dalka waxay ku dileen  Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab halka kuwo kale na ay ku dhaawaceen.

General Yuusuf Raage Odawaa Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay Ciidanku Howlgalkooda Kooxda Al Shabaab sii socon doono tan iyo inta laga siifeynayo Maleeshiyaadka Al Shabaab.

“Waxaan rajeynayaa insha allah in goobo badan oo Kooxda Al Shabaab ku sugan yihiin gaari doonaan Ciidanka qalabka sida waxaana jira qorshe balaaran oo ka dhan ah Al Shabaab” sidaas waxaa yiri Taliye Odawaa

Seynisyaanno Mareykan ah oo soo saray Daawo looga hortagyo Cudurka Epola

0

Tijaabooyin lagu sameeyay daawooyin looga hortagay Epola ayaa waxay ka dhigayaan mid  xaal ku meelgar ah loogu helay  Cudurka Epola daawada hataan martay tijaabada ayaa muujiynaysa  horumar dhanka latacaalidda Cudurka Epola, waxaana la sheegay 90% uu  badbaadin karo bukaanada qaba cudurkaasi.

Seynisyahanno ka soo jeeda Mareykanka oo ka socda Mac-hadka qaabilsan cudurada Xasaasiyadda iyo Caabuqa(Allergy and Infectious )ayaa sheegay in tijaabooyin lagu sameeyay daawooyinka REGN-EB3 iyo mAb114 la ogaaday in ay awood u leeyihiin difaaca unugyada jirka ee uu haleelo cudurka Epola.

Afar nuuc oo daawooyin ah ayaa lagu tijaabiyay bukanno qaba cudurka Epola oo rer Koongo ah,halkaasi oo ah meeshii uu ka dillaacay cudurkasi,waxaana dib loo dhigay ama la celiya daawooyinka ZMapp iyo Remdesivir ,ka dib markii la ogaaday in ay ka saameyn yar yihiin tijaabinta daawooyinka REGN-EB3 iyo mAb114 .

Saraakiil xagga Caafimaadka ah ayaa sheegay in daawooyinkaasi ay wax ka tari doonaan cudurka Epola ,isla markaana 90% ay ku badbaadi doonaan dadka reer Koongo ee uu haleelay cudurkaasi.

Madaxweynaha KG Oo Amar Ku Bixiyay in La Soo Xero Dadka Lagu Tuhmayo Dilalkii Ka Dhacay Baydhabo

0

Baydhabo (SNTV) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay Magaalada Baydhabo kuwaas oo loo dilay aano qabiil sida la sheegay.

Madaxweyne Laftagareen oo ka qeyb galay aas shalay galinkii dambe loo sameeyey Allah u naxariistee Siyaasi hore Cali Aadan Marguus ayaa sheegay in Maamulku talaabo adag ka qaadi doono dadka aanooyinka qabiil dadka u dila.

Waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamada Amniga ee Magaalada Baydhabo uu ku amray inay wax ka qabtaan dadka qoryaha ku dhex wata Baydhabo kuwaas oo waliba sida sharci darada ah u dhaqma.

“Kuwa dilalkan oo geysanaaya oo sida xun u fekeraayo waxaan leenahay hadii aad dhibta kula soo noqotaan shacabka,lama aqbalaayo,nin aan ka tirsanayn ciidanka qalabka sida dhinacyadoodi kala duwan,kuwa amniga sugaya waxa aan ka ahayn laguma arki karo magaalada,waxaana amar ku bixinayaa in la soo qabto dadkii ka dambeyeey dilalkii dhacay”.ayuu yiri madaxweynaha K/Galbeed.

Maalintii shalay ayaa dilal siyaabo kala duwan waxaa ay uga dheceen magaalada Baydhabo nawaaxigeeda,waxaana kamid ahaa dadkii la dilay AUN Cali Aaadan Marguus oo kamid ahaa ganacsatada deegaankaasi.