Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad lagu laayay Shabeellaha Hoose

Date:

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay duqaymo iyo weeraro toos ah oo ka dhacay gobalkaas lagu laayay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Saraakiil la hadlay Warbaahinta Qaranka oo ku sugan Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijiyay in duqayntaan ay ahyd mid bartilmaameed ah, oo lagu beegsaday Horjoogayaal ka tirsan Argagixisada sidoo kalana lagu laayay maleeshiyaad badan.

Saraakiisha ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalkaan uu ka dhacay deegaano kala duwan oo ka tirsan Gobalka.

Howlgalkaan ayaa daba socda howlgal dhowaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay kula wareegeen degmada Owdheegle iyo deegaano kale oo istaraatiiji ah oo Al-Shabaab dhibaatooyin badan ay ugu gaysan jireen shacab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...