Home Blog Page 102

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho u magacaabey Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Cameroon Samuel Eto’o iyo cayaaryahano kale oo caan ah oo ka soo jeeda qaaradda Africa.

3- Golaha Wasiirrada ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa kaga dooday xaaladda amniga guud ee dalka iyo guulaha laga soo hoyay hawlgallada dalka looga xorreynayo Khawaarijta ee ay horkacayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoyska ,ehellada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Allah ha u naxariistee S/Guuto Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo horay u soo noqday Wasiirkii Gaashaandhigga ee Soomaaliya.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay daawashada ciyaar saaxiibitimo oo taariikhi ah, taas oo dhex martay halyeeyadii hore ee xulka Qaranka iyo kuwa Qaaradda Afrika oo ay ka mid ahaayeen Samuel Eto’o, Jay-Jay Okocha iyo Emmanuel Adebayor.

6- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka kooban Wasiirro iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka shaqeynaya xuska toddobaadka xorriyadda dalkeenna.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, isagoo sheegay in wasaaraddani ay tusaale u tahay isku tashiga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dib-u-dhiska iyo horumarinta xarumaha dowladda.

8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu hawlgelinayey Hey’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha ee (SARIS).

9- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamuud Cabdiraxmaan. Sheekh Faarax ayaa furay kulanka daabacaadda labaad ee warbixinta Oddoroska Dhaqaalaha Soomaaliya.

10- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaablisan Soomaaliya, James Swan, iyagoo ka wadahadley geeddi-socodka Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

11- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Md. Wang Yu.

12- Agaasimaha Hey’adda Nabadsugidda (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xogga Dalka, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa waxa ay kulamo gaar ah la yeesheen odayaasha dhaqanka ee degaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, iyagoo kala hadlay Dardar-gelinta dagaalka.

13- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa nuqulka warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Midowday (UK) u fadhin doona Soomaaliya Amb. Charles King.

14- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Pier Dacco Coppi, waxaana kulankaasi diiradda lagu saraay iskaashiga dhinaca difaaca iyo amniga ee labada dal.

15- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa shir guddoomiyey kulanka billaha ah ee Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Federaalka ah.

16- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa ka qayb galey shir ay bulshada kaas oo jeedda degaannada Somaliland uga doodayeen dhameystirka dastuurka.

17- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay aqoonyahannada iyo haldoorka ka soo jeeda gobollada Sanaag iyo Bari ee ku sugan Muqdisho.

18- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Antoine Grand.

19- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al Caddaala) ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga Mudane Burhanettin Duran

20- Wasir Dowlaha Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Maryam Maxamed Xasan Mohamed ayaa ka qayb-gashay munaasabad lagu xusayey sannad guuradii 57-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Isbitaalka Madiina.

21- Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda (NISA) Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa booqday Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa degaanka ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka ee aagga degmada Aadan Yabaal.

22- Xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa gaaray magaalada Baydhabo, iyadoo halkaa laga bilaabi doona diiwaan gelinta codbixiyeyaasha.

23- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Difaaca ee dalka Masar, S/Gaas Cabdulmajiid Saqar ayaa khadka teleefoonka ku wada hadlay, iyagoo ka wada hadlay ciidamada Masar ee qeybta ka ah hawgalka cusub ee AUSSOM.

24- Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibedda Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in gogosha uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay qeyb ka yihiin madaxdii hore ee dalka soo xukuntay.

25- Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka qayb galay shirweynaha 92-aad ee Ururka Caafimaadka Xoolaha Adduunka (WOAH) oo lagu qabtay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

26- Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo xiray Shariif Maxamed Axmed oo ku eedeysan in uu dilay Marxuum Cabdifitaax Cabdi Cismaan oo ahaa ciyaaryahan kubadda cagta oo horay Xulka Qaranka Soomaaliya u soo cayaaray.

27- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa degaanka ay dagaal adag kula jiraan Khawaarijta.

28- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa Muqdisho ku qaabilay Madaxa Hay’adda Miino Baarista ee Qaramada Midoobay (UNMAS) ee Soomaaliya.

29- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

30- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Cabdixakiim Ashkir ayaa si rasmi ah u furay Shirka Wadajirka Bulshada Iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noq-noqda.

31- Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa dalka Tanzania Ugu qeybgaley shirka madaxda baarlamanka dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Bariga Afrika.

32- Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa qaabilay Wasiirka Caafimaadka ee Dawlad Goboleedka Khaatumo Dr. Yuusuf Saleebaan.

33- Wasiir Ku-Xigeenka Beeraha iyo Waraabka Marwo Sahra Yuusuf Cige ayaa dalka Brazil ugu qeyb-gashay Shirka 2-aad ee wadahadalada u dhexeeya Brazil iyo Afrika ee looga hadlayay Sugnaanta Cuntada, La Dagaalanka Gaajada iyo Horumarinta Miyiga.

Guddoomiyaha cusub ee G.Banaadir oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka 

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo ay hoggaaminayaan Imaam Daahir Imaam Maxamuud iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Ugu horeyn Odayaasha dhaqanka ayaa ugu Hambalyeeyay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Muungaab in markale loo magacaabo hogaanka Gobolka Banaadir, iyagoona ugu duceeyay in uu eebe kula garab galo mas’uuliyaddaasi.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka Xariiqay in Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ay kala shaqeyn doonnaan Dowlad-wanaaga, Amniga, dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo shir guddoomiyey kulanka hoggaannada Amniga

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyey kulanka hoggaannada, Taliyaasha Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxbannaan, kaasi oo looga hadlayey amniga guud ee dalka.

Kulanka ayaa warbixinno looga dhageystay saraakiisha amniga, kuwaas oo lagu faray kulamadii hore in ay dhaqan geliyaan qorshaha horumarinta amniga, si loo dardar-geliyo dadaallada lagu xoojinayo amniga una hortagaan falalka guracan ee ay wadaan kooxaha Khawaarijta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan maamulkaas.

Hoggaamiyaha dowlad goboleedka SSC-Khaatumo ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin kooban ka siiyay howlaha maamulka SSC-Khaatumo iyo shaqada uu u hayo bulshada ku nool deegaanadda maamulkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horreyn bogaadiyay dowlad goboleedka SSC-Khaatumo iyo shacabka deeganadaasi, ayaa kula dardaarmay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo howlaha uu haayo maamulkiisa iyo sidoo kale sida ay muhiim u tahay dhameystirka maamulkaasi.

Kulanka waxaa ka qeyb galay habdhowre ku-xigeenka golaha shacabka Xildhibaan Sahra Bundubte , xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) iyo sidoo kale Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka.

 

Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah oo Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ay ka gaareen guulo.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira badqabka diyaaradaha ka howgala dalkeenna iyo caqabadaha hortaaggan si xal loogu helo, iyada oo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo fulinta siyaasadda jaangoynta darajooyinka iyo mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda.

Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale u dallacsiiyey darajada Safiir, Mudane  Axmed Jaamac Cumar, iyada oo la tixgalinayo Aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa.

Wasiirka Hawlaha Guud oo Kulan miro-dhal ah la yeeshay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kulan la yeeshay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Marwo Kristina Svensson, xilli uu safar shaqo ku joogo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta iskaashiga ka dhaxeeya Wasaaradda iyo Bangiga Adduunka, iyadoo si gaar ah loo lafaguray horumarinta mashaariicda Bangiga ka taageero Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada Nagaad iyo Shiib.

Intii uu kulanka socday, labada dhinac waxa ay isku raaceen in la xoojiyo hannaanka fulinta mashaariicdaas, si waafaqsan qorshayaasha iyo jadwalka sannadeedka ee horey loo dejiyey, iyadoo la dardargelinayo habraacyada hirgelinta si loo xaqiijiyo miro-dhalkooda muddada dhow iyo tan fogba.

Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyey in la kordhiyo taageerada la xariirta dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, sida waddooyinka, Biyo-mareennada, iyo mashaariicda horumarineed ee saldhigga u ah kobaca dhaqaale, horumarka bulshada, iyo kor u qaadista isku xirnaanta gudaha dalka.

Gabagabadii, kulanka oo kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa, iyada oo la muujiyey yididiilo iyo rajo weyn oo ku aaddan sare u qaadidda iskaashiga wax ku oolka ah ee u dhexeeya Wasaaradda hawlaha guud iyo Bangiga Adduunka, taasoo horseedi karta horumar la taaban karo oo dalka ka hirgala.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddo interlock ah

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axme Diiriye (Yabooh), ayaa dhagax dhigay waddo interlock ah oo laga hirgelinaayo Waaxda Faanoole ee degmada Kaaraan.

Guddoomiye Yabooh ayaa ku bogaadiyay Maamulka iyo shacabka degmada Kaaraan isku tashiga ay ku dhisanayaan waddooyinka xaafadaha, taasi oo qeyb ka qaadaneysa bilicda iyo horumarka degmada.

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha degmada Kaaraan Mudane Faarax Cadaani, Odayaasha dhaqanka, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Muqdisho oo lagu qabtay kulanka qorshaha 7-aad ee horumarinta bulshada Barigga Afrika ee (2026–2031)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Shire, ayaa si rasmi ah u soo xiray kulan wadatashi oo laba cisho socday, kaas oo lagu falanqeeyay sidii Soomaaliya ay uga qeyb qaadan lahayd diyaarinta qorshaha 7-aad ee horumarinta bulshada Bariga Afrika ee (EAC Development Plan 2026–2031).

Kulankan oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan hay’adaha dowladda oo ay khuseyso arrimaha horumarinta, waxaana si wadajir ah loogu gogol xaaray aragtida iyo mudnaanta ay Soomaaliya dooneyso in lagu daro qorshaha cusub ee Bariga Afrika.

Intii uu socday kulanka, hay’adaha dowladda waxay soo bandhigeen halbeegyo iyo hortabinno qaran oo la jaanqaadaya himilooyinka horumarineed ee Soomaaliya shanta sano ee soo socota.

Mas’uuliyiintii shirka ka qeybgalay ayaa muujiyay muhiimadda iskaashi qaran iyo mid goboleed si Soomaaliya uga mid noqoto geeddi-socodka horumarineed ee Bariga Afrika.

Munaasabadda Xuska Maalinta Afrika oo si Qurux badan loogu xusay magaalada New Delhi

Munaasabadda Xuska Maalinta Afrika (Africa Day) ayaa si rasmi ah loogu qabtay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya. Xuskaan oo si weyn loo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay madax sare, diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socda dalalka Afrikaanka ah ee safaaradoodu tahay magaalada New Delhi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa munaasabadda ku metelay Danjiraha Safaaradda JFS ee Hindiya, Mudane Dr. Cabdillaahi Maxamed Odowaa, oo ay weheliyeen diblomaasiyiinta safaaradda iyo xubno ka socday madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee New Delhi.

Munaasabadda waxaa marti sharaf ku ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Hindiya, H.E. Dr. S. Jaishankar, kaas oo halkaas ka jeediyey khudbad qoto dheer oo dhinacyo badan taabaneysay. Wasiirku wuxuu u hambalyeeyay dalalka Qaaradda Afrika munaasabaddooda qaran, isagoo xusay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhaxeeya Hindiya iyo Afrika.

Sidoo kale, Wasiir Jaishankar wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta si loo gaaro horumar waara, xasillooni, iyo dan guud ee la wadaago.

SoDMA iyo QM oo qabtay kulan looga hadlayay xaaladaha bini’aadantinnimo ee dalka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa Muqdisho ku qabatay kulan si bille ah loogu gorfeeyo xaaladaha bani’aadannimo ee Wadankeenna, waxaana si wadajir ah u guddoomiyay kulankaan Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay George Conwey.

Shirkaan oo ay ka soo qeybgaleen Madaxa OCHA Soomaaliya iyo xubno ka socday labada dhinac, iyo khubarrada farsamada ee SoDMA, ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha dhaqaale ee heysta howlaha gurmadka, gaar ahaan yareynta lacagaha deeq-bixiyaasha iyo baahida loo qabo in dib loogu qiimeeyo howlaha iyo adeegyada hortabinta leh iyo mashaariicda hadda socda,

Labada dhinac ayaa isla gartay in si dhow loo qiimeeyo sidii loo wajihi lahaa arintaan , iyadoo la xoojinayo wadashaqeynta iyo isku-duwidda dadaallada bani’aadannimo guud ahaan dalka. SoDMA ayaa markale muujisay sida ay uga go’an tahay in ay la shaqeyso dhammaan bahwadaagta caalamiga ah si loo dhiso nidaam bani’aadannimo oo waxtar leh, lana tacaali kara xaaladaha adag ee bani’aadannimo ee dalkeenna ka jira.