Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos yimaada Wasaaradda.
Masuuliyiinta kulanka ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa:
– Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdullaahi Xayir Ducaale.
– Maareeyaha Guud ee Golaha Murtida iyo Madaddaalada, Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure.
– Maareeye ku-xigeenka Tiyaatarka, Abwaan Maki Xaaji Banaadir.
– Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA), Ismaaciil Cumar Muqtaar.
– Agaasimaha SNTV, Maxamedkaafi Abuukar Maxamed.
– Agaasimaha Radio Muqdisho, Cabdifataax Daahir Jayte.
Wasiirka ayaa masuuliyiintaasi ku bogaadiyay shaqadii hufnayd ee ay qabteen intii lagu guda jiray munaasabaddii xuska 25-aad ee shirka Carta, oo ka dhacday magaalada Jabuuti.
Sidoo kale, Wasiir Daa’uud Aweys wuxuu si gaar ah u ammaanay fannaaniinta Qaranka ee kooxda Waaberi iyo qeybaha kale ee bahda fanka, bandhigyadii ay ku soo bandhigeen munaasabaddaasi.
Wasiirka ayaa xusay in Warbaahinta Qaranka iyo tan gaarka loo leeyahayba ay muujiyeen dadaal muuqda oo mudan in lagu xusuusto xuska shirkii Carta, wuxuuna ku booriyay dhammaan bahda warbaahinta iyo fanka inay sii labanlaabaan dadaalkooda, ayna door muuqda ka qaataan hawlaha qaran ee ay ka mid yihiin:
– Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta
– Doorashooyinka
– Horumarinta dowlad-dhiska.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa door muhiim ah ka qaadatay qabanqaabada iyo hirgelinta xuska sanad-guuradii 25-aad ee shirka Carta, oo ahaa aas-aaska Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...