Home Blog Page 101

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo gaaray Gobolka Minnesota ee dalka Mareykankaย 

0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa soo gaaray Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. Wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaas.

Mudane Cadaale yaa maalmahan ku sugnaa magaalada Miami ee gobolka Florida, halkaas oo uu wafdigiisu kaga qaybgalay Shirweynaha Sanadlaha ah ee dalalka dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dalxiiska, shir caalami ah oo ay isugu yimaadaan madax iyo khubaro ka kala socda dalal badan.

Wasiirku waxa uu Jaaliyadda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran iyo karaamada ay u muujiyeen. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu la qaadan doono kulamo Jaaliyadda, isagoo uga warbixin doona xaaladda guud ee dalka, horumarka dowladda Soomaaliya ka gaartay arrimo badan oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada, iyo sidoo kale kaalinta muhiimka ah ee qurba-joogta looga baahan yahay taageerada dalka hooyo.

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hayโ€™adda

0

Guddoomiyaha hayโ€™adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha iyo Raโ€™iisul Wasaaraha dalka howlaha muhiimka ah ee ay SODMA qabatay tan iyo markii la aasaasay, xilli ay halkaasi kormeer ku tageen madaxdu.

Guddoomiyuhu wuxuu iftiimiyay sida ay hayโ€™addu uga jawaabtay xaaladihii degdegga ahaa ee ka dhashay abaaraha iyo fatahaadaha, isaga oo sheegay in gurmad degdeg ah lala gaaray kumanaan qoys oo Soomaaliyeed.

Waxyaabaha uu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa dhismaha bakhaarro casri ah oo lagu kaydiyo gargaarka degdegga ah, si loo hubiyo in masiibooyinka laga gaadho meel kasta oo ay ka dhacaan.

Madaxweynaha iyo Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa si taxaddar leh u dhagaystay warbixinta Guddoomiyaha, iyagoo muujiyay qaddarin iyo taageero ay u hayaan shaqada adag ee ay Heyโ€™addu hayso.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

0

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay guulaha ay xaqiijisay muddadii saddex sano ahayd ee ay dalka u shaqeynaysay, taas oo hirgelisay barnaamijyo iyo mashaariic wax-ku-ool ah, oo ay markhaati u yihiin dadka Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo munaasabadda bandhigga ka qeybgalay ayaa sheegay in Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Xukuuumaddiisu ay hirgaliyeen qorshayaaal iyo shuruuc muhiim u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.

Guulaha ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran ayaa taabanaya dhinacyada amniga, siyaasadda horumarinta arrimaha bulshada, difaaca iyo adkaynta midnimada Qaranka.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in guulahani ay ku yimaadeen wadajir iyo midnimo, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Xildhibaannada Labada Aqal iyo guddoonkooda.

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaranย 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee muddada saddexda sano ah (2022โ€“2025).

Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha muuqda ee xukuumaddu ay ka soo hooysay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, isaga oo xusay in horumarkan uu ka tarjumayo dadaal wadajir ah oo shacabka iyo dowladda ay ku mideysan yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ah ay mudnaan gaar ah siisay xoojinta amniga dalka, dhismaha hayโ€™adaha dowliga ah iyo horumarinta adeegyada bulshada si loo xaqiijiyo nolol iyo mustaqbal wanaagsan oo ay ku noolaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku bogaadiyay Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre dedaalka joogtada ah iyo ka go’ naanshaha ku aaddan in shacabka Soomaaliyeed ay codkooda ku doortaan mataleyaashooda, isaga oo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga dowladdooda, si guulaha la gaaray loo sii ballaariyo.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa kulan la qaatay Madaxa U Adkeysiga Afooyinka ee Midowga Yurub, Marwo Mayra.

Kulanka, oo ka dhacay xarunta Midowga Yurub ee magaalada Nairobi, waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha xal u helidda dadka ku barakacay dalka iyo meel-marinta sharciyada, sida sharciga qaxootiga iyo magangelya doonka.

Hayโ€™adda ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo abuuri lahaa waxqabad muuqda oo xal loogu raadinayo bulshada barakacday, iyadoo la kaashanaysa daneeyeyaasha u heelan wax ka qabashada arrimahan.

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee cimilada iyo qorshayaasha la xiriira hawlaha dib-u-xoreynta dhulka ay gacanta ku hayaan Khawaarijta.

Intii uu kulanku socday, labada masโ€™uul waxay diiradda saareen sidii Hayโ€™adda SoDMA uga qayb qaadan lahayd gurmadka biniโ€™aadannimo ee la gaarsiinayo deegaannada cusub ee la qorsheynayo in laga xoreeyo Khawaarijta. Waxaa la isku afgartay in SoDMA ay u diyaar garowdo sidii ay u gaarsiin lahayd gargaarka degdegga ah goobahaas, isla markaana ay hoggaan u noqon lahayd isku-dubbaridka dhammaan howlaha biniโ€™aadannimo.

Si loo xaqiijiyo iskaashi buuxa, labada masuul waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi farsamo oo kala matala Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hayโ€™adda SoDMA. Guddigan ayaa si dhow uga wada shaqeyn doona sidii loo fulin lahaa qorshayaasha gargaarka iyo taageerada loogu fidinayo dadka ku nool deegaannada la xoreeyay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar โ€œJeneraal Khaalid,โ€ ayaa maanta degmada Ceeldheer u qabtay geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka munaasabad isugu jirtay duco loogu sameeyay shuhadadii ku dhimatay dagaalka, dhiirrigelin iyo abaalmarin la sameeyay ciidankii casharka u dhigay Khawaarijta.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska Hirshabeelle, Jeneraal Xasan Dhicisow, saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka, iyo maamulka degmada.

Dhamaan masuuliyiintii goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay guusha ay gaareen geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa gudoonsiiyay Daljirayaasha Xoogga Dalka iyo saraakiishooda shahaadooyin sharaf, billado abaalmarin ah iyo dhiirrigelin gaar ah.

Tani waxay dhiirrigelin gaar ah u tahay geesiyaasha Xoogga Dalka ee difaaca qaranka.

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka, kaas oo lagu taageeri doono wacyigelin, jawaab degdeg ah iyo soo kabasho.

Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay kulan istiraatiiji ah oo lagu soo bandhigay qorshe fulineedka horumarinta awoodda iyo abaabulka khayraadka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga hayโ€™adaha iyo ujeeddada ugu weyn ee adeeg hufan oo loo sameeyo shacabka Soomaaliyeed.

Sanduuqa cusub ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda dalka ee la xiriirta ka jawaabidda musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah, lana hubiyo in khayraadka iyo adeegyada muhiimka ah si hufan loogu adeegsado, si shacabka Soomaaliyeed looga badbaadiyo waxyeello kasta oo ka dhalan karta musiibooyinka mustaqbalka.

๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐——๐— ๐—” ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ฒ๐˜†๐—ฏ ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐—ต๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฐ๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—นl๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ

0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu falanqeynayey fursadaha maaliyadeed ee wax looga qaban karo khataraha iyo musiibooyinka ka dhasha isbeddelka cimillada.

Shirka waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga dooday caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada iyo sida loo heli karo maalgelin iyo taageero dhaqaale oo wax ku ool ah, si wax looga qabto saameynta sii kordheysa ee arrintan.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, oo khudbad ka jeediyay shirka, ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo fursado maaliyadeed oo waara, si Soomaaliya ay ugu diyaar garowdo loona xakameeyo halista musiibooyinka dabiiciga ah ee sii kordhaya sababo la xiriira isbeddelka cimilada.

Raโ€™iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey suโ€™aalo la xiriirra waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda DanQaran saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa soo bandhigay guulaha waaweyn ee ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran ee dhinacyada amniga, siyaasadda dhaqaalaha, dowlad-wanaagga, horumarinta adeegyada bulshada, xiriirka caalamiga ah, doorashooyinka, xiriirka dowlad-goboleedyada iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalka.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo dadweynaha ugu jawaabayay si toos ah suโ€™aalaha ay qabaan ayaa sheegay in muddada u hartay ay xaqiijin doonaan guulo ballaaran oo wax ku ool u ah bulshada Soomaaliyeed.