Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay shirka COP30 ee isbeddelka cimilada, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Belem ee dalka Brazil, isagoo khudbaddiisa ku adkeeyay baahida loo qabo in tallaabo degdeg ah oo caalami ah la qaado si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimilada.

Mudane Saalax ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu nugul isbeddelka cimilada, islamarkaana ay abaaro soo laab-laabtay ka dhaceen, iyada oo aan qeyb ka ahayn wasakhowga hawada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa carrabaabay qorshaha Soomaaliya ee NDC iyo Qorshaha La-qabsiga Cimilada, oo qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), kaas oo diiradda saaraya afar qodob: la-qabsiga, maalgelinta cimilada, khasaaraha iyo magdhowga, iyo isbeddelka tamarta nadiifta ah.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa la wadaagay shirka sida ay muhiim u tahay in la iska kaashado la tacaalidda iyo wax ka qabashada khasaaraha isbeddelka cimilada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...