Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Guddiga Joogtada, kaasoo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa. Kulanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Guddoomiyaha ayaa furitaanka kulanka ka jeediyay warbixin ku saabsan howlaha Golaha Shacabka, gaar ahaan meelmarinta shuruucda kaabeysa dowladnimada dalka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay dhaqangelinta shuruucda horseedaysa doorasho qof iyo cod ah. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay dadaalka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku aaddan diiwaangelinta dadweynaha.

Intaas kadib, xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday ajendayaasha mudnaanta u leh kalfadhiga toddobaadkan, iyagoo si gaar ah ajendeyn ugu sameeyay qorshayaasha Golaha ee toddobaadka soo socda.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulanka soo xiray isagoo bogaadiyay howsha ay hayaan guddiyada Golaha, gaar ahaan korjoogteynta wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee ay u xilsaaran yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...